27/12/2024
Waxaa jirta fursad cajiiba oo ay soo bandhigeen Haayadda Green Climate Fund.
Waa Intership ay ugu talagaleen dadka Masterka diyaarinaya hadda iyo kuwa dhameeyey. 6 bilood oo lagu soo qaadanayo waddanka south Korea weeye, waxaana la siin doonaa tababar, sidoo kale qofka ay waxqabadkiisa ka helaan waxay ugu darayaan mudada oo waxay siinayaan shaqo.
Codsigu wuxuu xidhmayaa Bishan January 10keeda ilaa 11keeda. Qofkii ku guulaysta waxaa loo wacayaa Waraysi (Interview 30 min). kadib hadaad dhaaftid waraysiga waxaad tagaysaa bisha July ee sanadka soo socda. Lacagta bishii la siinayo waa $1300 (dolar).
Shuruudaha ugu muhiimsan oo inaad buuxiso la rabo waa kuwan hoose.
• Enrolled in Master’s or PhD program related the study you are applying
• Knowledge and experience in financial modelling, underwriting, investments, and financial institutions and/or climate change issues .
• Good understanding or knowledge of the operations of international organization is an added advantage;
• Proficiency in using standard software programs: MS Word, Excel, PowerPoint, Outlook, and Access;
• Excellent writing and presentation skills;
• Fluency in English is essential; knowledge of another United Nations language, in particular French and Spanish, and/or Portuguese is an advantage.
Somali ahaan halkan ayaan kuugu soo koobay shuuradaha:
Shuruudaha iyo Aqoonta Looga Baahan Yahay (Si Loogu Guuleysto Codsiga):
1: Is-diiwaangelinta Barnaamijka Master’s ama PhD ee la xiriira daraasadda aad codsaneyso:
Waxaa loo baahan yahay inaad ku jiro barashada heerka Master’s ama PhD oo la xiriirta mowduuca la codsanayo.
2: Maareynta moodooyinka maaliyadeed (financial modelling), qiimeynta khatarta (underwriting), maalgelinta (investments), iyo hay’adaha maaliyadeed, ama arrimaha la xiriira cimilada (climate change).
3: Khibradda ku saabsan howlaha hay’adaha caalamiga ah waa faa'iido dheeraad ah.
4: Aqoonta isticmaalka barnaamijyada software-ka caadiga ah:
MS Word, Excel, PowerPoint, Outlook, iyo Access.
5:Kartida qoraalka iyo soo bandhigidda:
Qoraal iyo soo bandhigid tayo sare leh oo xirfadaysan.
6:Ku hadalka Ingiriisiga si heer sare ah waa shardi. Aqoonta luqad kale oo ka mid ah kuwa Qaramada Midoobay, gaar ahaan Faransiis, Isbaanish, ama Bortuqiis, waa faa’iido dheeraad ah.
Ugu danbayn Link ka xaree: https://jobs.greenclimate.fund/
Mohamed Suleiman Ali
Apply online for jobs at Green Climate Fund