01/09/2021
Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Ururka ardayda Omar Samatar ee dalka Sudan waxay hambalyo iyo duco u dirayaan ayagoo isku duuban, Xirsi Cabdullaahi Xaashi oo maanta soo afmeeray heerka labaad ee wax-barashada jaamacadda (master degree), kuliyadda Dhaqaalaha ee jaamacadda Internationa University of Africa.
Xirsi cabdullaahi wuxuu ka midyahe aqoon-yahanka Soomaaliyeed ee wax ka barta wadanka Sudan sidoo kale waa gudoomiyihii H**e ee ururka ardayda OSSS. Waxaan leenahay Cilmiga aad baratay Alla haka dhigo mid aad dadkaana dalkaaga iyo diintaada ku anfacdo.
04/08/2021
Alxamdulilaah caawa waan badinay koobkii 1da August ee Puntland, finalkii caawa waxaan la dheelnay Alwaaha secondary, waxay ku dhamaatay 3 iyo 2.
Waxaan u mahadcelinayaa guddiga koobka soo agaasimay, teamamka kasoo qeybgalay iyo waliba teamka caawa finalka nala dheelay.
03/08/2021
Insha Allah caawa ciyaarta finalka ayaan la dheelaynaa Alwaaxa Secondary saaca 9:00 PM, taageerada ardayda reer Cumar Samantar aad baan ugu baahanahay, guusha wax yar baa nooga dhiman.
25/07/2021
Waan badinay ciyaartii caawa bilowga u ahayd koobka 1da August ee Puntland.
waxaa nala dheelay Gambool, ciyaar qurux badan ayay soo bandhigeen lkn guushu labo nin k**a wada qosliso.
25/07/2021
Caawa iyo koobka 1da august ee Puntland
Insha allah caawa waxaan dheelaynaa ciyaartii bilowga ahayd ee koobka 1da august ee Puntland, gambool iyo anaga ayaa caawa dheelayna saaca 9:00 PM.
Soo duceeya inaan badino reer Cumar Samantar.
12/05/2021
Ururka ardayda Cumar Samantar ee Sudan wuxuu farxada ciida la qeybsanayaa ardayda Cumar Samantar ee Sudan ku dhaqan iyo kuwa Soomaaliyeed oo dhan aradayad iyo ardayba, mudane iyo marwaba macalimad iyo macalinba.
Wuxuu kale oo uu u rajaynayaa inay ku ciidaan bashbash iyo barwaaqo, sannnadka sannadkiisa kalana farxad iyo barwaaqo ku gaaraan.
Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu naga aqbalo ramadaantii soonkii iyi cibaadadii sidoo kalana midkiisa kale nagu gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.
Eid mubaarak.
OSSAS
03/05/2021
Ciyaartii caawa ka dhacday garoonka kahrabada ee finalka ahayd, waxaa wada dheelay laba kooxood oo ciyaar qurux badan soo bandhigey.
Libintu iyo guushu lkn waxay raacday teamkii sheekh xirsi kabtanka ku ahaa.
Kooxda laga badiyeyna ciyaar qurux badan ayay soo bandhigeen.
Ciyaartu waxay ku dhamaatay 6 iyo 0.
02/05/2021
Finalkii koobkii ardayda OSSAS ayaa la dheelayaa insha Allahsacaada 11:30 PM garoonka kahrabada.
Labadan koox ayaa caawa isku arki doona ciyaarta finalka ah.
Daawasho wanaagsan
30/04/2021
Kooxda caawa badisay oo finalka u gudbay hambalyo ayaan leenahay.
Waad guulaysateen.
30/04/2021
Ciyaartii caawa ka dhacday garoonka kahrabada saacadu 8:30 PM, Waxay ahayd ciyaar semifinal ah ee koobka ARDAYDA OSSAS.
Labada koox ee caawa dheelay ciyaar ayay soo bandhigeen, si fiican ayay u dheeleen.
1 iyo 0 ayay ku dhamaatay ciyaarta
30/04/2021
Ciyaartii semifinalka labadii team ee caawa dheelay
Koobka ardayda OSSAS
23/04/2021
Kooxdii badisay caawa ciyaarta, hambalyo ayaan leenahay.
Ciyaarti waxay ku dhamaatay 6 iyo 0.