Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya

Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya

Share

Southwest Somalia Students' Union is a non-profit organisation based in Bay, Baidoa, Somalia.

We empower students through training, advocacy, and academic support.

06/04/2026

Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya
wuxuu dhawaan bilaabi doonaa tababaradii ardayda fasalada shahaadiga ah, si loo kordhiyo fahamkooda loona xoojiyo diyaar garowgooda imtixaanka.

28/03/2026

Team SSSU midnimo iyo wada jir

Photos from Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya's post 28/03/2026

WAR-SAXAAFADEED

Baydhabo | 27 Maarso 2026

Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa shalay kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Baydhabo, kaas oo looga hadlay arrimo la xiriira horumarinta waxbarashada iyo doorka ardayda.

Kulanka waxaa warbixin ka soo jeediyay Guddiga Waxbarashada, iyaga oo ka hadlay tartankii bisha Ramadaan ee loo qabtay iskuullada, kaas oo si wanaagsan u qabsoomay islamarkaana dhiirrigelin u noqday ardayda.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay u diyaar-garowga tababbarradii uu ururka uu qaban jirey ardayda fasallada 8-aad iyo 4-aad (ee dugsiga sare) si loo xoojiyo tayada waxbarashada iyo guusha imtixaanaadka.

Ugu dambeyn, Midowga Ardeyda KGS ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada iyo taageerada ardayda.

DHAMMAAD

Communication & Media Officer
Abdullahi Ahmed Morio
Midowga Ardayda KGS

28/03/2026

Team SSSU Diinsoor.

Photos from Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya's post 26/03/2026

Diinsoor
26 March 2026
Guddoomiyaha Midowga Ardeyda degmada Diinsoor Mohamed siid Cali ayaa kulankii ugu horreeyey la qaatay guddigiisa, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha ururka, xoojinta wada shaqeynta iyo horumarinta danaha ardeyda.

19/03/2026

Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya wuxuu hambalyada Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan ardayda iyo bulshada Koonfur Galbeed. Waxaan idiin rajeynaynaa Ciid farxad, nabad iyo barwaaqo leh. Ciid Mubaarak!


18/03/2026

وجعلنا من الماء كل شيء حي"

Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya, ayaa biyo dhaamin u sameeyay qaar ka mid ah kaamamka ku yaalla magaalada Baydhabo, iyaga oo muujiyay masuuliyad, damqasho, iyo doorka muhiimka ah ee dhalinyaradu ku leeyihiin adeegga bulshada. Tani waa waajib bulsho oo ay ururku ka qaatay kaalintiisa.

Photos from Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya's post 15/03/2026

Libaaxyadii iskuulka Sahal Moallim Isse Primary And Secondary school Baidoa-Somalia oo iskuulkooda si xarrago leh ugala affuray maamulkooda iyo macallimiintooda.

Ka Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya ahaan, waxa aannu rabnaa in boorkaas annagana mar ku affurno, maalinta iidda ahna ku iideysanno, sawirro ku gal-galno, ma inoo oggoshihiin? 😎

14/03/2026

Intii aannu ka shaqaynaynnay oo dusha iska saarnay arrimaha ardeyda, sawirkani waa sawirkii ugu saamaynta iyo macnaha badnaa, waa bixiyay hummaag nololeed, sawir farxadeed, taswiir walaalnimo, sawir ismarxabbayn, iyo sawir wadajir.

Photos from Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya's post 11/03/2026

Abaalmarinta kaalinta 2aad ee Tartanka Iskuullada Megaalada Baydhabo, waxa ku guuleystay iskuulka Al-Ain Primary and Secondary School, Baidoa-Somalia.

Guushan aad gaarteen libaaxyaal, waa astaan muujinaysa dadaal, aqoon, abaabulnaan, iyo wada shaqeyn kooxeed. Ardayda iyo macallimiintooda waxay muujiyeen karti iyo diyaar-garow sare oo ugu dambeyn u horseedday inay gaaraan heerkan maamusan. Hambalyo boqollaal jeer dhammaan bahda Al-Ain.

Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya, xubnihiisa isku duuban, oo uu ugu horreeyo Moktar Abokar Osman, waxa uu sidoo kale u mahadcelinayaan dhammaan shirkadaha taageeray tartankan aqooneed ee dhiirrigelinaya aqoonta, una taabbageliya tartanno iyo waxqabad wax-ku-ool leh, mahadsanidiin.

DHAMMAAD

Communication & Media Officer
Abdullahi Ahmed Morio
Midowga Ardayda KGS

11/03/2026

Guddoomiyaha Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya Mudane Moktar Abokar Osman ayaa kalmad kooban ka jeediyey munaasabadda, isagoo ka hadlay muhiimadda tartanka loo qabtay, isla markaana ku boorriyey ardayda inay sii xoojiyaan dadaalkooda aqooneed iyo kan akhlaaqeed.

Photos from Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya's post 11/03/2026

Abaalmarinta kaalinta 1aad ee Tartanka Iskuullada Megaalada Baydhabo, waxa ku guuleystay Sahal Moallim Isse Primary And Secondary school Baidoa-Somalia.

Guushan aad gaarteen libaaxyaal, waa astaan muujinaysa dadaal, aqoon, iyo wada shaqeyn kooxeed. Ardayda iyo macallimiintooda waxay muujiyeen karti iyo diyaar-garow sare oo ugu dambeyn u horseedday inay gaaraan heerkan sharafka leh. Hambalyo boqollaal jeer.

Midowgé Ardeydé Koonfurgalbeed Soomaaliya, waxa uu sidoo kale u mahadcelinayaa dhammaan shirkadaha taageeray tartankan aqooneed ee dhiirrigelinaya aqoonta, una taabbageliya tartanno iyo waxqabad wax-ku-ool leh, mahadsanidiin.

DHAMMAAD

Communication & Media Officer
Abdullahi Ahmed Morio
Midowga Ardayda KGS

Want your school to be the top-listed School/college in Baidoa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Baidoa
Baidoa