23/06/2026
Soonka maalinta Caashuuraa (10-ka Muxarram), waxaan Alle ka rajaynayaa inuu ku dhaafo dambiyadii yaryaraa ee sannadkii ka horreeyey."
aan ka wada faa'ideysano maalmaha Abaco iyo khamiis ama khamiis iyo jimco
21/06/2026
Wargelin muhiim ah
Dhamaanba Waalidiinta, Ardayda iyo howlwadeenada Dugsiga Salaama primary and secondary school waxaa lala wadaagayaa in maanta madrasadu ay fasax tahay sababo la xiriira Roobkii xalay ilaa saaka da'ayay iyo Dhulkoo wada biyo ah
Berito ayay Daruusta sii socon doontaa i.a
20/06/2026
Madrasada Salaam waxay guul iyo Natiijo wax ku Ool ah u rajeyneysaa Dhamaanba Ardayda soomaaliyeed ee fasalka 12aad ee uu maanta imtixaamka u bilaawday gaarahaan Ardayda Madrasada Salaam ee sanad dugsiyeedka 2025/2026
Allah ha idinla jiro
18/06/2026
Xaruunta Dhexe ee Dugsiga Salaama primary and secondary school ayaa waxaa ka qabsoontay munaasabad isugu jirta Duco iyo Qur'aan saar loo sameeyay Ardayda fasalka 12aad ee Dufcada 9aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026,munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulaha Dugsiga Salaam,Ustaad Shafici Mohamed Abdullaahi maamulaha Dugsiga SIMACOT,macaliinta, iyo martisharaf kale,gabagabada munaasabada waxaa madasha loogu duceeyay Ardayda inuu illaahay u fududeeyo imtixaamka islamarahaantana uu siiyo natiijo wax ku Ool ah oo lagu wada farxo
18/06/2026
Waxaan halkan hambalyo hordhac ah uga direynaa dhamaanba Ardayda soomaaliyeed gaarahaan Ardayda Dugsiga Salaama primary and secondary school ee uu maanta u soo idlaaday imtixaamka Dugsiga Dhexe oo ay qaadeysay wazaarada waxbarashada KGs
Natiijo iyo Darajo lagu farxo Allah ha idinka siiyo
17/06/2026
Maamulaha Dugsiga Salaama primary and secondary school Ustaad Sacad H Omar ayaa kelimad dardaaran iyo sagootin isugu jirta u jeeday Ardayda fasalka 12aad ee Dufcada 9aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo uu u bilaaban doono imtixaamka Qaranka ee wazaarada waxbarashada
Maamulaha ayaa u rajeeyay Ardaydiisa inuu Illaahay ku guuleeyo imtixaamka waxa uuna sidoo kale u rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo wixii ay soo barteen inay uga adeegaan hormarinta Danaha Dadka,iyo Dalka
15/06/2026
Hambalyo sanadka cusub ee Hijriyada 1448
Allah ha i nooga dhigo sanad ay ka buuxaan barwaaqo,guulo iyo hormar xaga nolosha ah
15/06/2026
Guul iyo Darajo wax ku Ool ah ayaan u rajeyneynaa Dhamaanba Ardayda fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 ee uu maanta u bilaawday imtixaamka shahaadiga ah oo ay qaadeyso wazaarada waxbarashada KGS gaarahaan Ardayda Madrasada Salaama primary and secondary school Guuleysta dhamaantiina