12/06/2025
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in aanay dan dambe ka lahayn sii jiritaanka madasha caalamiga ah ee C6+, oo muddo dheer ahayd hannaan iskaashi oo ay beesha caalamku kula socon jirtay xaaladda siyaasadeed iyo amniga dalka.
Go’aankan lama filaanka ah ayaa lagu muujiyay warqad rasmi ah oo uu Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar, u diray Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, iyo dhammaan xubnaha C6+, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay (UN), Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub (EU), IGAD, iyo saaxiibo kale oo caalami ah.
“Waqtigii ay Madasha C6+ ku habboonayd wuu dhammaaday. Maanta ma leh micno siyaasadeed oo dhab ah, mana ka tarjumayso xaaladda hadda taagan ee dalka,” ayaa lagu xusay warqadda.
Dowladda Federaalka ayaa ku dooday in Soomaaliya ay haatan tahay dal madax-bannaan oo leh hay’ado dastuuriyadeed oo shaqeynaya, nidaam dimuqraadi ah oo kobcaya, iyo himilo qaran oo sal adag leh. Sidaas darteed, waxay sheegtay in C6+ ay noqotay hannaan duugoobay oo aan la jaanqaadi karin marxaladda cusub ee dalku ku sugan yahay.
Go’aankan ayaa yimid xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, halka madasha C6+ ay dhawaan ku baaqday in la qabto wadatashi qaran oo ballaaran, si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira. Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inay ka caga-jiiday tallaabadaas, iyadoo la rumeysan yahay in codsiga C6+ uu cabsi geliyay hoggaanka dowladda.
Sidoo kale, go’aanka ka bixitaanka C6+ waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo ay isa soo tarayaan eedeymo culus oo loo jeedinayo wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson. Waxaa lagu eedeeyay inay si muuqata ula safatay Villa Somalia, taasoo shaki galisay dhexdhexaadnimadii laga filayay doorkeeda diblomaasiyadeed.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Karin Johansson ay Villa Somalia ku riixday inay burburiso Madasha C6+, iyadoo horey u diiday dhammaan soo jeedimihii C6+ ee ku saabsanaa wadatashi qaran. Waxa kale oo la sheegay in ay taageero buuxda u muujisay talaabooyinka Villa Somalia.
Dowladda Soomaaliya ayaa markale ku celisay in iskaashiga caalamiga ah uu ku salaysnaado “ixtiraam wadaag, madax-bannaani siyaasadeed, iyo iskaashi laba-geesood ah.” Waxay ugu baaqday beesha caalamka in la abuuro hannaan cusub oo la jaanqaadaya xaqiiqda dhabta ah ee dalka ka jirta.
“Sii wadidda Madasha C6+ waxay khalad siyaasadeed ka dhigaysaa in Soomaaliya weli hoos tagto maamul dibadda laga hago. Taasina waxay dhaawacaysaa sumcadda iyo biseylka hay’adaha dimuqraadiga ah ee dalku leeyahay,” ayuu yiri Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar.