Al-manhal institute of languages, health, Computer and scientific subjects

Al-manhal institute of languages, health, Computer and scientific subjects

Share

Al-manhal is the shelter of education

20/03/2026

🌙✨ Hambalyo Ciidul Fitriga ✨🌙
Maamulka, macallimiinta ee machad ka luuqadaha, caafimaadka, computer iyo maadooyinka sentiifiga ee Al-manhal waxay si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaan ummadda Muslimiinta munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fitriga.
Ilaahay ha naga aqbalo soonkii, salaaddii iyo camalkii suubanaa ee aan soo gudannay bisha Ramadaan, hana inaga yeelo kuwii ka faa’iidaystay kheyrkeeda.
Waxaan idiin rajeyneynaa Ciid farxad leh, caafimaad iyo barwaaqo ku dheehan.
🌸 Ciid Mubaarak 🌸

24/02/2026

OGEYSIIS! OGEYSIIS!
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda iyo bulshada daneyneysa barashada kombiyuutarka in uu bilaabanayo Computer Application Course taariikhdu markay tahay 1-da Maarso 2026. Kooraskaan oo soconaya 6 bilood waa mid 100% practical ah, waxaana lagu baran doonaa Microsoft Office ee kombiyuutarka iyo adeegsiga barnaamijyada muhiimka ah, iyadoo la bixinayo shahaado dhammaadka koorsada.
Kooraskaan waxaa bixinaya Eng Zakariye Hassan Omar.
Iska diiwaangeli hadda si aad uga faa’iideysato fursaddan waxbarasho ee qiimaha leh.

17/02/2026

Qudbada (muhiimada luuqada carabiga )
Luqadda Carabigu waa mid ka mid ah luuqadaha ugu muhiimsan adduunka, waxayna leedahay qiimo weyn dhinacyo badan:
Waxaana soojeedinaayo
Arday kamid ah ardayda machadka Al-Manhal ka aflaxay oo lagu magacaabo.
Abdixakiim ibrahim cabdi
Waxaan kuleenahay guuleeyso dadaalka halkii kasii wad.
mustaqbal ifaa ayaan kurajeyneynaa inshallah.

29/01/2026

Hambalyo ardayda qalin-jabineysa.
Guushan aad gaarteen waa mid ka dhalatay dadaal, adkaysi iyo rajo.
Ha noqoto bilow cusub oo aad ku gaarto horumar, aqoon iyo guul waarta.
Mustaqbal ifaya ayaan idiin rajaynaynaa maamul iy mucalimiin.

28/01/2026

Xaflada qalanjabinta dufcadii 9aad
Hambalyo iyo bogaadin dhammaan ardayda ku guuleysatay qalin-jabinta Machadka Al-Manhal.
Waxaad maanta gaarteen heer sharaf iyo guul ah oo ka tarjumaya dadaalkiinnii, samirkiinnii, iyo kartidiinnii aqooneed.
Machadka Al-Manhal wuxuu idin baray aqoon, akhlaaq, iyo masuuliyad, kuwaas oo noqon doona iftiin idiin hagaya mustaqbalkiinna. Qalin-jabintiinnu waa bilow cusub, ma aha dhammaad.
Waxaan idiin rajaynaynaa guul, horumar, iyo mustaqbal ifaya.

28/01/2026

Happy graduation ceremony coming soon.

Photos from Al-manhal institute of languages, health, Computer and scientific subjects's post 29/10/2025

waxaan habsami wanaagsan nooga socda tartan aqooneed Ardayda machadka Al-Manhal.
Tartan aqooneedka waxaa taaba galinayo maamulka iyo mucalimiinta Machadka AL-manhal.
Tartan aqooneedkaan waa tartan lagu kobcinayo fikirka iyo kalsoonida Ardayda.
Ogoow Aqoonta lagu tartamaa waa hantida ugu qiimaha badan.
Aqoontu waa iftiin, tartankuna waa jidka lagu gaadho.
Guusha sideedaba waxaa keena dadaal, dulqaad iyo diyaar garow.

guuleeysta.

Hadaf keeno waa hormarinta, kobcinta garaadka ubadkeenna.

Photos from Al-manhal institute of languages, health, Computer and scientific subjects's post 29/08/2025

Tartanka aqooneed ma ahan keliya in la xasuusto su'aalo, ee waa muujinta dulqaadka, feejignaanta, is-xakameynta, iyo shaqada kooxeed.
Tartanka ma ahan in la guuleysto oo kaliya, ee waa in la barto sida loo wajaho loollan si sharaf leh.
waxaan idiin leenahay:

➡️ Ku tartama si daacadnimo ah
➡️ U tartama si sharaf leh
➡️ U tartama si aad naftiina ugu faani kartaan, maanta iyo berri.
Labada group waxeey kutartamayeen maadada nafaqa darida iyo qeybaheeda(Malnutrition)
Sida
1.chronic malnutrition iyo acute malnutrition sida A..severe acute malnutrition [SAM]
B.moderate acute malnutrition [MAM]
2.under nutrition iyo overnutrtuin
Iyo adeegyada laxariiro sida
1.out patient therapeutic program (OTP).
2.supplemtary feeding program (SFP).
3.stabilization center (SC).
https://tiktok.com/

Photos from Al-manhal institute of languages, health, Computer and scientific subjects's post 22/08/2025

✨ furitaanka Tartan aqooneedka✨
Machadka Al-Manhal ee Barashada Luqadaha, Tababarka Caafimaadka iyo Maadooyinka Sayniska.
Maalinta Arbacada | 20-ka Agoosto 2025 | 26-ka Safar 1447H.

Waxaa si rasmi ah inoogu furmay Tartan Aqooneedkii Sanadlaha ahaa ee Machadka Al-Manhal, oo ah xarun aqooneed oo heer sare ah, kuna Tilmaaman baridda luqadaha, tababarka caafimaadka, iyo maadooyinka saynisk.
Tartan aqooneedkan waxa uu fursad weyn u yahay ardayda inay muujiyaan kartidooda, aqoontooda ,hibadooda hal abuurnimo iyo garaadkooda.
Ujeedada tartanku waa in lagu kobciyo maskaxda, lagu dhiirrigeliyo akhriska iyo barashada, isla markaana lagu abuuro jawi tartan caafimaad leh oo kor u qaadaya hamiga waxbarashada ardayda

Ujeedada machadka
waa in la dhiso jiil aqoon leh, xirfado adag leh, isla markaana leh akhlaaq wanaagsan, si ay u noqdaan hormuudka bulshada berri.

🌟 Aqoontaadu waa hantidaada ugu weyn Al-Manhal ayaa fure u ah.

Want your school to be the top-listed School/college in Balad Weyn?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

High Way/Siigaaloow Street
Balad Weyn