Machad al-najax معهد النّجاح

Machad al-najax  معهد النّجاح للعلوم الشرعية والعربية

22/08/2026

🎙️ Sheikh Axmed Sulub – Xukunka Xarafka ض

18/08/2026

10/08/2026

📚 Qisada Al-Farrāʾ iyo “الصغير لا يُصغَّر”

03/08/2026

📚 Cilmiga Shareecadu Wuxuu Kobciyaa Caqliga

Barashada cilmiga shareecadu ma aha oo keliya in la barto xalaal iyo xaaraan, balse waxay sidoo kale kobcisaa caqliga, fahamka, iyo garashada qofka.
alnajah

01/08/2026

Qof walba oo khamiis xiran ma aha sheekh, sida qof walba oo jaakad cad xiran uusan dhakhtar u ahayn.

Diintu waxay ina fartay inaan dadka ku qiimeyno:
📖 Cilmigooda,
🕌 Caqiidadooda,
🤲 Akhlaaqdooda,

31/07/2026

Waxaa jira kutub aan si dhab ah loo fahmi karin hal mar oo keliya. Mararka qaar waxaad u baahan tahay inaad akhrido labaad, saddexaad, ama xitaa ka badan si aad u fahanto ujeeddada qoraaga iyo qotada cilmiga ku jira.

Culimada waxay ku caan baxeen inay dib ugu noqdaan isla kitaabka marar badan, mar kasta oo ay akhriyaanna ay ka faa'iidaystaan cilmi cusub.

24/07/2026

Nabiyadii oo dhan waxay ummadahooda ugu horreyn ugu baaqeen Towxiidka, waayo waa aasaaska diinta iyo furaha badbaadada adduun iyo aakhiro."Marka h**e sax caqiidadaada, kadibna hagaaji camalkaaga."

23/07/2026

Maalinta aad geeriyootid, saaxiibbadii kula qosli jiray, kula sheekaysan jiray, ama kula safri jiray, intooda badan waxay ku gaarsiin doonaan qabriga, dabadeedna waxay ku laaban doonaan noloshoodii.

Wax yar ka dib, qof walba wuxuu ku mashquuli doonaa noloshiisa. Laakiin waxaa kula haraya oo keliya camalkaagii.

Sidaas darteed:

Saaxiib wanaagsan dooro.
Camal wanaagsan ururso.
Salaadda ilaali.
Qur'aanka akhri.
Waalidkaagana u samafal.

22/07/2026

Caloosha oo si xad dhaaf ah loo buuxiyo waxay keeni kartaa caajis, hurdo badan, iyo in qofku ka gaabiyo cibaadada.

21/07/2026

🎙️ Culumooy, ka duwanaada caamada marka ay timaaddo jacaylka adduunka.

Alle wuxuu idinku sharfay cilmi, dadka ayaana idiin eegaya oo idinku dayda. Sidaas darteed, ha noqonnina kuwo adduunku qalbiyadooda qabsado, ee noqda kuwo Aakhirada hormariya.

Culumooy, haddii aad la tartantaan dadka adduunka urursada, maxaa idiinka duwaya dadka caadiga ah? Dadku waxay idinka sugayaan tusaale wanaagsan, zuhdi, qanaaco, caddaalad iyo daacadnimo.

Xusuusta in cilmigu yahay mas'uuliyad ka hor inta uusan sharaf noqon. Ha ka dhigin cilmiga jaranjaro lagu gaaro danaha adduunka, balse ka dhiga jid lagu gaaro raallinimada Alle.

Qofka dadka ugu mudan inuu ka dheeraado jacaylka adduunka waa kan dadka ugu badan xusuusiya in adduunyadu tahay mid dhammaanaysa.

Culumooy, ka duwanaada caamada; hadalkiinna, dhaqankiinna, himiladiinna, iyo sida aad ula macaamilaysaan adduunkaba. Markaas ayay dadku idinku kalsoonaanayaan, cilmigiinnuna wuu barakoobayaa.

Address

Section 3
Nairobi
246-00610

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Machad al-najax معهد النّجاح posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share