09/06/2026
"Dadkaan ayaan ku tiirsannahay, guusheenna iyo horumarkeenna iyaga ayay ku xiran yihiin."
Mar waliba :- π
"Kuwaan ayaa laf-dhabar noo ah, waxaana ku faannaa dadaalkooda iyo kartidooda."
Dugsiga H/Dhexe Sare Buundo-wein We are Champions π Always
08/06/2026
Dulmigu ma aha mid waaraya, mana aha mid baaqi ahaanaya.
Waxaan si adag u cambaareynaynaa habka loo maamulay tartanka iskuullada ee ka socday Garoonka Waami, kaas oo aan ku dhisnayn caddaalad, hufnaan iyo xirfad lagu kalsoonaan karo.
Tartankan, oo ay ka qayb galeen iskuullo badan, waxaa muuqata in aan loo marin hannaan cadaalad iyo dhexdhexaadnimo ku salaysan, taasoo niyad-jab ku noqotay ciyaartoyda, macallimiinta iyo taageerayaasha.
Kulankii galabta dhexmaray Dugsiyada Buundoweyn iyo Cumar Bin Al-Khaddaab wuxuu ahaa mid ay hareeyeen cabashooyin badan oo la xiriira garsoorka iyo go'aannada lagu gaarayay ciyaarta. Waxaa sidoo kale jiray dhacdooyin aan waafaqsanayn anshaxa ciyaaraha iyo ruuxa tartanka, kuwaas oo dhaawacay kalsoonidii laga qabay tartanka.
Waxaa nasiib darro ah in ciyaartoy lagu cabsi geliyo ama loogu hanjabo xilli ay gudanayaan waajibaadkooda ciyaareed. Ciyaaruhu waa goob lagu kobciyo walaaltinimada, is-ixtiraamka iyo tartan caafimaad qaba, mana aha meel lagu abuuro culeys iyo cabsi.
Sidaas darteed, Maamulka Dhallinyarada Dugsiga Buundoweyn waxay go'aansadeen inay ka baxaan tartanka, iyagoo muujinaya sida ay uga xun yihiin caddaalad darrada iyo eexda ay rumeysan yihiin inay hareysay maamulka tartanka iyo garsoorka.
Ugu dambayn, caddaaladdu waa tii Alle SWT. Qof kasta oo qayb ka noqda dulmi, eex ama xaqiraad lagu sameeyo dadka kale, waxaa iman doona maalin lagula xisaabtami doono falalkiisa.
"Guushu ma aha oo keliya inaad badiso, balse waa inaad ku badiso caddaalad iyo sharaf. Dulmiguna ma waaro, xaquna mar walba wuu muuqdaa."
01/06/2026
Buundoweyn oo u Gudubtay Final-ka Tartanka Iskuullada Baladweyne
Dugsiga Dugsiga H/Dhexe Sare Buundo-wein ayaa guul muhiim ah ka gaaray dhiggooda Iskuulka Horseed kulan xiiso badan oo ka tirsanaa Semi-finalka Tartanka Iskuullada Degmada Baladweyne, kaas oo ka socday Garoonka Suuqa Xoolaha ee Xaafadda Howl-wadaag.
Kulanka ayaa ahaa mid adag oo xamaasad badan, iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar qurux badan. Waqtigii loogu talagalay ciyaarta ayaa kusoo dhammaaday barbaro goolal laβaan ah (0-0).
Markii dambe waxaa loo gudbay rigoorayaal, halkaas oo Buundoweyn School uu ku guuleystay 4-3, kuna xaqiijistay u gudubka Final-ka tartanka.
Final-ka tartanka ayaa Buundoweyn School waxay la ciyaari doonaan Iskuulka Cumar Bin Al-Khaddaab, kulan la filayo inuu noqdo mid aad u xiiso badan oo ay si weyn u sugayaan ardayda, macallimiinta iyo taageerayaasha labada iskuul.
Hambalyo Buundoweyn School! Guul wanaagsan, dadaal wacan, waxaana idiin rajeynaynaa inaad koobka ku guuleysataan. πβ½ππ
31/05/2026
Buundoweyn Playsrs Dugsiga H/Dhexe Sare Buundo-wein
Semi-final
Buundoweyn School VS Horseed School
07/05/2026
Jowhar 7th May, 2026
ππππππππ.
Agaasinka Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka Wassaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle waxa uu la wadaagayaa Maamulada Dugsiyada, ardada, iyo waalidiinta Xilliga la qaadi doono Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga dhexe, πππ¨ππ‘π π π΄πππ, sannad dugsiyeedja ππππ-ππππ.
Hadaba, hoos kala soco waqtiga rasmiga ee la qaadi doono imtixaanka fasalka 8aad ee Dusgiyada Dowladda Hirshabelle.
Diyaargarow Wacan!
- ππππππππ
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Waxbarashada Hirshabelle .