15/07/2025
انا لله وانا اليه راجعون
Dhammaan Maamulka,Macallimiinta iyo guud ahaan ardayda iskuulka Al-mizhar waxay tacsi tiiraanyo Leh u dirayaan waalidka iyo guud ahaan qaraabada Maxamud Bin Maxamuud Adan, geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Wiilkeena Maxamuud Bin Maxamuud Adan oo katirsanaa ardayda Sanadkaa kagudbay Fasalka 5aad, Waxaan idin leenahay Samir iyo Iimaan alle ha inaga Siiyo, qabrigiisa Alle ha u waasiciyo, Jannatul Firdowsa Alle haku Abaal mariyo.
27/06/2025
Munaasabad heerkkeda aad u sareeya oo aheyd Qalinjebinta dufcadii 8aad ee Zuhuurul Amal ee dugsiga hoose dhexe iyo Sare Al-mizhar, ayaa kadhacday hoolka DAA ee degmada Afgoi, Munaasabaddan ayaa waxaa soo agaasimay Maamulka, Macallimiinta iyo Arday F.4 iyadoo ay kasoo qeyb galeen Waaliddiin iyo Marti sharaf ka kala socotay Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo qaar kamid ah Jaamacadaha dalka.Xafladda ayaa ku bilaabatay jawi aad u qorxoon Isla markaana ay ku idlaatay jawi Wanaagsan.
Maamulka, Macallimiinta iyo Waalidiinta ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ardayda qalin jebisay sidoo kale ugu duceeyay natiijo ay ku farxaan marka la soo bandhigayo natiijada imtixaanka wasaaradda Insha Allah.
04/06/2025
Dhammaan Bahda Iskuulka Al-mizhar sida ay uwada dhanyihiin, Maamul,Macallimiin iyo Ardayba waxay tacsi tiiraanyo leh ay u dirayaan Murugadana ay laqeybsanayaan Waalidka oo ugu horeeyo Aabe Cumar Maxamed [Ooye] iyo dhammaan ehelka iyo Qaraabada ardaygeenii ama Wiilkeena Maxamed Cumar Maxamed (Aw kuus) oo Xalay ku geeriyooday degmada Afgooye gaar ahaan Xafadda Dhagaxtuur. Maxamed waxa uu ka mid ahaa ardayda Sanadkaan galaya Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8aad. Waxaan leenahay dhamaanteena Samir iyo Iimaan alle hanaga wada siiyo, Qabrigiisa Alle ha u waasiciyo, Jannatul Firdowsana Alle Haku Abaal Mariyo.
11/05/2025
Alle mahaddii waxaa si wanaagsan inoogu daahfurmay Maanta oo Taariikhdu Kubeegantahay 11/05/2025 Tartanka Kubbadda cagta ee Iskuulka Al-mizhar.
Tartankaan ayaa loo qabanayaa dhammaan Fasalada dugsiga Sare iyo dugsiga Dhexe.
Haddaba Maanta ayaa lagu daahfuray Fasalada kala ah F.4 iyo 7aad.
Dhowaan filo Natiijada Tartanka ee labada Fasal.
16/04/2025
NATIIJADA TARTAN AQOONEEDKA ISBUUCAN
Alle mahaddii waxaa jawi wanaagsan ku dhamaaday tartamadii dhacay, dhammaadka isbuucaan gaar ahaan maalmaha isniinta iyo Talaadada, oo taariikhdu ay ku beegneyd 14/04/2025 iyo 15/04/2025.
Haddaba Natiijada Tartanka ayaa noqotay Sidaan Hoos ku Xusan:
09/04/2025
Maanta oo arbaco ah taariikhdu ay ku beegantahay 9/04/2025, waxaa tartamo aad u xiisa badan dhex maray fasalada kala ah 7aad A iyo 5aad qeybta Wiilasha iyo Sidoo kale qeybta gabdhaha oo tartamayey fasalada kala ah F.3 iyo 6aad, dhammaan tartamadaas ayaa si wanaagsan kusoo idlaaday, Natiijada tartanka ayaa noqotay Sida hoos ku xusan.
08/04/2025
Waxaa Maanta si wanaagsan kusoo dhamaaday Tartamadii xiisaha badnaa oo dhexmaray Fasalada kala ah Fasalka 12-aad iyo Fasalka 7B qeybta Wiilasha,sidoo kale qeybta gabdha 10-aad iyo 9-aad ayaa waxaa dhexmaray Tartan adag oo xiisa badan.
Daahfurka tartanka maanta ayaa waxaa qeyb ka ahaa madaxa Xafiiska Marketing ee Hormuud Afgooye Mr Maxamed Mustaf [madkey ].
#
#
08/04/2025
Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 8/04/2025, waxaa si toos ah inoogu daah furmay barnaamijka Tartan aqooneedka ee dugsig Al-mizhar 2024 - 2025.
Kulamada ugu horeeya maanta oo ah kulamo aad u xiiso badan ayaa isku arkaya ama foodda is daraya fasalada kala ah Fasalka 12aad iyo Fasalka 7B ee qeybta Wiilasha.
Sidoo kale Qeybta gabdhaha waxaa tartamaya Fasalada kala ah : Fasalka 10aad iyo Fasalka 9aad.
Haddaba Mudane ama Marwo bal adiguna Saadaali Cidda kusoo bixi karta Tartamadaan Maanta dhacaya ee labada qeyb.
Sido kale kala soco bartaan guuleystayaasha u gudbaya wareegga labaad.
Mahadsanidiin.
01/05/2022
عيد مبارك.
تقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال.