Zoom primary and secondry school

Zoom primary and secondry school

Share

Adiguna cayaar iyo caajis aad lajiiftaa Ana Dugsi caan ahoo aqoontiisa wacantahay Zoom aan Aadaa

26/05/2026

๐ŸŒ™โœจCIID MUBAARAK โœจ๐ŸŒ™

waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan shaqaalaha Dugsiga , macallimiinta iyo ardayda, munaasabadda CIID AL-ADHA awgeed.

Ilaahay ha naga dhigo kuwii loo danbi dhaafay, Naartana laga xoreeyay, hana naga aqbalo soonkii maanta, salaadda iyo dhammaan camalka suubban ee aan hormarsanay insha allah.

ุชูŽู‚ูŽุจูŽู‘ู„ูŽ ุงู„ู„ู‡ู ู…ูู†ูŽู‘ุง ูˆูŽู…ูู†ู’ูƒูู…ู’ ุตูŽุงู„ูุญูŽ ุงู„ู’ุฃูŽุนู’ู…ูŽุงู„ู
ZPS

@

25/05/2026

๐๐ž๐ซ๐ข๐ญ๐จ ๐ฐ๐š๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐Ÿ๐จ ๐Ÿค

Waa maalin weyn oo ka mid ah maalmaha ugu kheyrka badan sanadka, maalin ay qalbiyadu u noqdaan Alle, dambiyadana la dhaafo, ducaduna leedahay fadli iyo aqbalad.

๐‘๐š๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๏ทบ ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ซ๐ข:

โ€œ๐Œ๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง ๐ˆ๐ฅ๐š๐š๐ก๐š๐ฒ ๐š๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐จ ๐›๐š๐๐š๐ง ๐ฎ๐ ๐š ๐ฑ๐จ๐ซ๐ž๐ž๐ฒ๐จ ๐ง๐š๐š๐ซ๐ญ๐š ๐ฌ๐ข๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐Ÿ๐จ.โ€
(๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ฅ๐ข๐ฆ)

Maalintaan barakeysan waa fursad qaali ah oo aan sanadkii hal mar helno, sidaas darteed ha dayicin kheyrkeeda iyo ajarkeeda.

Qofka aan xajka joogin, Soonka Carafo wuxuu leeyahay ajar weyn, waxaana lagu dhaafaa dambiyada laba sano:
Sanadkii tagay Iyo sanadka soo socda

๐€๐š๐ง ๐ค๐š ๐Ÿ๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐จ ๐ฌ๐š๐š๐œ๐š๐๐š๐ก๐š๐š๐ง ๐›๐š๐ซ๐š๐ค๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง, ๐ค๐š๐ง๐š ๐๐ก๐ข๐ ๐ง๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง ๐œ๐ข๐›๐š๐š๐๐จ, ๐ฑ๐ฎ๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฎ ๐๐ก๐จ๐ฐ๐š๐š๐ง๐ฌ๐ก๐จ ๐€๐ฅ๐ฅ๐ž.

06/05/2026

Maamulka, macallimiinta, iyo ,dhamaan ardayda waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii uu ka geeriyooday Awoowe Axmed yusuf oo ka mid ahaa waalidiinta Dugsiga zoom waxaan sidoo kale
Tacsi Gaar ah aan u direynaa Ardeyda uu awoowga u ahaa Axmed yusuf
Cabdiftaax Yuusuf leylo yusuf xasan iyo cabdullahi cabdi Abukar

Dugsiga waxa uu murugada iyo wakhtigan adag la qaybsanayaa qoyska reer Axmed yusuf , ehelka iyo dhammaan qaraabada marxuumka.

Waxaan u rajaynaynaa samir iyo iimaan, Allana waxaan u weydiinaynaa in uu marxuumka Jannatul Firdowsa ka waraabiyo.

Aamiin..

23/03/2026

SHAACINTA JADWALKA IMTIXAANKA BILLE 2

S/W 2025/2026

23/03/2026

๐Ÿ“ข OGEYSIIS MUHIIM AH: IMTIXAANKA BILLE 2
Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan waalidiinta iyo ardayda sharafta leh ee Zoom Primary & Secondary School in uu bilaabanayo imtixaanka bisha labaad (Bille 2)

๐Ÿ“… Taariikhda: Berri, 24-03-2026
๐Ÿซ Goobta: Xarunta Dugsiga

Farriinta Maamulka:
Waxaan ka codsanaynaa waalidiinta inay gacan ka geystaan diyaarinta ardayda, si ay ugu guuleystaan imtixaanka ay muddada u soo diyaargaroobayeen. Dadaalku waa fure u ah guusha!

Mahadsanidiin.

Madaxa Imtixaanka: Usaame Sh. Abdi Nuur

22/03/2026

Maamulka iyo macallimiinta Zoom Primary & Secondary School waxay ku wargelinayaan dhammaan ardayda iyo waalidiinta sharafta leh in dib loo bilaabayo waxbarashadii iskuulka.

Waxaan idiin rajaynaynaa sannad dugsiyeed guul iyo dadaal badan leh. Diyaar ma u tihiin inaad dib ugu laabataan fasallada iyo saaxiibadii aad jeceshaheen?

Zoom School: "Mustaqbal ifaya iyo aqoon tayo leh!" ๐ŸŽ“๐ŸŒŸ

Want your school to be the top-listed School/college in Afgoye?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Ceelasha Jabad Geelle
Afgoye