12/05/2026
Adde Walaal Community Primary, Intermediate & Secondary School Ardey kaal primary and secondary school Salaad Ahmed Osmaan Omar Ali Daahir
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay shaacineysaa jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025β2026.
βββ
"DHAMMAAD"
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo
Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo taclinta sare ee DKGS.
Abdimalik Mohamed
09/05/2026
Waxaa maanta oo ah Sabti taariikhduna tahay 09/05/2026, shahaadada Fasalka 8aad ee Wasaaradda Waxbarashada KGS lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah ardayda F12 ee dugsiga sare, kuwaas oo u diyaar garoobaya inay u fariistaan Imtixaanka Qaranka ee sanad dugsiyeedka 2025β2026.
Waxaa farxad weyn noo ah ardaydii Fasalka 1aad loga soo bilaabay oo sanadkan fursad u helay inay u fariistaan imtixaanka mana aha dufcadii ugu horeysay ee ardayda dugsiga soo saaro.
Waxaan Alle idiinka baryeynaa guul iyo kaalimo sare in aad ka gaartaan imtixaanka.
Hambalyo dhammaan ardayda iyo maamulka dugsiga
15/04/2026
Warbixin
Waxaa si habsami leh uga bilowday dhammaan xarumaha dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Arday Kaal imtixaanka bileedka 2aad ee sanad dugsiyeedka 2025β2026.
Imtixaankan ayaa u socda si nidaamsan, iyadoo maamulka dugsigu si wanaagsan u diyaariyay habraacyada imtixaanka, isla markaana ay ardaydu muujiyeen dadaal iyo diyaar garow wanaagsan.
Macallimiinta iyo kormeerayaasha ayaa si dhow ula socda habsami u socodka imtixaanka, si loo xaqiijiyo in uu u dhaco si cadaalad ah oo hufan.
Ugu dambeyn, maamulka dugsiga Arday Kaal wuxuu u rajeynayaa dhammaan ardayda guul iyo natiijooyin wanaagsan
10/04/2026
β½ Faallo Tartanka β½
Galabta oo ay taariikhdu tahay 10/4/2026, waxaa si xiiso leh uga qabsoomay dugsiga hoose tartanka kubadda cagta ee Part Time Cup, kaas oo ay ka qayb galeen ardayda fasallada kala duwan.
Waxaa la ciyaaray labo kulan oo kala ahaa:
π₯ F1 vs F2 β waxaana guusha raacday Fasalka 2aad oo ku badiyay 2β1
π₯ F4 vs F3 β waxaana si cajiib ah u adkaaday Fasalka 4aad oo ku badiyay 5β1
π Tartanku wuxuu ahaa mid xiiso badan, waxaana ka muuqday karti, dadaal iyo isboorti wanaagsan oo ay muujiyeen ardayda