23/04/2026
Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed Faraca puntland Badhan
Halgan, Hawl iyo Hayaan; Dr. Abdirashid Sheikh Saleh
Ibnu Khalduun waxa uu leeyahay; Cilmigu waa laf dhabarta ummad kasta, hoggaankuna waa jidka uu cilmigu ku miro dhalo.
Soomaalidu marka ay doonayaan inay hoggaamiyahooda dhaqameed doortaan waxay ka duulaan, si weynna u tixgeliyaan murtida soo jireenka ah ee oronaysa “ Tol waxaa u talin kara, nin doofaar cay uga dulqaad badan oo kurtun qorrax uga adkaysi badan oo dhagax qabow uga adkaysi badan oo kudkude gaajo uga adkaysi badan”. Tan waxa ay uga jeedaan in ay doortaan qofkii u buuxin lahaa duruufohooda nololeed Kalana qayb qaadan lahaa dareemadooda iyo xaaladohooda kala duwan.
Sida la sheego hoggaamintu waxa ay u baahantahay hawl, galgan iyo hayaan. Waa haw loo waa culays ku dul saran habeen iyo maalin. Waa halgan oo waxa ay u baahantahay karti, dedaal, daacadnimo, Go’aan iyo isku wad. Waa hayaan oo waxa ay u baahantahay feker, qorshe, hiigsi, saaxiib wanaagsan iyo
Marka laga hadlaaayo hoggaaminta iyo goobaha waxbarashada (educational leadership styles) waxaa loo raacaa habraacyo u gaar ah si loo xulo ruux ku habboon. Waxaa laga yaabaa in qof ku wanaagsan qaybaha kale ee nolosha u uku liidan karo hoggaaminta hay’adaha waxbarashada.
Jaamacaduhu ma aha oo keliya dhisme iyo xarumo waxbarasho; waa maskaxda iyo mustaqbalka bulshada. Waa goob lagu dhiso aqoon, akhlaaq, hoggaan iyo horumar waara.
Cilmi-baarisyo badan (sida: UNESCO, 2021) ayaa muujinaya in: Jaamacaduhu ay kor u qaadaan horumarinta dhaqaalaha, ay yareeyaan saboolnimada , ayna kobciyaan hal-abuurka iyo xirfadaha dhalinyarada. Sidaas darteed, ilaalinta, horumarinta, iyo uqareemidda jaamacaddu waa waajib bulsho, Maamul iyo hawl wadeen.
Jaamacadda ummadda soomaaliyeed waa hanti guud (public goods), mana aha mid ay leeyihiin shaqsiyaad ama koox gaar ah. Waa khayraad ay wada leeyihiin bulshada Soomaaliyeed gobol kasta oo ay joogaan. Sidaa darteed, marka hoggaan cusub loo magacaabo Jaamacadda, arrintu ma aha mid qof keliya khusaysa, balse waa mid taabanaysa dhammaan arday, macallimiin, maamulka iyo guud ahaan bulshada degan deegaanka ku xeeran Jaamacadda.
Magacaabista Agaasimaha cusub ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, faraca puntland Badhan, waa tallaabo muhiim ah oo u baahan hambalyo, duco, isla markaana ah mas’uuliyad u baahan in si wadajir ah.
Waxaan duco iyo hambalyo u diraynaa Agaasimaha cusub ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, faraca puntland Badhan; Dr. Abdirashid Sheikh Saleh, oo lagu yaqaan waayo-aragnimo dheer, oo la xiriirta arimaha waxbarashada.
Dr. Abdirashid Sheikh Saleh waxa uu shahaadada heerka kowaad (Bachelor) ku diyaariyey isbar-bardhigga diimaha (Religious comparatives), waxa uu shahaadada heerka labaad (Master) ku qaatay Kitaabka iyo Sunnada, waxa uu shahaadada heerka sadexaad(PHD) ku qaatay culuumta Qur’aanka (Qur’anic Science). Waa oday geed fadhi ah oo arimaha waxbarashada ku soo jirey sodonkii sano ee la soo dhaafay isaga oo xilal door ah ka soo qabtay hay’ado waxbarasho oo kala duwan.
Magacaabistani waxa ay muujinaysaa kalsoonida ay maamulka sare ee Jaamacaddu ku qabaan kartidiisa iyo awooddiisa hoggaamineed, taas oo la rajaynayo in ay horseedi doonto horumar muuqda. Waayo, nin leh oo u taliyey maxaad uga Talisay lama yiraahdee waxa ay dhashaa la sugaa.
Mid ka mid ah caqabadaha hay’adaha waxbarasho ee dalalka soo koraya waa yaraanta dareenka lahaanshaha (sense of ownership) ee shaqaalaha. Haddii macallin, maamule ama shaqaale kale uusan u arkin jaamacadda “hantidiisa”, ma suuragaleyso in uu si buuxda uga shaqeeyo horumarkeeda.
Aragtida maamulka casriga ah (Organizational Behavior Theory) waxay caddeyneysaa in: Shaqaalaha leh dareen lahaansho uu horseedi karo wax soosaar sare, dareenka masuuliyadda guudna ay keeni karto horumar la taaban karo. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in:
• Shaqaaluhu muujiyaan daacadnimo, karti, dedaal iyo xilkasnimo
• Ay ilaaliyaan sumcadda jaamacadda
• Ay u shaqeeyaan sidii milkiilayaal, ee asan ushaqayn sidii shaqaale oo kaliya
Bulshadu waxa ay goobaha waxbarashda ku leeyihiin door aad u muhiim ah. Waxaa jirta oraah ay aqoonyahannada qaarkood isticmaalaan oo ah; Nidaamku waxa uu ka yahay nus goobaha waxbarashada nuska Kalena waa taageerada bulshda. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah:
• In bulshadu dhiirrigeliso waxbarashada jaamacadda
• In ganacsatadu taageeraan horumarinta jaamacadda
Si jaamacaddu u noqoto mid waarta oo horumar leh, waxaa muhiim ah in maamulka cusubi uu xoogga saaro:
1. Hoggaan daahfuran (Transparent leadership)
2. Kor u qaadista tayada waxbarashada (quality assurance)
3. Xoojinta cilmi-baarista (Research culture)
4. Dhisidda iskaashi (Partnerships)
5. Abuuridda dareen lahaansho (sense of ownership)