07/09/2025
Sabti, 6-09-2025, Balanballe.
Waxaa maanta si rasmi ah miro dhal u maraya hawlihii ay wadeen dhalinyaro isu xilqaantay furitaanka iyo sii socoshada Iskuulka Kaxandhaale. Howshan oo lagu soo bilaabay xaalad adag ayaa lagu soo dhammeeyay dadaal iyo dulqaad ay muujiyeen dhalinyarada is-xilqaanka oo waqtigooda iyo tamartooda geliyay.
Inkasta oo baahiyo iyo caqabado weli ay jiraan, haddana shaqadu waxay u socotaa si wanaagsan, waxaana muuqata in tallaabo h**e loo qaaday. Taasi waxay markhaati u tahay in marka bulsho iyo dhalinyaro ay midoobaan, wax badan la qaban karo.
Waxaan ku dhiirigelinaynaa bulshada in ay sii xoojiyaan taageerada, si mashruucu u miro dhalo una noqdo mid waara oo ay ka faa’iideystaan jiilasha maanta iyo kuwa soo socda. 📚🌱
Waxaan Mahad balaaran u jeedineynaa cid walba oo nala dareen noqotay intii aan wadnay howshaas aan isu xilqaannay bilow illaa dhamaad.