12/09/2024
Waxyaabaha ubaahan odoroso waxaa kamid ah, Sidee bay Soomaalidu ku aqbaleen Dalal Dhul ka haysta inay u ogolaadaan Nabad ilaalin? Taasi soo k**a dhigna inaad aqbashay Dhulkii kaa maqnaa inay ayagu leeyihiin, diyaarna unoqoto kuwo kale in laguugu qabsado sida ay Ethiopia iyo Kenya sameeyeen dhawaanahaan oo ah Badihii laga celcelinayo!
YAA EEDDA LEH MA SOOMAALIDAA MISE SHISHEEYUHU?
In laga baxo Soomaalinimadu hadda may bilaaban kuwii ogolaaday keenay Dalalkaan Shisheeye ayaa gundhig u ah in Dadku is bedelaan, maantana la helo kuwo aaminsan Kenya iyo Ethiopia haddii ay baxdo in ay Haawiye ayagoo gala lamid tahay.
Cadow sharciyaysanaya Dhulkii h**e mid cusubna bislaysanaya ayaa gunta lasoo gishtay, welina lagama gaarin go'aan oo Dawladdu ayadaaba baqaysaa lamana yaqaan waxa ay sugayso, keliya waxey diraysaa fariimo warbaahineed, waxaan is weydiiyaa ayagu ma warbaahin baa mise waa kuwii loo igmaday shaqada inay ka qabtaan oo awoodda ay leeyihiin maba oga miyaa?!
Waxaan eedsanayaa Ciidamada Safka h**e kuwii Dalkaan keenay kana dhigay Nabad ilaalin inay yihiin kuwo Khayaano Qaran ka galay Waddankaan.
Waxaa gunnima ahayd in Madaxtooyada Soomaaliya Ethiopia cagta soo saarto, Kenyana Dhul Soomaaliyeed aan kuwii ay h**e u haystay ahayn iskeento.
Haddii la doonayo in la isa saxo, dhabbaha hadda waa in laga leexdaa, Ethiopia iyo Kenya waa in laga saaraa si degdeg Waddanka Ciidamadooda laguna wareejiyaa Ciidan Soomaali ah, la joojiyaa keenista Shisheeyaha.
Madaxweynaha ma yahay mid Ciidan dhisaya?
Hadaladiisi h**e iyo ficiladiisa dambe markaan isu geeyay waxaa ii soo baxay inuusanba ku baraarugsaneyn dhismaha Ciidanka Qaranka muhiimadda uu uleeyhaay Dawladnimada uuna ka doorbidayo Ciidamo beeleedyo la abaabulo iyo kuwo muddo kooban bilo ah la tababaro si gaar ahna loo adeegsado, taasoo keeni karin inay buuxiyaan shuruudaha sinnaanta iyo kuwo qaadi kara masuuliyadda dhexdhexaadnimada ah buuxin karana goobaha amni laga sugo.
Waxaad ka ogaan kartaa Dawlad doonaysa inay ismaamusho inay miisaaniyadda koror sanadla ah u dajiso Ciidamada iyo qalabkooda si ay u horumaraan taasi iskaba daaye waxaa arkaysaa ayagoo laga jarayo gunnadiiba, waxeyna kuu sii ifinaysaa halka loo socdo aan ahayn Dawladnimo caga dhigata balse nagu suj durkinaysa in Shisheeye nasii ilaaliyo, kuwaasoo keenaya Dhibta aan ka cabanayno oo ah in nalagu qabsado Dhulkeenii iyo Baddeenii.
Haddaan xalku gunta loo dhigin kuwa is qarinayana la faagin, kuwa hagal daacinayana la sheegin, indhahana la isaga dhufan xal ma dhawa.