South West State of Somalia University SWSSU

South West State of Somalia University SWSSU

Share

South West Sate Somalia University is Public University that provides both graduate and postgraduate programs.

16/08/2026

Diiwaangelinta Ardayda Cusub

Waxaa si rasmi ah u furmay diiwaangelinta ardayda cusub ee sanad-dugsiyeedka 2026–2027.

Fursaddaada waxbarasho ka faa’iidayso, oo maanta isdiiwaangeli si aad uga mid noqoto ardayda cusub ee sanadkan.

Ha seegin fursaddaada waxbarasho!

15/08/2026

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO!

Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan bahda South West State of Somalia University SWSSU waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan labada arday ee kaalmaha sare ka galay imtixaanka Form Four ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

πŸ₯‡ Idiris Nuur Cabdi Abiikar
πŸ… Kaalinta 7-aad β€” 92%

πŸ₯ˆ Deeqa Cali Mukhtaar Maxamed
πŸ… Kaalinta 10-aad β€” 91.29%

Labadan arday waxay muujiyeen dadaal, karti, adkaysi iyo himilo sare, iyagoo sharaf u soo hoyiyey Dugsiga Ma’mur ee Baydhaba iyo guud ahaan bahda waxbarashada Koonfur Galbeed.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa ardayda, waalidiintooda, macallimiintooda iyo dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay guushooda.

Guushu waa bilowga safar cusub. Mustaqbalkiinnu ha noqdo mid ifaya, aqoontiinnuna ha noqoto mid aad ugu adeegtaan bulshada iyo dalka. πŸŽ“

Hambalyo Idiris Nuur Cabdi Abiikar & Deeqa Cali Mukhtaar Maxamed!
Guul iyo mustaqbal ifaya ayaan idiin rajaynaynaa.

15/08/2026

Hambalyo iyo Bogaadin

Jaamacadda South West State of Somalia University SWSSU waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ardayda Form Fourka kuwaas oo soo gabagabeeyey marxalad muhiim ah oo ka mid ah safarkooda waxbarasho.

Waxaan idiin rajaynaynaa guul, mustaqbal ifaya iyo horumar joogto ah. Waxbarashadu waa furaha mustaqbalka, jaamacadduna waxay diyaar u tahay inay idinla garab istaagto tallaabada xigta ee aqoontiinna iyo mustaqbalkiinna.

Hambalyo dhammaantiin!
SWSSU – Aqoonta, Hoggaanka & Horumarka Bulshada.

Photos from South West State of Somalia University SWSSU's post 13/08/2026

πŸŽ“ Xafladda Qalin-badalashada Dufcaddii 5-aad ee Darul Barakat Institute

Madaxa Xiriirka Dadweynaha ee South West State of Somalia University SWSSU Mudane Mohamed Ismail Adan γ€ŠM.SAHAL 》 ayaa ka qeyb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusay xafladda qalin-badalashada Dufcaddii 5-aad ee Machadka .

Munaasabadda oo ahayd mid xambaarsan farxad, sharaf iyo dhiirrigelin, ayaa waxaa kasoo qeyb galay maamulka machadka, macallimiin, waalidiin, marti-sharaf iyo ardayda qalin-badlanaysay.

Mudane Mohamed Ismail Adan ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay ardayda ka qalin-badashay machadka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay aqoonta ay barteen u adeegsadaan horumarinta naftooda, qoyskooda, bulshada iyo guud ahaan dalka. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in jiilka cusub ay noqdaan kuwo leh aqoon, akhlaaq, karti iyo masuuliyad bulsho.

Qalin-jabintu ma aha dhammaadka waxbarashada, balse waa bilowga safar cusub oo aqoon, hal-abuur iyo adeeg bulsho ah.
Hambalyo iyo bogaadin ayaan u diraynaa Dufcaddii 5-aad ee Darul Barakat Institute, waxaana u rajaynaynaa dhammaan qalin-jabiyeyaasha mustaqbal ifaya, guul joogto ah iyo inay noqdaan jiil door muuqda ka qaata dib-u-dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Hambalyo Qalin-jabiyeyaasha! πŸŽ“πŸ‘
Hambalyo Waalidiinta! 🌹
Hambalyo Darul Barakat Institute!

Photos from South West State of Somalia University SWSSU's post 11/08/2026

Maamulka Jaamacadda oo Kulan la Qaatay Qaar Kamid ah Guddoomiyeyaasha Ardayda Form Four-ka ee Magaalada Baydhabo.

Maamulka Jaamacadda South West State of Somalia University SWSSU ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Ardayda Form Four-ka ee dugsiyada magaalada Baydhabo, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Jaamacadda iyo ardayda ku dhow inay dhammaystaan waxbarashada dugsiga sare.

Kulanka ayaa looga hadlay fursadaha waxbarasho ee jaamacadda, diyaar-garowga ardayda Form Four-ka, hagidda mustaqbalka waxbarasho iyo sidii ardayda loogu fududeyn lahaa inay si wanaagsan ugu gudbaan heerka jaamacadeed.

Maamulka Jaamacaddu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ardayda la siiyo wacyigelin, talo iyo hagid waxbarasho si ay u gaaraan go'aanno sax ah oo ku aaddan mustaqbalkooda waxbarasho iyo xirfadeed.

Dhankooda, Guddoomiyeyaasha Ardayda ayaa soo dhaweeyay dadaalka Jaamacadda, iyagoo muujiyay sida ay uga go'an tahay inay door wanaagsan ka qaataan wacyigelinta iyo dhiirrigelinta ardayda Form Four-ka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Jaamacadda ee lagu xoojinayo xiriirka ay la leedahay bulshada waxbarashada iyo taageeridda jiilka cusub ee u diyaargaroobaya heerka jaamacadeed.





11/07/2026

Guud ahaan maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda South West State of Somalia University SWSSU
waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Wasiirka cusub ee
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare DowladdaKoonfur Galbeed Mudane

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu ku garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday, kana dhigo mid ku guuleysta horumarinta waxbarashada, tayeynta tacliinta sare, kobcinta hiddaha iyo dhaqanka, iyo sare u qaadidda adeegyada waxbarasho ee bulshada Soomaaliyeed.

Hambalyo iyo guul ayaan kuu rajeyneynaa mudane wasiir.

Ilaahay ha kuu fududeeyo gudashada waajibaadka qaran ee ku horyaalla.

Photos from South West State of Somalia University SWSSU's post 09/07/2026

Madaxa Xiriirka Dadweynaha Jaamacadda South West State of Somalia University SWSSU , Mudane Mohamed Ismail Adan ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda qalin-beddelashada dufcaddii 6-aad ee Machadka Al-Hudda Educational college

Munaasabadda ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana lagu maamuusay ardaydii si guul leh u soo dhammaysatay waxbarashadooda. Waxaa madasha laga jeediyay khudbado diiradda lagu saaray muhiimadda waxbarashada, horumarinta aqoonta, iyo doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin dhismaha bulshada.

Mudane Mohamed Ismail Aadan ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jabisay, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda. Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay maamulka Machadka Al Huda, macallimiinta iyo waalidiinta kaalintii ay ka qaateen guusha ardayda.

Jaamacadda South West State of Somalia University (SWSSU) waxay markasta garab taagan tahay dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, waxayna sii xoojin doontaa iskaashiga ay la leedahay hay'adaha waxbarashada si loo kobciyo tayada aqoonta iyo horumarinta bulshada.

Hambalyo dhammaan ardayda qalin-jabisay. Waxaan idiin rajeyneynaa mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn.

20/06/2026

Madaxa xariirka dadweynaha jaamacada South West State of Somalia University SWSSU mudane Mohamed Ismail Adan ayaa kalamateen kooban ka jeediyey xaflada qalan badalashada dufcadii 7aad ee .

Photos from South West State of Somalia University SWSSU's post 19/06/2026

Madaxa Xiriirka Dadweynaha jaamacadda South West State of Somalia University SWSSU mudane Mohamed Ismail Adan ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda qalin-jabinta dufcaddii 7-aad ee ardayda ka baxday , kuwaas oo si guul leh u soo dhammaystay.

barashada culuumta Technology-ga iyo xirfadaha casriga ah.
Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu maamuusayey dadaalka iyo guusha ay ardaydu gaareen, iyadoo lagu bogaadiyey kaalinta ay waxbarashadu ku leedahay horumarka bulshada iyo dhismaha mustaqbalka dhalinyarada.

Mohamed Ismail Aadan ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jabisay, isagoo ku dhiirrigeliyey inay aqoontooda iyo xirfadahooda u adeegsadaan horumarinta naftooda, bulshada iyo dalka.

Waxaan sidoo kale hambalyo u diraynaa maamulka, macallimiinta iyo waalidiinta ka qeyb qaatay guusha ardaydan, waxaana u rajeyneynaa dufcadda qalin-jabisay mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn.

Hambalyo Dufcaddii 7-aad ee Badbaado Integrated Academy. Guul iyo horumar ayaan idiin rajeynaynaa. πŸŽ“πŸ’»

Photos from South West State of Somalia University SWSSU's post 11/06/2026

MAANTA WAXAA SI RASMI AH U BILOWDAY IMTIXAANKA FINAL-KA EE JAAMACADDA South West State of Somalia University SWSSU

Maanta waxaa si rasmi ah u bilowday Imtixaanka Final-ka ee dhammaan ardayda Jaamacadda Dowladda Koonfur Galbeed (KGS University), kaas oo lagu qiimeynayo dadaalkii, aqoontii iyo waxbarashadii ay ardaydu soo barteen muddadii semester-ka.

Maamulka Jaamacaddu wuxuu dhammaan ardayda u rajeynayaa guul, nasiib wanaagsan iyo in ay si hufan uga miro-dhalaan dadaalkooda waxbarasho.

Sidoo kale waxaa lagu boorinayaa ardayda in ay ilaaliyaan anshaxa imtixaanka, waqtiga iyo habraacyada jaamacadda.

Waxaan u mahadcelineynaa macallimiinta, maamulka iyo dhammaan shaqaalaha jaamacadda dadaalka ay geliyeen diyaarinta iyo hirgelinta imtixaannadan.

🌟 Guul ayaan u rajeyneynaa dhammaan ardayda Jaamacadda Dowladda KGS..

Want your school to be the top-listed School/college in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Luga Baxsi Road
Baydhabo