Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug

Share

waa page ka rasmiga ah ee Naadiga Akhriska & Qoraalka Ee Baraarug.

Photos from Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug's post 30/05/2026

Sheikh Cabdullaahi Cabdisamed Jaamac oo ka tirsan Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug ayaa booqday maktabadda guud ee degmada Garbaharey. Sheikh Abdullahi ayaa malahan safar ku joogay degmadaas.

Waxaan u mahadcelinaynaa gudomiyaha Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Iqra Abdikarim Mohamed Ali iyo dhamaan xubnaha naadiga oo u sameeyay sheikh Abdullahi soo dhaweyn heer sare ah, waxaan sidookale u mahadcelinayaa agaasinka maktabada guud ee Garbaharey.

Kullanka ayaa iskugu jiray booqasho, is xog wareysi iyo kala kororsi cilmi, arinkaas oo ka qeyb qaadanaya is dhexgelka bulshada, wada jirka bulshada iyo is kaashiga bahda waxbarashada.

Maktabadda Guud ee Baardheere - Bardera Public Library

26/05/2026

Ciid mubaarak dhamaan umadda muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada soomaaliyeed.

كل عام وانتم بخير، تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.

Photos from Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug's post 01/05/2026

Shalay galabtii oo ay taariikhdu ku beegnay 30/4/2026, Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug waxaa u qab soomey dood cilmiyeed ku saabsan dhibaatada tahriibka iyo faa'iidada ay lee dahay in dalka lajoogo, lagana shaqeeyo dib u kabashadiisa iyo wax soosaarkiisaba.

Munaasabadda dooda waxay ka dhacday Maktabadda Guud ee Baardheere - Bardera Public Library .

Photos from Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug's post 10/04/2026

Taariikh 10/4/2026, Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug waxaa u qab soomay kullan aad muhiim u ahaa. Kulankaas ayaa daarnaa laba qodob;

1. Soo dhaweynta Abdullahi Abdifitah Hassan oo ka mid ah mu'asasiinta Maktabadda Guud ee Baardheere - Bardera Public Library oo booqasho noogu yimid.

2. Dood cilmiyeed aqoon kororsi ah, oo looga hadlaayay " keebaa badan faa'iidada iyo qasaaraha uu Internet ka ku hayo bulshadeena".

Inta kulanka socday waxaa la is dhaafsaday cilmi iyo waayo aragmino farabadan oo ku saabsan Internet ka.

Photos from Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug's post 20/03/2026

Maanty oo ciid ahayd taariikhduna ku beegan tahay, 20/3/2026, Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug waxaa u qabsoomay kulan aad u qiimo badan oo ay ugu dabaal-dagayeen munaasabadda maalinka muslimiinta ku weyn ee ciidul fidriga.

Kulankaas ayaan ka dhacay Maktabadda Guud ee Baardheere - Bardera Public Library

Inta kulanka socday ayaa laga arinsaday dardargelinta io hormarinta howlaha aadka u muhiimka ah ee ka socda Maktabadda Bardhere.

19/03/2026

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug waxay tahniyada ciida la wadaagayaan dhamaan muslimiinta agaan ahaan shacabka soomaaliyeed.

"Allaha anaga aqbalo acmaasha wanaagsan".

17/02/2026

Asalaamucaleykum

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug muxuu dhamaan muslimiinta ugu bishaareynayaa bilashada bisha barakeysan ee Ramadan.

Rabbi nabad ha i noogu dhameeyo.

Waxaan kula dardaarmaynaa dhamaan Muslimiinta in ay bishaan kaga faa'iideystaan cibaado, cilmi io tarbiyayna nafta.

Photos from Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug's post 12/02/2026

Bismillah

Maantay oo Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 12/2/2026, Maktabadda Guud ee Baardheere waxa ka qabsoomay kulan aqooneed ku saabsan "Public speaking" (fagaaro ha hadalka".

Kulan aqooneedkaas waxaa soo jeedinayay mr Xuseen Maxamed Cabdille oo ka mid macalinmiinta soomaaliyeed kana tirsan Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug .

Sidookale kale goobta waxaa kalmad qiimo badan oo daarneyd bogaadin, dhiirigelin io wacdi ka jeediyy Dr.c/laahi muhumed xaashi (hadal wanaajiye) oo ka mid dhaqaatiirta soomaaliyeed ee ka howl gala Degmada Baardheere , horeyna ooga soo shaqeyay baranimo .

Waxan u mahadcelinaynaa dhamaan ka soo qeyb galayaasha io qaban qaabiyayaasha sharaf leh.

Waxaan markasta u taaganahay soo gudbinta duruus io aqoon korarsiyo tayo leh, waxaan bulshada ugu baaqeynaa in ay isha ku hayaan page naadiga kana faa'iideysataan barnaamijyada ka socda.

Mahadsanidiin

10/02/2026

Ogeysiis muhiim ah

Khamiista, taariikh 12/2/2026, hollka Maktabadda waxaa ka qab soomi doona aqoon korarsi ku saabsan "Public speaking" (fagaaro ka hadalka).

Aqoon kororsigaas waxaa soo jeedin doona mr Xuseen Maxamed Cabdille oo xubin ka ah Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Baraarug .

Waxaa ka faa'iiday karo tira 60 qof ah, qofkii u baahan, la xiriir madaxa diiwaan gelinta naadiga akhriska io qoraalka ee baraarug, Cowke Osman Ali Number ka 612162776.

Mahadsanidiin.

03/02/2026

Mohamed Nor kaa ka socday shirkada korontada ee Faanole-jubba ayaa kalmad ka jeediyay kulankii bandhiga projects ka.

Want your school to be the top-listed School/college in Baardheere?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Baardheere