Dhab ka Hadal media

Dhab ka Hadal media

Share

Fadlan page keena kusoodhawada naguna dhiiro galiya like share I.a

19/10/2025

HALKAN AAN OOGA DUCAYNO hooyo mcaan ♥️♥️aduunyo fil nicma Aakharo fil jannah Amiin ya Allah

04/02/2025
07/10/2024

Sual isku day kuna sali nabiga scw. SHEEG SALAADII UGU HOREYSAY UU NABIGA SCW takaday.????????

07/10/2024

Maxamed Bin Siiriin oo ahaa Caalim Diinta yaqaanna dhowrsina badan ayaa loo sheegay arinkan, deetana wuxuu amar ku bixiyay in la tuuro dhamman Fuustooyinka maadaama la garan waayay midkii uu doolligu ku dhacay.

Maalinkaas ayuu Imaamku ku biiray Liiska Fuqarada Magaalada Basrah ka dib markuu ka mid ahaa Hantiileyaasheeda.

Mar ay dad badani u yimaadeen Imaamka si ay uga tacsiyeeyaan Khasaaraha Dhaqaale ee soo gaaray ayuu ku yiri: Waxba ha ii tacsiyeeynina, waan aqaanna halka la iga helay, Khasaaradaani waxaa keenay Dembi aan Ciqaabtiisa Sugayay muddo 40-Sano ah.

Markii wax la weydiiyay dembigaasna wuxu yiri: Maalin ayaan Nin Faqiir ah ku jeesjeesay oo aan ku iri Faqri ayaad tahay.

Dulucda waa inaad ka fiirsato erayada aad ku dhaheyso dadka dhibaateysan oo dhegtoodu u nugushahay kalimaadka afkaaga kaasoo baxaya. Dhaqaalaha aad heysato Alle kuuma siinin inaad ugu faanto ama aad ku duleysato ee wuxuu kuu siiyay inaad ka Caawiso inta mudan; hadaadan adigu wax u qaban karinna ku caawi inaad ka ceshato Afkaada iyo idinkaaga.

07/10/2024

Qiso Cashar Iyo Xikmad Leh
Imaam Maxamed Binu Siiriin wuxuu ka mid ahaa Culimadii iyo Hantiileyaashii Taabiciyiinta wuxuuna ku caanbaxay ka ganacsiga Malabka.

Mid ka mid ah Fuustooyin malabku ku keydsanaa oo guud ahaan gaarayay 600 oo Fuusto ayuu mar Doolli ama Jiir uga dhacay; deetana waa laga saaray waxaasa dib ka adkaatay in Fuustadaas laga garto kuwa kale. Hadduu Doolli ku dhaco shey dareere ah sida Biyaha, Saliidda iyo Malabkana waxaa sharci ah inaan Sheygaas la isticmaali karin.

06/10/2024

Shan dal oo galaangal ku leh Soomaaliya oo war ka soo saaray xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya
Shirkii AnkaraXigashada Sawirka,Muuqaal
5 Oktoobar 2024
Turkiga iyo afar dal oo kale ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhimayo xiisadaha ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo mar kale ku celceliyay inay taageerayaan madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladaha safka h**e uga jira islamarkana sida dhaw ula socda Soomaaliya oo kala ah Turkiga, Mareykanka, Britain, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa kulankoodii toddobaad isugu yimid magaalada Washinton, waxayna ka wadahadleen tallaabooyinka lagu dhimayo xiisadda u dhaxeeysa Itoobya iyo Soomalaiya.

Waxay sidoo kale taageereen wada hadalada, ay ka midka yihiin dadaallada dhex dhexaadinta ee Turkiga uu garwadeenka ka yahay sida lagu xusay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Waxaa kulankaasi sidoo kale ka qeyb galay wakiilo ka socday dowladda federaalka ee Soomaaliya.

22/08/2024

Waa jimcee Aan badino saliga nabiga scw scw scw

05/07/2024

Waa Malin jimco ah khayr badan Aan badino saliga nabiga scw scw 🥰❤️💯

Want your school to be the top-listed School/college in Nairobi?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Nairobi