18/10/2025
الجواب الكافي لمن سأل عن الدواء الشافي (Al-Jawaab al-Kaafi liman sa’ala ‘ani al-Dawaa ash-Shaafi)
oo loo yaqaan magaca gaaban ee
الداء والدواء (Da’a wal-Dawaa)
Ee uu qoray Imaam Ibnul Qayyim al-Jawziyyah Wa mid kamid ah kutubta ugu muhiimsan ee laga qoray taskiyada nafta iyo daaweynta cudurrada qalbiga ku dhaca.
Mawduuca guud ee buugga:
Buuggan waa mid ka mid ah qoraallada ugu qiimaha badan ee Ibnul Qayyim, wuxuuna ka hadlayaa xanuunka nafta iyo daawadeeda. Xanuunkaas wuxuu ula jeedaa dembiyada, qalafsanaanta qalbiga, iyo cudurrada ruuxiga ah ee ka dhasha khiyaanada nafta iyo shaydaanka.
Qaybaha ugu waaweyn ee buugga:
Qaybta 1aad: Xanuunka iyo Daawada.
Ibnul Qayyim wuxuu cadeeyaa in cudur kasta uu leeyahay dawo, sida uu Nabigu (NNKH) sheegay.
Wuxuu ka hadlayaa in Qur’aanka oo dhan uu yahay dawo – gaar ahaan suuradda Al-Faatiha.
Wuxuu sharraxayaa sababaha dadka qaarkood aanay u bogsan – sida shaki ku jiro, dulmi ay sameeyeen, ama in aysan rumaysad dhab ah la imaanin.
Wuxuu iftiiminayaa in duco ay tahay mid ka mid ah dawooyinka ugu waaweyn ee ruuxiga ah, isla markaana uu sharraxayo:
Sidoo kale wuxuu la hadlay imaamka Ducada iyo Qaddarka (الدعاء والقضاء):
Wuxuu sharraxayaa xiriirka ka dhexeeya ducada iyo qaddarka Ilaahay.
In kastoo qaddarku go’an yahay, ducadu waa sabab lagu celin karo belaayo ama lagu helo kheyr.
Si duco loo aqbalo, waa in lagu sameeyaa:
Iimaan iyo kalsooni dhab ah,
Ilaahay u jeeddo daacad ah,
Ilaahay lagu baryo si joogto ah, iyadoo lagu cataabo (الإلحاح).
Wuxuu sidoo kale sheegay In ducadu ay la mid tahay hub – hubku wuxuu ku tiirsan yahay ciddii adeegsata, ma aha birtiisa keliya siduu sheegay.
Qaybta 2aad: “Khataraha Dembiyada iyo Raacista nafta hawadeeda”
Wuxuu ka digayaa in qofka uu khiyaamo naftiisa isagoo ku tiirsan naxariista Ilaahay isaga oo aan wax camal ah la imaan.
Wuxuu tilmaamayaa in husn al-dhann billaah (rajo iyo mala wanaagsan ee Ilaah) uu sax yahay oo keliya marka uu qofku camal fiican la yimaado.
Qofkii rajo fiican sheegta isagoo dembi ku sugan waa beenaale ama wa mid naftiisa khiyaamay.
Wuxuu faahfaahinayaa in dambiyada ay sababaan ciqaab aduun iyo aakhiro ah:
In nolosha laga qaado barako,
In la waayo cilmi iyo rizqi,
In qalbigu noqdo mid madow oo adag,
In la dareemo keligoodnimo iyo raxmad la’aan gudaha ah.
Ibnul Qayyim wuxuu sheegayaa in:
Dembiyada ay dhalayaan kuwo kale – marka qofku hal dambi sameeyo, mid kale ayaa ka daba yimaada.
Qalbiga iyo ruuxada oo daciifaan, iyo xusuusta wanaagsanna ay yaraato.
Nolosha qofka iyo cimrigiisa ay gaabato marka uu ku mashquulo dembi iyo gaf.
Naxariista Ilaahay ay ka tagto qofka, nimcadiisana laga qaado.
Dembiyadu waxay keenaan cabsi gudaha ah xitaa haddii qofku dunida xoog ku leeyahay siduu yiri Ibnu Qayyim.
Qeybta 3 aad: Sidoo kale wuxuu ka hadlay Jacaylka (العشق):
Ibnul Qayyim wuxuu faaqidayaa noocyada jacaylka — sida jacaylka Ilaahay, jacaylka dadka, iyo jacaylka xaaraanta ah.
Wuxuu tilmaamayaa in jacaylka xaaraanta ah, sida jacaylka loo qaado waxa Ilaahay reebay (tusaale, ragga ama haweenka la mamnuucay), uu yahay cudur dila ah.
Daawada jacaylka xaaraanta ah waa in qalbiga lagu buuxiyo jacaylka Ilaahay, ama haddii uu jacaylku yahay mid xalaal ah — sida mid guur ku dhamaan kara — waa in lagu daweeyaa guur sharci ah.
Fariinta guud ee buugga:
Buuggan wuxuu isku dayayaa Ibnul Qayyim inuu qofka Muslimka ah ku baraarujiyo in:
Dembi kasta uu yahay cudur,Daawadiisuna tahay towba, duco, iyo ku Xirnaanta Alle.
Hadii buugan oo Afsomali aad rabtid halkaan ka dhagayso.
https://youtube.com/playlist?list=PLjOxbKQXFn74Rk2fWfemVg7HY4x22KivC&si=9gFZJS3R1qvZYR0d