Mukhtaar Cabdi

Mukhtaar Cabdi

Share

Education

31/05/2026

"Waxaan Damacsanaa iyo

Sidey Dani ileedahay

Darbi baaw u dhexeeyoo

Lama Dumin karaaye "

Arsenal IYO taageerayaasheeda

15/05/2026

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca-Puntland

Kulliyadda waxbbarashada waaxda Xisaabta iyo physics-ka

Mukhtaar Jaamac Maxamed

30/04/2026

: Mashaa allaah waan bogaadinayaa waana u ducaynayaa inantaas yar ee tartanka aqoonta ku guulaysatey iyada iyo kooxdeedaba.

23/04/2026

Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed Faraca puntland Badhan
Halgan, Hawl iyo Hayaan; Dr. Abdirashid Sheikh Saleh

Ibnu Khalduun waxa uu leeyahay; Cilmigu waa laf dhabarta ummad kasta, hoggaankuna waa jidka uu cilmigu ku miro dhalo.
Soomaalidu marka ay doonayaan inay hoggaamiyahooda dhaqameed doortaan waxay ka duulaan, si weynna u tixgeliyaan murtida soo jireenka ah ee oronaysa “ Tol waxaa u talin kara, nin doofaar cay uga dulqaad badan oo kurtun qorrax uga adkaysi badan oo dhagax qabow uga adkaysi badan oo kudkude gaajo uga adkaysi badan”. Tan waxa ay uga jeedaan in ay doortaan qofkii u buuxin lahaa duruufohooda nololeed Kalana qayb qaadan lahaa dareemadooda iyo xaaladohooda kala duwan.
Sida la sheego hoggaamintu waxa ay u baahantahay hawl, galgan iyo hayaan. Waa haw loo waa culays ku dul saran habeen iyo maalin. Waa halgan oo waxa ay u baahantahay karti, dedaal, daacadnimo, Go’aan iyo isku wad. Waa hayaan oo waxa ay u baahantahay feker, qorshe, hiigsi, saaxiib wanaagsan iyo
Marka laga hadlaaayo hoggaaminta iyo goobaha waxbarashada (educational leadership styles) waxaa loo raacaa habraacyo u gaar ah si loo xulo ruux ku habboon. Waxaa laga yaabaa in qof ku wanaagsan qaybaha kale ee nolosha u uku liidan karo hoggaaminta hay’adaha waxbarashada.
Jaamacaduhu ma aha oo keliya dhisme iyo xarumo waxbarasho; waa maskaxda iyo mustaqbalka bulshada. Waa goob lagu dhiso aqoon, akhlaaq, hoggaan iyo horumar waara.
Cilmi-baarisyo badan (sida: UNESCO, 2021) ayaa muujinaya in: Jaamacaduhu ay kor u qaadaan horumarinta dhaqaalaha, ay yareeyaan saboolnimada , ayna kobciyaan hal-abuurka iyo xirfadaha dhalinyarada. Sidaas darteed, ilaalinta, horumarinta, iyo uqareemidda jaamacaddu waa waajib bulsho, Maamul iyo hawl wadeen.
Jaamacadda ummadda soomaaliyeed waa hanti guud (public goods), mana aha mid ay leeyihiin shaqsiyaad ama koox gaar ah. Waa khayraad ay wada leeyihiin bulshada Soomaaliyeed gobol kasta oo ay joogaan. Sidaa darteed, marka hoggaan cusub loo magacaabo Jaamacadda, arrintu ma aha mid qof keliya khusaysa, balse waa mid taabanaysa dhammaan arday, macallimiin, maamulka iyo guud ahaan bulshada degan deegaanka ku xeeran Jaamacadda.
Magacaabista Agaasimaha cusub ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, faraca puntland Badhan, waa tallaabo muhiim ah oo u baahan hambalyo, duco, isla markaana ah mas’uuliyad u baahan in si wadajir ah.
Waxaan duco iyo hambalyo u diraynaa Agaasimaha cusub ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, faraca puntland Badhan; Dr. Abdirashid Sheikh Saleh, oo lagu yaqaan waayo-aragnimo dheer, oo la xiriirta arimaha waxbarashada.
Dr. Abdirashid Sheikh Saleh waxa uu shahaadada heerka kowaad (Bachelor) ku diyaariyey isbar-bardhigga diimaha (Religious comparatives), waxa uu shahaadada heerka labaad (Master) ku qaatay Kitaabka iyo Sunnada, waxa uu shahaadada heerka sadexaad(PHD) ku qaatay culuumta Qur’aanka (Qur’anic Science). Waa oday geed fadhi ah oo arimaha waxbarashada ku soo jirey sodonkii sano ee la soo dhaafay isaga oo xilal door ah ka soo qabtay hay’ado waxbarasho oo kala duwan.
Magacaabistani waxa ay muujinaysaa kalsoonida ay maamulka sare ee Jaamacaddu ku qabaan kartidiisa iyo awooddiisa hoggaamineed, taas oo la rajaynayo in ay horseedi doonto horumar muuqda. Waayo, nin leh oo u taliyey maxaad uga Talisay lama yiraahdee waxa ay dhashaa la sugaa.
Mid ka mid ah caqabadaha hay’adaha waxbarasho ee dalalka soo koraya waa yaraanta dareenka lahaanshaha (sense of ownership) ee shaqaalaha. Haddii macallin, maamule ama shaqaale kale uusan u arkin jaamacadda “hantidiisa”, ma suuragaleyso in uu si buuxda uga shaqeeyo horumarkeeda.
Aragtida maamulka casriga ah (Organizational Behavior Theory) waxay caddeyneysaa in: Shaqaalaha leh dareen lahaansho uu horseedi karo wax soosaar sare, dareenka masuuliyadda guudna ay keeni karto horumar la taaban karo. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in:
• Shaqaaluhu muujiyaan daacadnimo, karti, dedaal iyo xilkasnimo
• Ay ilaaliyaan sumcadda jaamacadda
• Ay u shaqeeyaan sidii milkiilayaal, ee asan ushaqayn sidii shaqaale oo kaliya
Bulshadu waxa ay goobaha waxbarashda ku leeyihiin door aad u muhiim ah. Waxaa jirta oraah ay aqoonyahannada qaarkood isticmaalaan oo ah; Nidaamku waxa uu ka yahay nus goobaha waxbarashada nuska Kalena waa taageerada bulshda. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah:
• In bulshadu dhiirrigeliso waxbarashada jaamacadda
• In ganacsatadu taageeraan horumarinta jaamacadda
Si jaamacaddu u noqoto mid waarta oo horumar leh, waxaa muhiim ah in maamulka cusubi uu xoogga saaro:
1. Hoggaan daahfuran (Transparent leadership)
2. Kor u qaadista tayada waxbarashada (quality assurance)
3. Xoojinta cilmi-baarista (Research culture)
4. Dhisidda iskaashi (Partnerships)
5. Abuuridda dareen lahaansho (sense of ownership)

22/04/2026
13/04/2026

Mohamed Ali Shiine

Iyo Caymiska Caafimaadka

07/04/2026

WAA KUMA QOFKA AY U BAAHANTAHAY JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED FARACA PUNTLAND BADHAN
MUKHTAR ABDI AHMED

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraceeda Puntland ee Badhan waa tiir muhiim u ah horumarinta aqoonta, xirfadaha, iyo hoggaanka mustaqbalka ee bulshada gobolka Sanaag iyo guud ahaan dalka. Marxaladda cusub ee ay jaamacaddu gashay, iyadoo hoggaankii h**e loo magacaabay xil wasiirnimo, waxay doorashada hoggaanka cusub ka dhigaysaa go’aan leh saameyn toos ah mustaqbalka ardayda iyo tayada waxbarashada.

MAHADCELIN
Marka h**e, Allaah ayaa mahad leh. waxaan si qaddarin leh ugu mahadcelinaynaa Agaasimaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Puntland Badhan, Mudane Caydaruus Axmed Faarax, oo loo magacaabay Wasiir ka tirsan Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed. Mudane Caydaruus waa nin hawlkar ah, oday waayo-arag ah, kana soo baxay waxbadan oo ka mid ah masuuliyaddii loo igmaday, isaga oo gundhig u ahaa bah-socodka Jaamacadda Shantii sanoo ee la soo dhaafay. Waxaan u rajaynaynaa in waaya-aragnimadiisa, aqoontiisa, iyo hoggaamintiisu ay ka ka anfacaan xilka cusub ee loo idmaday.
MAXAY TAHAY KAALINTA JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED?
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxa ay soo saartaa kumanaan arday sanadkii kuwaas oo ka qayb qaata adeegyada bulshada sida caafimaadka, maamulka, waxbarashada, ganacsiga IWM. Jaamacaddu waxa ay noqotay hoy ay ku kulmaan rajooyinka dhalinyarada iyo yididiilada waalidiinta doonaya in carruurtoodu helaan waxbarasho tayo leh oo dalkooda gudihiisa ah.
Jaamacaddu sidoo kale waxay leedahay door aad u weyn ku leedahay bulshada dhexdeeda sida: Aqoonta siyaasadda, dhaqanka, warbaahinta, waxsoosaarka, cilmibaarista iyo shaqo abuurka. Sidoo kale Jaamacaddu Waxay xoojisaa midnimada bulshada iyada oo isu keenta arday ka kala yimaada deegaano kala duwan oo Soomaaliyeed.
WAA KUMA QOFKA AY U BAAHANTAHAY IN UU HOGGAAMIYO MAANTA?
Iyadoo laga duulayo kaalinta Jaamacadda ee bulshada iyo muhiimadda waxbarasahda wadanka, qofka la filayo inuu hoggaamiyo Jaamacadda aragti ahaan waa inuu buuxiyaa shuruudo ay ka mid yihiin:
1. Qof aqoon ahaan dhisan: Waa inuu leeyahay aqoon jaamacadeed oo sare oo ku saabsan waxbarashada, maamulka, ama culuumta la xiriirta horumarinta hay’adaha tacliinta sare.
2. Fahahamka: Waa inuu fahamsan yahay heerarka tayada jaamacadaha, qiimaynta manhajka, iyo xiriirka jaamacadaha gudaha iyo dibadda.
3. Qof khibrad u leh nidaamka waxbarashada sare: Waa inuu soo maray jagooyin maamul ama waxbaris taas oo ka caawindoonta fahamka habsami u socodka Jaamacadda.
4. Maarayn: Waa inuu awood u leeyahay maareynta khayraadka jaamacadda, kobcinta xirfadda macallimiinta, iyo ilaalinta xuquuqda ardayda.
5. Aragti fog: Waa inuu leeyahay aragti cad; Halkee ayay jaamacaddu joogtaa maanta? Halkee ayaa loo hoggaaminayaa 5 ilaa 10 sano ee soo socda? Maxaa horutebib leh? Side looga faa’iidaysankaraa khayraadka dadka? IWM.
6. Fariin: Waa inuu fariintiisu caddahay uuna dhiirrigelinkaraa, isu keeni karaa, hagina karaa; Shaqaalaha, ardayda, waalidiinta, bulshada, iyo hay’adaha la shaqeeya jaamacadda, si ay u rumaystaan uguna kalsoonaadaan jihada Jaamacaddu u socoto.
7. Hal-abuur: Hoggaanka cusubi waa in uusan ku ekaan ilaalinta wixii h**e loo qabtay oo kaliya, balse uu waa in uu keeni karo isbeddello la taaban karo sida: Hirgelinta barnaamijyo cusub oo jaamacadeed iyo xirfadeed, Kordhinta iskaashiga jaamacadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, iyo Xoojinta cilmi-baarista iyo adeegga bulshada ee jaamacaddu bixiso.
8. Qof leh hufnaan, daacadnimo, iyo masuuliyad bulsho: Waa inuu noqdaa hoggaamiye lagu yaqaan daacadnimo, isla xisaabtan, iyo ka fogaanshaha musuq-maasuqa, qaraabo-kiilka iyo danaha gaarka ah.
9. Mabda’: Waa inuu ku shaqeeyaa mabda’a ah in jaamacadda ay leedahay bulshadu, ayna tahay hanti qaran, ee aysan ahayn goob dano gaara lagu fuliyo.

TALO KU SOCOTA GO’AAN GAARAYAASHA
Waxaan talo ahaan u soo jeedinayaa arimahan hoose:
• In doorashada hoggaanka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Puntland Badhan lagu saleeyo aqoon, karti, iyo khibrad; halkii laga eegi lahaa kaliya xisaab siyaasadeed ama mid qabiil.
• In la sameeyo hannaan furan oo tartan ah (open competition) oo ay ka qayb qaataan aqoonyahanno kala duwan, si loo helo qofka ugu habboon ee gudan kara masuuliyaddan culus.
• In hoggaanka cusub lagu xiro qorshe hawleed cad oo leh yoolal iyo cabbirro lagu qiimeeyo horumarka jaamacadda, si sanadle ahna loo soo bandhigo natiijooyinka.

GUNAANAD
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan macallimiinta, shaqaalaha, maamulka, ardayda iyo waalidiinta ka qayb qaatay dhismaha iyo taageerada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Puntland Badhan sanadihii la soo dhaafay. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinaynaa bulshada deegaanka iyo jaaliyadaha dibadda ee taageerada joogtada ah siiya jaamacadda iyo ardayda.
Bulshadu waxay xaq u leedahay jaamacad tayo leh iyo hoggaan u qalma; jaamacaddu waxay u baahan tahay bulsho garab istaagta hoggaanka wanaagsan isla markaana cod dheer ku tiraahda MAYA hoggaan aan buuxin shuruudaha aqooneed iyo anshaxeed. Waa mas’uuliyad wadaag ah oo u dhaxaysa dowladda, maamulka jaamacadda, aqoonyahannada, iyo bulshada inteeda kale.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Puntland Badhan maanta waxay u baahan tahay hoggaamiye aqoon, aragti iyo akhlaaq isku darsaday; qof ka dhiga jaamacaddaas iftiin ka baxa Badhan oo gaara Soomaaliya oo dhan.

Mahadsanidiin.

11/03/2026

Want your school to be the top-listed School/college in Badhan?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Badhan