01/05/2025
MAANTA OO KALE: 80 sano kahor, xilli ay ciidamadii Soviet-ka ku soo dhawaadeen godkii uu ku dhuumanayay Adolf Hitleer ee magaalada Berlin ayuu is dilay
Adolf Hitleer, hogaamiyihii xisbigii Naazi-gii Jarmalka, ayaa is dilay 30-kii April 1945 isagoo ku sugan god ciidan oo ku yaallay dhulka hoostiisa magaalada Berlin, halkaas oo uu ku qaatay guuldarrada ku dhacday,
xilli ay ciidamadii Midowgii Soofiyeeti ( the Soviet Union) ay si buuxda usoo galayeen magaalada Berlin
Xaaladdu siday ahayd ka hor isdilkiisa?
Hitleer wuxuu dareemayay in uu dagaalku dhammaaday, kadib markii ay ciidamadii Allied Forces kaga yimaadeen Galbeedka, halka kuwii Soviet-kuna ay uga yimaadeen Bariga
Berlin waxay ahayd bartilmaameedkii ugu dambeeyay ee dagaalka, waxaana magaalada ka socday dagaallo culus
Hitleer wuxuu markaas u arkayay in la qabto ama in la dilo inay tahay fadeexad wayn iyo dharbaaxo taariikhi ah, sidaas darteed wuxuu go’aansaday in uu noloshiisa soo afjaro
Sidee ayuu isku dilay!?
Hitleer iyo gacalisadiisii Eva Brauun ayaa is guursaday habeen ka hor isdil-kiisa.
Subaxii xigay 30-kii April 1945, Hitleer iyo aafadiisu waxay isla galeen qol, halkaas oo la rumeysan yahay inuu madaxa iska toogtay isaga oo isticmaalaya bastooladdiisa, halka Eva Brauun ay sun ku dhex cabtay qolka
Meydkooda waxaa lagu gubay bannaanka godka, si aysan ugu gacan-galin cadowgii kasoo horjeeday, maadaama ay ogaayeen maydadkooda oo la helo in ay noqonayso guul ay taariikhda baalkasta uga qoraan Allied Forces iyo The Soviet Union
Kadib dhimashadiisii maxaa dhacay?
Dagaalkii labaad ee Aduunka ayaa dhamaaday maalmo yar kadib dhimashadiisii, 8-da May 1945.
Sidoo kale Dhimashadii Hitleer waxay calaamad u ahayd dhamaadka hammigii Naazigii Jarmalka iyo in Jarmalka labo loo kala qaybiyay iyo nidaamka cusub ee Yurubta maanta
~Xigasho