Bakar Mohamed Arab,arday ka mid ah fasalka 4aad.M.a
Al-Bushra Primary And Secondary School
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Al-Bushra Primary And Secondary School, School, Bardera, Bardera.
Agaasimaha dugsiga Al-bushra oo khudbad dhiiragelin,baraarujin iyo waano soo jeediyey maalinka Macallimiinta.Ustad Bille Isack Waare.
21/11/2025
Hambalyo!Hambalyo!Hambalyo
Dhamman macallimiinta Soomaliyeed meel kasto oo ay joogaan.21/112025
Assalamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu.
Maanta oo kale waa maalinta aan u istaagno inaan u mahadcelinno macallimiinta qiimaha badan. Waxaad tihiin iftiin noo horseeda aqoon, anshax iyo mustaqbal wanaagsan. Dadaalkiinna, samirkiinna iyo hagiddiinna ma aha kuwo la iloobi karo.
Mahadsanidiin sida aad u hagtaan ardayda, u dhisaan bulshada, uguna dadaashaan in jiil walba uu noqdo mid ka wanaagsan kii ka h**eeyay. Waxaan idiin rajaynayaa caafimaad, farxad iyo guul joogto ah.
Hambalyo,Hambalyo,Hambalyo.
27/09/2025
Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allah (SWT) ka dibna waxaan u mahadcelinaynaa macallimiinta, waalidiinta iyo dhammaan intii ka soo qeyb gashay munaasabadaan quruxda badan.
Munaasabad qurux badan ayaa lagu gudoonsiiyey ardayda fasalka 8aad shahaadooyinkii sanad dugsiyeedkii 2023-2024 ee haatan ah fasalka 10aad , sidoo kalena ardaydii kaalmaha h**e ka galay dugsiga ayaa lagu abaalmariyey.
Hambalyo dhamaan ardayda guuleysatay, waxaan u rajeynaynaa horumar iyo guul dheeraad ah mustaqbalka,Shukran.
20/08/2025
Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Marka h**e Allah sw ayey mahad usugnaatey.Marka labaad waxaan halkaan ugu mahad celinayna dhammaan macalllimiinta soo saartay ardadii u fariisatay imtixaanka shahaadiga ahaa ee fasalka 8aad.
Waxa aan halkaan hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaa dhamaan Ardayda Al-Bushra Primary And Secondary School iyo macallimiintooda oo muujiyey dadaal dheeri ah,ayado oo la arkay natiijada wanagsan ee ay usoo hoyeen degmadooda iyo dugsigoodaba.
Waxa aan markale u mahad celinayaa waalidiinta oo runtii dadaal iyo Karti dheeri ah ku bixiyey waxbarashada Caruurtooda.Shukran
04/06/2025
Hambalyo Ardayda Fasalka 8aad! ππ
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhamaan ardayda ka gudubtay fasalka 8aad ee dugsiga Al-bushra sanadkan 2024-2025,oo ah dufacadii 2aad. Dadaalkiinna, goβaankiinna, iyo sabrigiinna waxbarasho ayaa maanta midho dhaliyay.
Tani waa tallaabo muhiim ah oo ahmiyad gaar ah u leh mustaqbalkiinna waxbarasho iyo nolosha guud. Waxaan idin rajeyneynaa natiijooyin wanaagsan oo idin sii dhiirrigeliya in aad u gudubtaan heerarka kale si kalsooni iyo karti leh.
Ilaahay ha idinka dhigo kuwa guuleysta, natiijo wacan hela, kuna tallaabsada horumar joogto ah.
Hambalyo! Hambalyo! Guul iyo baraare ayaan idiin rajeyneynaa.Shukran
17/05/2025
Bismillahi Al-raxmaan Al-raxiim
Awalan asalaamu caleykum waraxmatullahi wabarakaatuhu.
Maanta oo ay tahay maalin sabti ah taariiqduna ku beegantahy 17-5-2025.
Waxaa Allah (S.W) inoo suura galiyey inaanu abaal marinno kala duwan guddoonsiinno ardada kaalimaha h**e ka galay dugsiga hoose/dhexe iyo Sare ee Al-Bushra. Sanad dugsiyeedka (2024-2025).Shukran
Macallin Ahmed oo nagu baraarujinaya faa'idooyinka uu leeyahay Soonka.
"Writer's club members " oo noo soo bandhigey Xaflad aad U qurux badan oo ay Kaga hadlayeen Maalinka macallinka.Shukran
21/11/2024
ππππππππ, ππππππππ
Munaasabadda Xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, 21 November 2024.
Dugsiga hoose,dhexe iyo sare ee Al Bushra ayaa Xaflad Hambalyeyn ah qabtay Munaasabadda Maalinka Macalllinka Soomaaliyeed 21ka November awgeed.
Munaasabaddan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ardayda dugsiga dhigata iyagoo ku weynaynaya macallimiintooda.
Hambalyeyn iyo kalimado laga soo jeediyey Munaasabadda ka dib, waxaa ay ardayda dugsiga macallimiintooda gudoonsiiyeen Hadiyado iyagoo uga mahadceliyey isbedelka ay ku sameeyaan mustaqbalkooda.
Guud ahaan macallimiinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaynu u rajeynaynaa guul, nabad, caafimaad dhamaystiran, dambi dhaaf iyo farxad dhamaystiran. Insha Allah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Bardera