11/12/2025
🕌 Horumar Waxbarasho:Ardayda Hay’adda بئرالعلوم oo Heer Fiican Gaaray!
Waxaa meel fiican soo gaaray ardayda ay gacanta ku hayso hay'adda بئرالعلوم, taasoo ay maalgelinayaan dhalinyaro isxilqaamay.
Ardayda oo xareysan muddo ku dhow laba sano, waxaa u dhammaaday culuumta Caqiidada (Aqoonta Eebbe).
📚 *Barashada Caqiidada:*
Ardayda waxaa la baray fahamka iyo yaqiininta Eebbe iyo sifaadkiisa. Waxbarashadan kuma koobnayn oo keliya daliillada "samciyaadka" (nusuusta shareecada), balse waxaa lagu daray:
* Falsafadda iyo Xujooyinka adag.
* Falanqaynta lagu oogi karo kuwa diidan jiritaanka Eebbe (sida mulxidiinta) iyo kuwa caabuda wax aan Illahay ahayn.
⚖️ *Fiqhiga iyo Carabiga*
* Fanniga Fiqhiga/Axkaamta Shareecada: Ardaydu waxay marayaan meel fiican dhanka axkaamta. waxaana mardhow loo bilaabi doonaa kitaabka caanka ah ee Minhaajka, I.A.
* Qaybta Carabiga ee Naxwaha:
Waxaa iyadana gabogabo ah qeebta carabiyada ee naxwaha.
🎯 Ujeedka Barnaamijka
Ujeedada laga leeyahay barnaamijkan diiniga ah waa in la helo dad diinta si dhab ah ugu dul shaqeeya dhammaan marxaladaha kala duwan ee nolosha qofka iyo bulshada.
Tusaale: In la helo siyaasi uu hago qiyamka Islaamka sida:
* Inuu ka fogaado dhaqamada xun sida musuqa, eexda, khiyaanada.
* Inuu ka fogaado rabshada hurinta bulshada dhexdeeda iyo kala qaybinta umadda.
📈 Qorshayaasha Mustaqbalka iyo Caqabadaha taagan:
Waxaa qorshaha ku jira in lagu kordhiyo barnaamijka:
* Qayb ka mid ah Luuqadda Carabiga oo sii qoto dheer.
* Fanniga Axsaadiista (Qowlka Nabiga - SCW).
* Haddii ay suurtogal noqoto, in la helo Qayb Gabdho ah.
Caqabada ugu weyn ee haysata:
Waa in la helo Goob (dhisme) ku habboon intaas oo dhan oo loo baahan yahay in la dhiso, taasoo u baahan Dhaqaale xooggan.
📞 Nagusoo Biir oo qeeb ka noqo barnamijkan.
Haddii aad danaynaysid inaad nagala qaybqaadatid maalgelinta ama aad su'aalo ka qabtid, fadlan nagala soo xariir lambarada muuqalka la socda midkood ama fariin noo reeb.
#بئرالعلوم