KAXANDHAALE 15 April 2026
Guddoomiyaha waxbarashada gobolka galgaduud mudane Cabdikaafi Muse iyo Gudoomiyaha waxbarashada degmada Balanballe mudane Cabdisalaan Maxamed (Galangoolli) ayaa kormeer ku tagay iskuulka Kaxandhaale iyadoo si habsami leh ay uga socoto tacliintu.
Kaxandhaale Primary School
Halkani waa page-ka rasmiga ah ee dugsiga hoose iyo dhexe ee Kaxandhaale.
08/12/2025
KAXANDHAALE, Isniin, 8 December 2025.
Mowliid Sh.Cali Tahliil oo ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayna Weheliyaan agaasimaha waxbarashada Degmada Balanballe Cabdi Salaan Maxamed Aar (Galan-gooli), madaxa EMIS-ka degmada Yuusuf Cabdi Maxammed iyo maamulka deegaanka Kaxandhaalle ayaa xarig jaray dhismaha wajiga koobad ee ee dugsiga hoose dhexe ee deegaanka Kaxandhaalle ee Degmada Balanballe oo Dhismihiisa ay fulisay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug
Ardayda deegaanka oo kolkii h**e wax ku baranayay dhisme aan ku filnayn ayaa cabasho ay u gudbiyeen bulshada deegaanka ayaa waxaa si deg deg ah uga soo jawaabay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyadoo fulisay wajiga koobaad ee dugsiga
Lasoo muuqaalka
27/10/2025
Guddoomiyaha degmada Balanballe Cabdicasiis Xaashi Cali oo ay wehlinayaan Xildhibaan Mowliid Sheikh Cali Tahliil oo kamida Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug iyo madaxa waxbarashada Degmada Balanballe ayaa maanta goob joog ka noqday bilowga dhismaha labo fasal oo ay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ay ku kordhisay Dugsiga Hoose Dhexe ee Deegaanka Kaxandhaalle oo ka mida Deegaanada Hoos yimaada Degmada Balanballe kaas oo baahi wayn dadka deegaanku u qabeen.
Masuuliyiintaan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo kasoo jawaabtay baahidii waxbarasho ee ka jirtay deegaanka Kaxandhaalle iyagoo sidookale qurbajoogta deegaankaan ugu baaqay inay ka qayb qaatan hormarka ka socda Kaxandhaalle.
=========Dhammaad======
"Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo dhalinyarada aqoonyahanka Deegaanka ayaa gaaray deegaanka Kaxandhaalle oo ka mid ah deegaannada hoos yimaada degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, iyagoo halkaas ka bilaabay olole lagu dhiirrigelinayo waxbarashada.
Agaasimaha waxbarashada Degmada balanballe cabdi Salaan Maxamed aar Galan-gooli, iyo madaxa emista Wasaaradda Waxbarashada ee degmada yuusuf cabdi Maxamed iyo Dhalinyaradda deegaanka ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in carruurta lageeyo goobaha waxbarashada, si ay mustaqbal wanaagsan u yeeshaan.
Dadka deegaanka Kaxandhaalle ayaa dhankooda uga mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo dhalinyarada aqoonyahanka Deegaanka doorka wacyigelinta ee ay ka qaadanayaan sidii ubadka loogu hogaamin lahaa waxbarashada.
08/09/2025
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo dhalinyarada aqoonyahanka Deegaanka ayaa gaaray deegaanka Kaxandhaalle oo ka mid ah deegaannada hoos yimaada degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, iyagoo halkaas ka bilaabay olole lagu dhiirrigelinayo sare u qaadida waxbarashada.
Agaasimaha waxbarashada Degmada balanballe cabdi Salaan Maxamed aar Galan-gooli, iyo madaxa emista Wasaaradda Waxbarashada ee degmada yuusuf cabdi Maxamed iyo Dhalinyaradda aqoonyahanka deegaanka ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in carruurta lageeyo goobaha waxbarashada, si ay mustaqbal wanaagsan u yeeshaan
Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ee Balanballe iyo dhalinyarada aqoonyahanka Deegaanka ayaa bulshada deegaanka Kaxandhaalle iyo deegaanada ku xeeran ugu baaqay inay ubadkooda ugu dadaalan in lageeyo gobaha waxbarashada si loola dagaalo jahliga
Dhanka kale Dadka deegaanka Kaxandhaalle ayaa dhankooda uga mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo dhalinyarada aqoonyahanka Deegaanka doorka wacyigelinta ee ay ka qaadanayaan sidii ubadka loogu hogaamin lahaa waxbarashada.
07/09/2025
Sabti, 6-09-2025, Balanballe.
Waxaa maanta si rasmi ah miro dhal u maraya hawlihii ay wadeen dhalinyaro isu xilqaantay furitaanka iyo sii socoshada Iskuulka Kaxandhaale. Howshan oo lagu soo bilaabay xaalad adag ayaa lagu soo dhammeeyay dadaal iyo dulqaad ay muujiyeen dhalinyarada is-xilqaanka oo waqtigooda iyo tamartooda geliyay.
Inkasta oo baahiyo iyo caqabado weli ay jiraan, haddana shaqadu waxay u socotaa si wanaagsan, waxaana muuqata in tallaabo h**e loo qaaday. Taasi waxay markhaati u tahay in marka bulsho iyo dhalinyaro ay midoobaan, wax badan la qaban karo.
Waxaan ku dhiirigelinaynaa bulshada in ay sii xoojiyaan taageerada, si mashruucu u miro dhalo una noqdo mid waara oo ay ka faa’iideystaan jiilasha maanta iyo kuwa soo socda. 📚🌱
Waxaan Mahad balaaran u jeedineynaa cid walba oo nala dareen noqotay intii aan wadnay howshaas aan isu xilqaannay bilow illaa dhamaad.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Balanbal
002522