Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed

Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed

Share

This is the official page of Koonfur Galbeed Pss

05/05/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH – FASAX KU-MEEL-GAAR AH.

Ardayda, Macallimiinta iyo Waalidiinta sharafta leh

Maamulka Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed wuxuu idin ogeysiinayaa in, iyadoo la fulinayo amarka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare DowladdaKoonfur Galbeed ee ku aaddan qabsoomidda Doorashada Deegaanada Koonfur Galbeed, la fasaxay dhammaan goobaha waxbarashada ee lagu qaban doono doorashada kuna yaalla deegaanada ay doorashadu ka dhaceyso.
Sidaas darteed, dugsigu wuxuu geli doonaa fasax ku-meel-gaar ah:

🗓 Bilowga fasaxa: Arbaco, 6-May-2026

🗓 Dhammaadka fasaxa: Axad, 10-May-2026.

Waxaana isku soo laaban doonaa maalinta isniinta ah taariikh 11-5-2026

Waxaan uga mahadcelineynaa dhammaan ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta wada-shaqeynta joogtada ah.

Wabilahi towfiiq

20/04/2026

Tartan aqooneedka isbuuca ee Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed

6aad(A)—10
7aad(B)—12

Hambalyo fasalka 7aad(B)

02/04/2026

📚 Back to School📚

Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan ardayda macallimiinta iyo waalidiintaba in Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed uu dib u furmi doono Sabti, 4 April 2026. Insha-allah

Isku soo laabasho wanaagsan.

23/03/2026

BACK TO SCHOOL

Fasaxa ciida ka dib
24/03/2026 maalinta berri ah waxaa dib u furmaya Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed

Iskusoo laabasho wacan😍

21/03/2026

Qaar ka mid ah ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed oo hambalyada ciida la qaybsadey ummadda islaamka.

Hambalyo Ciid wanaagsan dhammaan ummadda islaamka.

21/03/2026

Qaar ka mid ah macallimiinta Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed oo hambalyada ciida la wadaagey dhammaan ummadda islaamka.

Ciid wanaagsan dhammaan ummadda muslimiinta ah.

27/02/2026

Biyo dhaamin ay sameeyeen ardayda dhigata Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed gaar ahaan fasalka 8B

Allaha ka abaal-mariyo ardayda iyo qof walboo kasoo shaqeeyey howshan wanaagsan.

Photos from Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed's post 26/02/2026

26/02/2026 maanta oo khamiis ah waxaa ardayda fasalka 8B ee Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed
biyo dhaamin u sameeyeen qaar kamid ah barakacayaasha ku nool duleedka baydhabo.

Allah ha ka abaal-mariyo ardayda la dareenka noqotey dadkooda tabaaleysan ee abaartu saamaysay.

Allahayoow na oontir oo raxmadaada nasii🤲

25/02/2026

Barnaamijka taakuleynta oo loogu gurmanayo biyana loogu dhaaminayo dadka masaakiinta ah oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.
Waxaana biyo dhaaminta sameeynaya fasalka 8B ee Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed

Aan isu gargaarno walaalayaal inteena wax heysata.

22/02/2026

Nadwo ku saabsan Acmaasha soonka oo ay noosoo jeedinayeen allaha ka abaal-mariyee
Ustaad Abdullahi Abdi madobe
Ustaad Abdullahi Ali hassan
Ustaad Mohamed Abdullahi Adam

Allaha naga dhigo kuwii ay anfacdo aduun iyo aakhiraba
Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed

21/02/2026

22/02/2026 7:20Am waxaa Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed ka dhici doonta Muxaadaro ka hadleysa faa’idooyinka iyo sidii aan uga faa’ideysan laheyn bishan barakeysan ee soonka.
Waxaana soo jeedin doonaa allaha ka abaal-mariye.
Ustaad Abdullahi Abdi Madobe
Ustaad Mohamed Abdullahi Adam
Ustaad Abdullahi Ali hassan.

Soo xaadiraataan wanaagsan.

Want your school to be the top-listed School/college in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address

Baydhabo