15/08/2026
๐ Hambalyo Ardaydeenna ! ๐
Maamulka iyo macallimiinta dugsigu waxay si weyn idiinla qeybsanayaan farxadda guushiinna.
Alle ayaa mahaddiisa leh, dhammaantiin waxaad ku guuleysateen natiijo heer sare ah.
Guushani waa midho-dhalka dadaal iyo sannado badan oo waxbarasho.
Farxaddiinnu waa farxaddeenna, guushiinna ayaa sharaf noo wada ah.
Hambalyo Ardaydeenna Form Four! ๐โค๏ธ
10/08/2026
๐ HAMBALYO QALIN-JABIN ๐
Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan bahda Dugsiga Sahal Moallim Isse waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Macallin Moktar Mohamed Ibrahim, oo ka mid ah macallimiinta qiimaha badan ee Dugsiga Sahal Moallim Isse, munaasabadda qalin-jabintiisa. ๐๐
Macallin Moktar, waxaan si kal iyo laab ah kuugu hambalyaynaynaa guushan qiimaha badan ee aad gaartay. Qalin-jabintu waa mid ka tarjumaysa dadaalka, dulqaadka iyo juhdiga aad gelisay waxbarashadaada.
Waxaan kuu rajaynaynaa in aqoonta aad kasbatay ay kuu noqoto mid anfaca adiga, ardayda aad wax barato, dugsiga iyo guud ahaan bulshada.
08/08/2026
Waxaan u hambalyaynaynaa Abdirahman adan oo ka mid ahaa ardaydii Dufcadii 2aad ee ka qalin jebisay iskuulka Sahal Moallim Isse Primary And Secondary school Baidoa-Somalia oo soo gebegebaayay heerka koowaad ee jaamacada (Bachelor Degree).
Waxaan leenahay, Maanta waa maalin taariikhi ah oo ka tarjumaysa dadaalka, sabirka, adkaysiga iyo juhdiga aad gelisay waxbarashadaada. Guushan aad gaartay waa tallaabo weyn oo kuu horseedaysa mustaqbal ifaya iyo fursado badan oo wanaagsan.
Waxaan Alle SWT kaaga baryeynaa inuu cilmigaaga kuu barakeeyo, mustaqbalkaagana kuu iftiimiyo, kuna waafajiyo waddo kasta oo khayr, sharaf iyo guul leh. ๐คฒ
Hambalyo million times ๐๐.
14/07/2026
Hambalyo iyo Bogaadin
Maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Sahal Moallim Isse Primary And Secondary school Baidoa-Somalia waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ardaydoodii h**e oo si guul leh u soo dhammeystay heerka koowaad ee jaamacadda, kuwaas oo maanta u adeegaya bulshada soomaaliyed ,
ku waas oo kala ah
- Deerow Ali Aden (Ijaaboy)
- Mohamud Hassan Nor (Cilmiga)
- Yusuf Issack Abdi (Eng. Paashaa)
- Drs. Ahsibo Ibrahim Abdullahi
Waxaan idinku hambalyeynaynaa guushan qiimaha badan. Waxaan idiin rajaynaynaa guulo ka sii waaweyn, caafimaad, iyo inaad aqoontiinna ugu adeegtaan diintiinna, dalkiinna, iyo bulshada Soomaaliyeed.
Iskuulka sahal waa soosaaraha jiilka cusub iyo barbaariyaha ubadka soomaaliyeed
Sahal seenooy suurid wal halniig barooy .
Hambalyo, hambalyo, hambalyo!
11/07/2026
๐น Hambalyo Ruqiyo Abdullahi Mohamed! ๐
Maanta waa maalin farxad iyo faan mudan. Waxaan kuu hambalyeynaynaa dhammaystirka safarkaaga waxbarasho ee heer jaamacadeed. Dadaalkaaga iyo dulqaadkaaga waxay noqdeen kuwo miro dhalay.
Waxaan kuu rajaynaynaa guulo ka sii waaweyn, caafimaad, barako, iyo horumar aan dhammaad lahayn.
Hambalyo Maamul ku-xigeenkeena qiimaha badan, waad mudan tahay guushan!
26/06/2026
BOGAADIN IYO HAMBALYO
Ku socota: Ardayda Fasalka 12-aad (Form 4) ee Dugsiga Sahal Moallim Isse Primary And Secondary school Baidoa-Somalia
Anigoo ku hadlaya magaca maamulka, macallimiinta iyo dhammaan bahda Sahal waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Fasalka 12-aad (Form 4) ee si guul leh u soo gabagabeeyey Imtixaanka Qaranka.
Waxaad muujiseen dulqaad, dadaal, adkaysi iyo anshax wanaagsan intii aad ku jirteen diyaar-garowga iyo muddadii uu socday imtixaanku. Guusha aad maanta gaadheen ee dhammaystirka imtixaanka waa tallaabo muhiim ah oo idin horseedaysa mustaqbal ifaya.
Waxaan Alle (SWT) idiinka baryaynaa inuu idinku gallado dadaalkiinna, idinkana siiyo natiijooyin aad u wanaagsan oo farxad, sharaf iyo guul idiin horseeda. Waxaan sidoo kale idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya oo aad ku gaadhaan hammigiinna waxbarasho, kana noqotaan aqoonyahanno, hoggaamiyeyaal iyo muwaadiniin waxtar u leh dalkooda iyo bulshadooda.
Mar kale, hambalyo iyo bogaadin. Guul iyo guulo kale ayaan idiin rajaynaynaa. Alle ha idin waafajiyo dhammaan himilooyinkiinna, hana idiin barakeeyo mustaqbalkiinna.
Hassan Ali Hassan
Maamulaha Dugsiga
12/06/2026
Waxaa maanta loo sameeyay Qurโaan Akhris Marxuumad , Alle ha u naxariistee, oo ka mid ahayd ardayda Fasalka 12-aad (Form 4). Qurโaanka Akhriska waxaa ka soo qayb galay maamulka dugsiga, macallimiinta iyo ardaydii ay isku fasalka ahaayeen, kuwaas oo Alle uga baryay inuu marxuumadda ku mannaysto naxariistiisa, qabrigeedana u waasiciyo, Janatul Firdowsana ka waraabiyo.
Geerida marxuumaddu waxay murugo iyo tiiraanyo ku reebtay dhammaan bahda waxbarashada, gaar ahaan macallimiinteedii iyo saaxiibbadeedii ay wadaaga ahaayeen safarkii waxbarashada. Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo qoyskeeda, ehelkeeda iyo dhammaan intii ay ka baxday.
Alle ha u naxariisto Marxuumad Nafiso Abdi Dahir, Janatul Firdowsana haka waraabiyo. Aamiin Ya Rabbal Caalamiin.