Deymasar Primary & Secondary School

Deymasar Primary & Secondary School

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Deymasar Primary & Secondary School, School, Balcad, Balcad.

28/04/2026

Subac kitaabka caqiidatu cawaam qeeyb kamid ah oo ay aqrinayaan qaar ka mid ardayda Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee deymasaar

Photos from Deymasar Primary & Secondary School's post 20/01/2026

Waxaa maanta taariikhada ku beegnayd 20/1/2026 noo soo idlaaday imtixaanka dhexe ( Midterm exam) guul dhamaan ardada iskuulka hoose dhexe sare ee deymasaar.

Photos from Deymasar Primary & Secondary School's post 12/12/2025

Warsaxaafadeed Taariikh: 12/12/2025
Maanta waxaa Midoowga u qabsoomay shir aan caadi aheeynin .

Shirka waxaa loogu hadlay laba qodob oo kala ah

1) Dardar gelinta ,taageeriidda iyo dhiiro gelinta iskuuladda midowga ka tirsan

2) Balaminta Doorashada Guud ee Gudoomiye ha
Midoowga Wabilaahi Toowfiiq.

20/11/2025

Ujeedo: Wargelin & Fasax Maalinta Macalinka

Maamulka Deymasar Primary & Secondary School waxay ku wargilinayaam Ardayda, iyo guud ahaan bahda Waxbarashada, inay soo dhowdahay Maalinta Macalinka Soomaaliyeed, oo ah maalin aad u qiimo badan oo lagu maamuuso kaalinta iyo doorka baaxadda leh ee Macalimiintu ku leeyihiin dhismaha bulshada.

Maaddaama maalinta Maalinka ee sanadkan ay ku soo aaday Maalin Jimco ah, waxaan tixgilineynaa farxadda, sharafta iyo muhiimadda maalintan, waxay go’aaminay:

1. In Xafladda Rasmiga ah ee Maalinta Macalinka la qabto Sabtida, 22-ka November 2025.

2. In Iskuulka la fasaxo maalinta Sabtidaas, si loo xuso loona sharfo macalimiinta Macalinka Soomaaliyeed, loona siiyo fursad ay bulshada iyo ardaydu ugu muujin karaan mahadnaq iyo qaddarin.

Maamulka Iskuulka Deymasaar waxey hambalyo leeyihiin Dhammaan Macalimiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan macalimiinta sida hagar la’aanta ah uga howlgala deegaanka Deymasaar ee Degmada Balcad.
Waxaana ugu mahadcelineynaa dadaalkooda, dulqaadkooda, iyo sida ay u gutaan waajibaadkooda culus ee waxbaridda ubadka Deymasaar iyo Nawaaxigiisa.

15/11/2025

Waa Khudbadii mid kamid ah Golaha Deegaanka Degmada Balcad Mudane Abdullahi Mohamed Hassan Alcadaala

15/11/2025

Wafdi balaaran oo uu hogaaminaayay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Balcad Mudane Cabdixakiin Ugaas Xuseen ayaa soo kormeeray Deymasar Primary & Secondary School iyo dhammaan Deegaanka Deymasaar.

Wafdiga ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Deegaanka Agaasimaha Iskuulka ahna Aqoonyahan kasoo jeeda Deegaanka Mr. Hassan Omar Osman Xasan Juungal waxaana wafdoga kamid ahaay Golaha Deegaanka ee Degmada Balcad Golaha ayaa balanqaad usameeyay Shacabka Deymasaar.

Photos from Deymasar Primary & Secondary School's post 09/11/2025

Halkaan waa Deymasar Primary & Secondary School oo ay si habsami leh uga socdaan waxbarashada heerarkeeda kala duwan.

Photos from Deymasar Primary & Secondary School's post 25/06/2025

Waxaa inoo soo gabagaboobay Imtiaanka finaalka sanad dugsiyadeedka 2025-2026 waxaana u rajeyneynaa ardaydeena iyo dhammaan ardayda soomaaliyeed guul.

Photos from Deymasar Primary & Secondary School's post 21/06/2025

Maanta oo ay taariikhdu tahay 21/June/2025 waxaa deegaanka deymasaar ee degmada Balcad si rasmi ah looga daahfuray Imtixaanka nakhliga ah ee Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Deyasaar, kaasoo ah dhamaadka sanad dugsiyeedka 2024-2025.

Ballanteennu waa dhiirrigelinta mustaqbalka ardayda.

Ardaydu waa ubaxa dalka iyo deegaankaba.

Wabilaahi Towfiiq.

18/05/2025

OGEYSIIS.

Dhammaan Ardayda iyo Waalidiinta Iskuulka Deymasar Primary & Secondary School la ogeysiinayaa in Imtixaanka Naqliga ee 2024-2025 uu bilaaban doono 31/May/2025 hadaba sidaas ha ula socdaan Macalimiinta iyo Ardayda.

01/03/2025

Dhammaan maamulka, macalimiinta iyo ardayda Deymasar Primary & Secondary School waxa ay idiin leeyihiin RAMADAAN MUBAARAK, ilaahey hanaga aqbalo dhamaanteen

Want your school to be the top-listed School/college in Balcad?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address

Balcad
Balcad