Faallo podcast

Faallo podcast

Share

Aqoon .fikir.falaynqeyn . Dhisida bulsho caafimad qabta maskax ahaan

10/07/2026

Saaxiibada wanaagsan nolosha micne ayay u sameeyaan. Way ku garab istaagaayan marka ay adkaato wayna kula farxaan marka aad guul gaadho dooro saaxiib noloshaada qiime u yeela

07/07/2026

Waxaan Akhriyey Buugaag Badan Laakiin Wax Badan K**a Fahmin?

Muddo badan waxaan jeclaa akhriska. Mar kasta oo aan arko buug wanaagsan waxaan dareemi jiray xiise igu kallifaya inaan akhriyo. Waxaan akhriyey buugaag ka hadlaya horumarka nafta taariikhda hoggaaminta dhaqaalaha cilmi-nafsiga iyo arrimo badan oo kale. Mararka qaar waxaan dhamayn jiray buugga dhan muddo gaaban gudaheed waxaana is moodi jiray inaan tallaabo weyn u qaaday dhinaca aqoonta.

Laakiin maalin ayaan waxaan is weydiiyey su’aal aad ii taabatay:

Haddii aan buugaag badan akhriyey maxaan weli u dareemayaa inaan wax badan ka fahmin?

Markii aan si daacad ah isu waydiyay su’aasha waxaan ogaaday in dhibaatadu aysan ahayn buugaagta aan akhriyey balse ay ahayd habka aan u akhrinayey.

Waxaan garwaaqsaday in mararka qaar aan akhrinayey si aan buugga u dhammeeyo halkii aan u akhrin lahaa si aan u fahmo. Waxaan diiradda saari jiray tirada buugaagta aan akhriyey halkii aan xoogga saari lahaa fikradaha aan ka bartay. Waxaan ku farxi jiray inaan bogag badan rogrogay balse ma aanan isweydiin jirin waxa ay bogaggaasi noloshayda ku soo kordhinayana

Qoraaga iyo faylasuufka Francis Bacon ayaa yiri:

Reading maketh a full man conference a ready man and writing an exact man

Akhrisku wuxuu kobciyaa qofka dooduna waxay xoojisaa fahamkiisa qoristuna waxay saxdaa fikirkiisa. Hadalkisuna wuxuu ina barayaa in akhrisku uusan ku dhammaan bogga ugu dambeeya ee buugga balse uu bilaabmo marka qofku ka fikiro ka doodo, oo uu ku dabaqo waxa uu bartay.

Run ahaantii aqoontu kuma jirto inta buug ee aad akhrido. Aqoon dhab ahi waxay ku jirtaa inta fikradood ee aad fahanto, inta cashar ee aad ka barato iyo inta isbeddel ee ay noloshaada ku sameeyaan.

Sida uu yiri Johann Wolfgang von Goethe:

Knowing is not enough we must apply. Willing is not enough we must do.

Inaad wax ogaato kuguma filna waa inaad ku dhaqantaa. Inaad rabto kuguma filna waa inaad ficil u beddeshaa.

Waxaan bartay in buuggu aanu ahayn wax sixir ah oo marka aad akhrido si toos ah kuu beddelaya. Buuggu waa albaab kuu furaya fikrado cusub laakiin adiga ayaa laga doonayaa inaad ka fikirto falanqayso su’aalo isweydiiso oo aad isku daydo inaad ku dabaqdo noloshaada.

Faylasuufkii Giriigga ahaa Plutarch ayaa yiri

The mind is not a vessel to be filled but a fire to be kindled

Maskaxdu ma aha weel xog lagu shubo waa dab u baahan in la shido. Sidaas darteed akhriska wanaagsan waa kan kiciya fikirka ee ma aha kan kordhiya tirada bogagga aad rogtay

Mararka qaar waxaan dib ugu noqday buugaag aan sannado ka hor akhriyey. Waxaa yaab lahayd inaan ka fahmay waxyaabo aan markii h**e ka fahmi waayey. Ma buugga ayaa is beddelay? Maya. Waxa is beddelay waxay ahayd waayo-aragnimadaydii fahamkaygii iyo sida aan u eegayey nolosha.

Tani waxay i bartay cashar muhiim ah:

Mararka qaar buugga ma fahmi kartid ilaa ay noloshu ku barto casharradii uu ka hadlayey.

Qoraaga caanka ah Mark Twain ayaa yiri:

I have never let my schooling interfere with my education.

Waxbarashadu kuma koobna fasalka ama buugga way sii socotaa inta uu qofku nool yahay waayo-aragnimadiisana way la kortaa.

Waxaa jira dad badan oo akhriya boqolaal buug laakiin aan wax badan ka faa’iidaysan. Waxaa sidoo kale jira dad akhriya hal buug balse si qoto dheer u fahma noloshoodana ku dabaqa. Inta badan kan labaad ayaa ka faa’iido badan kan koowaad.

Waxaa laga weriyaa Ali ibn Abi Talib:

Cilmigu waa ka khayr badan yahay maalka cilmigu adiguu ku ilaaliyaa halka maalkana adigu ilaaliso.

Xikmaddani waxay ina xusuusinaysaa in qiimaha cilmigu uusan ku jirin ururintiisa balse uu ku jiro fahamka iyo ka faa’iidaysiga.

Waxaan sidoo kale ogaaday in akhrisku aanu ahayn tartan. Ma jiro abaalmarin la siiyo qofka buugaagta ugu badan akhriya. Abaalmarinta dhabta ahi waa fahamka xikmadda iyo isbeddelka aad ka hesho waxa aad akhriday.

Bulshadeenna maanta waxaa badan dad ururiya buugaag laakiin waxaa yar dadka ururiya fikradaha ku jira buugaagtaas. Waxaa badan kuwa xafida erayo qurux badan laakiin waxaa yar kuwa fahma macnahooda qotada dheer.

Haddii aad buug akhrido oo uu ku baro hal cashar oo noloshaada wax ka beddela waxaa laga yaabaa inuu ka qiimo badan yahay toban buug oo aad si degdeg ah u dhammaysay.

Waxaa intaas sii dheer in Eebbe Qur’aanka nagu barayo muhiimadda raadinta cilmiga, isagoo leh:

Rabbiyow ii kordhi cilmi. — Quran (Suurat Ta-Ha 20:114).

Maanta waxaan aaminsanahay in akhriska ugu wanaagsan uusan ahayn kan ugu badan balse uu yahay kan ugu saamaynta badan.

Akhrisku ma aha inaad bogag badan rogto.

Akhrisku ma aha inaad sawir la gasho buug.

Akhrisku ma aha inaad dadka u sheegto inta buug ee aad dhammaysay.

Akhriska dhabta ahi waa marka fikrad ku jirta buug ay beddesho habkii aad u fikiraysay aragtidii aad nolosha ka qabtay ama go’aan aad mustaqbalka qaadan lahayd.

Sidaas darteed haddii aad dareento inaad buugaag badan akhriday balse aadan weli gaarin heerkii aad filaysay ha niyad jabin. Aqoontu waa safar dheer fahamkuna waa geeddi-socod u baahan waqti dulqaad iyo ka fiirsasho.

Ugu dambayn waxaan jeclaan lahaa inaan iraahdo:

Buugga ugu qiimaha badan ma aha kan aad ugu dheeraatay akhriskiisa ee waa kan ku baray wax aadan weligaa illoobi doonin.

Buugga ugu wanaagsan ma aha kan aad dhamaysay ee waa kan beddelay habka aad u aragto nolosha.

Aqoontuna ma aha inta aad akhriday ee waa inta aad fahantay iyo inta aad ku dhaqantay.

03/07/2026

Welcome to FAALLO podcast

Want your school to be the top-listed School/college in Nairobi?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Eastleigh
Nairobi
00100