15/08/2026
Annagoo ah Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Milgo, waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee fasalka 12aad ka gudubtay Imtixaanka Qaranka.
Guusha aad maanta gaadheen waa mid ka dhalatay dadaal, dulqaad, adkaysi iyo rajo.
Waa bilowga bog cusub oo noloshiinna ah, waxaana idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn.
Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa xubnaha Naadiga Milgo, oo ka mid ahaa kummaanaanka arday ee maanta gudbay, waxayna kala yihiin;
1- Yuusuf Nuur Axmed ( Guddoomiye)
2- Maxamed Mukhtaar Mire ( Agaasime)
3- Hakiima Mohamud Mohamed (Madaxa xiriirada bulshada)
4- Maxamed yacquub Aamiin ( Maan-kaab leader)
5- Abdiaziz Nuur Maxmed.
6- Abdullahi Ahmed Mohamed.
7- Hanifa maxamuud maxamed.
8- Muna Maxmed Abdi
9- Naciima Maxamed Isxaaq
10- Muslima Nuur Maxamed
11- Umayma Aweis Hassan
07/08/2026
Moqadisho 6- Aug-2026!.
Madaxa xiriirka bulshada ee Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Milgo, ee Hakima Mohamuud Mohamed ayaa ka qeyb gashey bandhiga buugaagta Wacyi iyo xus jaceyl oo uu qorey Abdalla shiiraar [ Kamil ], iyada oo halkaasna kasoo jeedey kalimad oo isugu jirtey dhiiragelin iyo bogaadin.
bandhiga ayaa shaley galab ka dhacay Hoolka jaamacada Soomaaliya ee Mogadishu.
27/07/2026
Xubnaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Milgo oo isku duuban waxay hambaliyo iyo boogadin u dirayaan Gudoomiyaha cusub ee Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka , Ahna Gudoomiyahii 5aad ee Naadiga tan iyo aasaaskeedii.
Waxaana u rajeynaynaa in uu ilaahey la garab galo Mas'uuliyadan culus ee loo igmadey.
Hambaliyo.
.
22/07/2026
Hambalyo iyo bogaadin!.
Naadiga akhriska iyo qoraalka milgo, wuxuu Hambaliyo iyo bogaadin u dirayaa madaxa Naadiga akhriska iyo qoraalka jaamacada Kaamil International University, Maxamuud Cabdi ixsaaq oo dhowaan loo magacbaay Xilkaan.
Waxaan bogaadinaynaa gadoomiye Maxamuud ,annagoo rajaynayno in uu ka shaqayn doono horumarinta dhaqanka akhris-qoraaleedka ardayda jaamacada iyo kor u qaadista xirfadaha arday ee jaamacada.
21/07/2026
Hambaliyo Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Milgo!
Waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u diraynaa bahda Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Milgo, kaddib markii Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ay guddoonsiisay Shahaado Sharaf lagu aqoonsanayo kaalinta Muuuqata ee uu naadigu ka qaatay horumarinta aqoonta, kobcinta dhaqanka akhriska, dhiirrigelinta qorista, iyo kor u qaadista wacyiga bulshada.
Abaalmarintani waa mid ka tarjumaysa dadaalkii, daacadnimadii, iyo himiladii ay xubnaha naadigu muddada dheer u soo hureen bulshada iyo dhalinyarada.
Waa guul ay wada leeyihiin dhammaan xubnaha, taageerayaasha, iyo cid kasta oo garab istaagtay himilada naadiga.
Waxaanu si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, qiimeynta iyo dhiirrigelinta ay siisay howlaha wax-ku-oolka ah ee Naadiga Milgo.
21/07/2026
Qeybtii shahaado bixinta munaasadii koobneyd ee shaley lagu Soo xiraayey tabbabarkii Academic writing and Article writing.
21/07/2026
Mahad-naqid
Alle ayaanu uga mahadcelineynaa oo inoo suurageliyey in uu si wanaagsan inoogu soo dhammaado tabbabarkii cinwaankiisu ahaa Academic writing and Article writing, Waxaana Xubnaha naadiga u bixisey tabbabarkan heerkiisu sareeyo jaamacadda University of Southern Somalia.
Tabbabarka oo socdey muddo laba maalmood ah, ayaa shaley galab lagu soo gunaanadey hoolka jaamacada, iyada oo halkaasna lagu qabtey munaasad kooban oo ay kasoo qeybgaleen Maamulka jaamacadda, marti sharaf iyo xubnihii Naadiga ee tabbabarka loo qabtey iyaga oo halkaasna lagu gudoonsiiyey shahaadooyin.
Mar kale waxaanu u mahadcelineynaa jaamacadda oo inoo suuragelisey in aan tabbabarkan qaadano iyaga oo si bilaash ah inagu siiyey, waxaa ayna balanqaadeen in ay u heelan yihiin in ay tabbabaro kale qabtaan, haddii uu soo dhaco codsi ka yimaada koox isku xiran.
19/07/2026
Tababar ku saabsan Academic Writing & Article Writing, oo loo qabanayo xubnaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Milgo, ayaa maalinkii 2aad ka socda xaruunta jaamacada koonfurta Soomaaliya.
Tababarkani wuxuu diiradda saarayaa horumarinta xirfadaha qorista tacliimeed, diyaarinta maqaallada cilmiyeed, iyo kobcinta aqoonta xubnaha Naadiga, si ay ugu adeegsadaan waxbarashadooda, cilmi-baaristooda, iyo qorista xirfadeed.
14/07/2026
University of Southern Somalia waxay u qabanaysaa Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Milgo tabbabar soconaya laba maalmood, kaas oo diiradda lagu saari doono:
βοΈ Academic Writing
π Article Writing
Tababarkani wuxuu ujeedkiisu yahay horumarinta xirfadaha qorista tacliimeed iyo diyaarinta maqaallo tayo leh, si ka xubnaha Naadiga u yeeshaan aqoon iyo xirfad ay ugu adeegsadaan waxbarashada, cilmi-baarista, iyo qorista xirfadeed.
Wuxuuna noqon doonaa tababar aqoon iyo waayo-aragnimo u kordhin doona xubnaha Naadiga.
Jaamacadda Koonfurta soomaaliya, waad mahadsantihiin.
π
Taariikhda: 18β19 Luulyo 2026
π Waqtiga: 3:00Pm Galabnimo
π Goobta: Xarunta Dhexe ee Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya (USS)
β³ Muddada: 2 Maalmood.
13/07/2026
Axad, 12- July-2026!.
Alle ayaa ku mahadsan oo inoo suura-galiyey in uu si qurux badan noogu soo dhamaado Cinwaan dood wadaag ahaa ayna Si wadajir ah u qabteen Naadiga iyo Koonfur Galbeed Book Fair, Waxaana Soo jeedintiisa iyo Daadihintiisa lahaa Ustaad Cabdimalik Cadaan.
Kulanku wuxuu ahaa mid aad loogu falanqeeyey " Baraha bulshada iyo qoraalka Dhigitaalka ah".
Waxaana ka qeyb galey xubnaha Naadiga iyo danneeyeyaal kale oo barnaamijka aad ula dhacay.