27/05/2026
Ciid Mubarak
Waxaan farxadda ciidda lawadaageynaa dhamaan ummada muslimiinta guud ahaan gaar ahaan ummada soomaaliyeed.
كل عام وانتم بخير
UJU is upcoming private university located in Baidoa District , Southwest State of Somalia
Upper Jubba University (UJU) is an upcoming private university located in Baidoa, Somalia. Pursuit to its commitment to meet the rising need for higher education in the region, the university has embarked on laying down the required infrastructure and academic programs that are innovative, market driven and responsive to the need of the Somalis to be offered on full time, institutional based, weekend, evening and distance learning modes
27/05/2026
Ciid Mubarak
Waxaan farxadda ciidda lawadaageynaa dhamaan ummada muslimiinta guud ahaan gaar ahaan ummada soomaaliyeed.
كل عام وانتم بخير
21-kii May doorashadii ay qabteen ardeyda Midowga Jaamacadda Upper Jubba University ayaa waxaa isu soo sharxay ilaa 5 xisbi, iyadoo ugu dambeyn ay tartanka kusoo hareen 3 xisbi oo si rasmi ah ugu loolamay hoggaanka.
Waxaan bogaadineynaa sida hufan ee ay ardeydu u maareeyeen doorashadaas ku dhacday nidaamka qof iyo cod, taas oo muujineysa biseyl, wadajir iyo horumar dhanka dimuqraadiyadda ah.
Waxaan sidoo kale hambalyo u direynaa dhammaan ardeydii ka qeyb qaadatay doorashada, gaar ahaan guddigii qabanqaabada iyo musharixiintii tartanka galay.
21/05/2026
Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay xarumaha jaamacadda Upper Jubba University doorashada Midowga Xukuumadda Ardayda Jaamacadda, taas oo ay si weyn uga qeyb qaateen dhammaan ardayda jaamacadda.
Doorashada ayaa saaka si rasmi ah u bilaabatay abaare 7:00 subaxnimo, iyadoo saacado kahor si nabad iyo nidaam leh loo soo gabagabeeyey.
Ardayda jaamacadda ayaa muujiyey dadaal iyo xiise ay u qabeen doorashada, iyagoo si firfircoon u taageerayey musharraxiintooda isla markaana ku faraxsanaa in ay doortaan hoggaan cusub oo matala.
Doorashadan ayaa iskusoo Harey 3 musharx gudoomiye iyo 2 gudoomiye kuxigeen.
Natiijada Doorashada Guddoomiyaha Midowga Ardayda iyo Kuxigeenkiisa
1.Musharrax Abdirashiid Abdiraxiin Isak oo ka socday xisbiga Kulmiye ayaa helay 51% codadka guud ee ardayda, wuxuuna ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda.
1.Musharrax Mohamed Osman Mukhtar oo matalayey xisbiga Han iyo Horumar ayaa helay 39% codadka ardayda.
Musharrax Mohamed Ahmed Ali oo ka socday xisbiga Hufnaan iyo Caddaalad ayaa helay 10% codadka ardayda.
Natiijada Doorashada Guddoomiye Ku-xigeenka.
Doorashada Guddoomiye Ku-xigeenka waxaa ku tartamay laba musharrax, kuwaas oo kala ahaa:
1.Xabiibo Ibrahim Nor oo mataleysay xisbiga Haldoor ayaa heshay 58% codadka ardayda, waxayna ku guuleysatay xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Ardayda.
2.Sowdo Abdullahi Ismail oo ka socotay xisbiga Han iyo Horumar ayaa heshay 42% codadka ardayda.
Guud ahaan, doorashadu waxay ku dhacday jawi wanaagsan oo muujinaya biseylka dimuqraadiyadeed ee ardayda jaamacadda, waxaana la filayaa in hoggaanka cusub uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego ardayda iyo horumarka jaamacadda.
21/05/2026
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa guddoonka cusub ee xukuumadda ardayda jaamacadda oo maanta ay ardaydu codkooda ku doorteen. Waxaan Alle uga baryeynaa masuuliyiinta la doortay inuu ka dhigo kuwo si daacadnimo, karti iyo hufnaan leh ugu adeega ardayda iyo jaamacaddaba.
Sidoo kale, waxaan u rajeyneynaa in waajibaadka iyo masuuliyadda loo igmaday ay u gutaan si xilkasnimo iyo daacadnimo ku dheehan tahay, kana shaqeeyaan horumarka iyo midnimada ardayda.
Hambalyo ayaan leenahay maamulka cusub, waxaana u rajeyneynaa guul iyo waxqabad wanaagsan.
20/05/2026
OGEYSIIS MUHIIM AH
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda dhigata jaamacadda in maalinta berri oo Khamiis ah, kuna beegan 21 May 2026, ay dhici doonto doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Xukuumadda Ardayda Jaamacadda.
Sidaas darteed, waxaa la idin ku wargelinayaa in berri ay tahay maalin doorasho, islamarkaana aysan jiri doonin wax xiisado ah.
Haddaba, codkaaga ku ciil bax, kuna rid meel aad ku kalsoon tahay.
Mahadsanidiin.
Murashixiinta Sanadkan 2026 u taagan xilka G.kuxigeenka Xukuumadda ardeyda jaamacadda taasi oo maalmaha soosocda lagu qabandoono Xarumaha jaamacadda Baydhabo iyo Degmada qansaxdheere.
Murashixiinta Sanadkan 2026 u taagan xilka G.kuxigeenka Xukuumadda ardeyda jaamacadda taasi oo maalmaha soosocda lagu qabandoono Xarumaha jaamacadda Baydhabo iyo Degmada qansaxdheere.
Murashixiinta Sanadkan 2026 u taagan xilka Gudoomiyaha Xukuumadda ardeyda jaamacadda taasi oo maalmaha soosocda lagu qabandoono Xarumaha jaamacadda Baydhabo iyo Degmada qansaxdheere.
Murashixiinta Sanadkan 2026 u taagan xilka Gudoomiyaha Xukuumadda ardeyda jaamacadda taasi oo maalmaha soosocda lagu qabandoono Xarumaha jaamacadda Baydhabo iyo Degmada qansaxdheere.
Murashixiinta Sanadkan 2026 u taagan xilka Gudoomiyaha Xukuumadda ardeyda jaamacadda taasi oo maalmaha soosocda lagu qabandoono Xarumaha jaamacadda Baydhabo iyo Degmada qansaxdheere.