Fahan-Suugaanta

Fahan-Suugaanta Halkani waa bog loogu talo galay horumarinta,lafo-gurka iyo tixraaca, Suugaanta, Afka iyo Dhaqanka.

26/07/2026

Gorfaynta gabay ka mida gabayadii abwaan Xaaji Aadan Axmed Af-qallooc ee ka hadlaayay Xornimada.
Barnaamijka Fahanka Suugaanta.

Nooleba waa dhintaa.Bahda Fahan-Suugaanta waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan xigtadii iyo umadda soomaaliye...
22/07/2026

Nooleba waa dhintaa.
Bahda Fahan-Suugaanta waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan xigtadii iyo umadda soomaaliyeed ee uu ka baxay abwaan Aadan Tarabi oo geeridiisa maanta la xaqiijiyay.

Waxa aan leenahay Ilaahay samir iyo Iimaan haka siiyo abwaanka. Waxa godgalay maanta af, dhaqan, iyo dhabar ay umaddu ku tiirsanayd.

Abwaanka waxa uu qayb laxaadleh ka qaatay horumarinta suugaanta, afka iyo dhaqanka intaba. Janadii ku led mar walba waxa aad ahaan doontaa mid dhaxalkiisii uu ka dhex muuqdo bulshada.

Allow naxariistaada ku soor.

Ereyda-furka gabayga "Daa'inow maxaa xigi" ee abwaan Ismaaciil Mire CilmiDiirnax = damqasho/TudhaaleXeebad = waxtar yarU...
19/07/2026

Ereyda-furka gabayga "Daa'inow maxaa xigi" ee abwaan Ismaaciil Mire Cilmi

Diirnax = damqasho/Tudhaale
Xeebad = waxtar yar
Uurka soo dabtay = caloosha wax isugu haya
Daayimow = Allow
Adduun dabadi = Aakhiru-samaan
Darmaanaha = geenyada yar
Digle = digtu waa qawdhanka u danbeeya ee nooluhu marku nafbaxayo sameeyo, laakiin halkan waxa uu uga jeedaa (qaylinaya)
Xamar-qaayib = nooc faraska ka mida
Diifta = daal iyo harraad daran
Dareeray = rawaxay
Qarash = lacag
Dooc = in aad arrin xog ka haysid laakiin halkan waxa uu uga jeedaa (wax yarna)
Duubi = cadka feedhaha laga dillaaciyo ama laga soo jaro
Duudka = dhabarka
Suurka = shayga qiyaamaha la afuufi doono
Daaldhaan = wax magarato

18/07/2026

Sidee abwaanadu xisaabta ugu curiyaan maansada marka ay rabaan?
Waxa aynu soo qaadan doonaa isugayn, kala-goyn, iyo isuqaybin.
Barnaamijka Fahanka suugaanta

Soo koobid dulucda gabayga "Daa'inow maxaa xigi" ee abwaan Ismaaciil Mire Cilmi.Ugu horrayn gabayga abwaanku waxa uu si ...
17/07/2026

Soo koobid dulucda gabayga "Daa'inow maxaa xigi" ee abwaan Ismaaciil Mire Cilmi.

Ugu horrayn gabayga abwaanku waxa uu si guud kaga warramayaa aakhiru-samaaanka iyo waxyaabo aanu h**e u arkin ama ay adkayd in la arko isla markaana abwaanku dareensanaa qaarkood ama badhkoodba uu la kulmay haddaba qodobadan oo gaadhaya lix qodob ayaa ah kuwan:

1. Abwaanku waxa uu ka hadlayaa dadka xigtada ah ee aan isu naxayn islajeerkaasna aan wax tudhaale ah ama waxtar yar isu galayn oo ay u kala dhaw yihiin dadka kale sidoo kale dadkan uurka wax isugu wada hayee adduunka ku soo badanaya ayuu carrab-dhabay. Waana mid maanta inugu badan meel walbana lagu arko walaw ay fogayd xilliga uu tiriyay gabayga.
2. Waxa uu tibaaxayaa ragga qaarkood oo dayacay masuuliyaddii ka saarnayd qoyskoodii islamarkaana masruufka iyo biilka ka suga ooridoodii taasoo uu ku tilmaamay duni gabaabsiya oo aanu h**e usoo joogin tahayna wax lala anfariiro iyo adduunyo gaddoon.
3. Abwaanku waxa uu ku xigsiiyay dumarka qaarkood oo dafiray nimankii masuuliyaddu ka saarnayd talo-qaadasho iyo arrinkeen midna laga waayay isagoo xusay inay yihiin kuwo u banbaxay helidda rag kale lacagtooda iyagoo aan nimankooda ka waayin wax masaariifa ama ay u baahnaayeen.
4. Sidoo kale arrinka liidashada lacagta oo aanay waxba kuu jarayn barakadana laga qaaday taasi oo ay waayadeed tahay sida aynu ka warqabno sixir-barar wixii aad iibsan lahayd aanad waxba la gaadhayn.
5. Inta waxa uu abwaanku ku daray maadaama aynu joogno adduunyo gabogabo ah in aan cidna loo daynayn hogguna ina hurran yahay isagoo si dadban inoo dareensiinaya inaynu xagga aakhiro laynoo wado waxaanu biniixinayaa haddii cid loo dayn lahaa daartan h**e in loo dayn lahaa nabi Aadan, Xaawo iyo dadkii dunidan yagoo korsaaran lagu korraysiiyay haddii ay yihiin nabiyo iyo saxaabadii janada loogu bushaareeyeyba, waxaan uu inoo caddeeyey in dhammaadka dunida iska cad yahay qof doqona iyo waxma-garatadu uun aanay garanayn waxaana uu Alle inooga baryay in marinka janada uu ina marinsiiyo naartana inaga hayo.

Ugu danbayn abwaanku qodob kasta oo uu xuso waxa uu ku qoofalayay in la joogo bar-dhammaadkii adduunka maadaama ay macno beeshay adduunyadu waxaanu uu uga gollahaa in adduunyadii gabaabsi joogto. Waxa uu raacinayaa maxaan ka danbayn doona oo ku xigi doona waxaa aanu aragnay? isagoo uga socda uun aakhiro xasuusin, sidii ay wax ahaan jireen iyo amakaag uu ka qaaday waxyaabaha dadkii h**e ka sarriigan jireen ee dadkani ku dhaqmayaan.

Waa kan gabaygii oo qoraal ahina:

• Dadka wada dhashay een lahayn diirnax iyo xeebad
• Labada uurka soo dabataye daacad kala wayday
• Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?

• Daaraha kiraysane gabdhaha lagu dembaysiiyo
• Oo biilka laga doonayaa waa darxumo wayne
• Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?

• Darmaanaha waraabaha digliyo daalacayo haadka
• Dameeraha la barisiinayiyo diiftan Xamar qaayib
• Daayimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane?

• Naagahan dafiray kii qabee diiday gurigooda
• Oo wada dareerayee nin kale doontay lacagtiisa
• Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?

• Qarshigaan dirsaday saaka ee dooc i tari waayey
• Ee duubka neef ariya iyo daasad bixi waayey
• Daayimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane?

• Hadday dunidu kheyr leedahay oo la isu daynaayo
• Dadkii Xaawo laga uumay iyo duudkii Nebi Aadan
• Derajada kuwii loo dhalaan laga dereersheene
• Seben-aakhir inuu daahir yahay suurna daba joogo
• Doqon iyo ninkii nacasa iyo daaldhaan garane
• Cadaabaha dabkoodiyo Allow naar ha nagu daadin

17/07/2026

Falanqayn gabayga "Daa'inow maxaa xigi" ee abwaan Ismaaciil mire Cilmi.
Barnaamijka Fahanka Suugaanta

16/07/2026

Fahan dulucda maahmaahyadan.
Barnaamijka Fahanka Suugaanta

16/07/2026

Waa laba tuduc oo uu kaga hadlaayay abwaan Axmed koorejaan marti-soorka iyo halka ay soomaali ka taagnayd waxaanu leeyahay:

haddii meel dad badani yaallo oo qof aniga igasoo ishaarto iina soo martiyo isagoo aniga naf isoo bidaya miyaan ugganbin karaa, darajo malaha aakhiro iyo adduunba bakhayl macnaha adduunkana waa ku ceebaysan yahay waana ku gacal la'yahay aakhirona waa unaar.

"Degmo idil dad meel yaal ninkii dux iga soo moodey
Dug maanaa ka odhan kara bakhayl derejo loo waaye.
Axmed Koorejaan"

Erey-bixin:
Dux = dufan halkan waxa uu uga jeedaa waxtar
Dug = ka dhicitaan/ ka gabbasho
Derejo = sharaf/wanaag/meelsarw

Waa maxay Af haddii la dhaho waxa ay warcelintu kusoo ururaysaa intan Yuusuf Shaacir ka yidhi ee ku jira maansadii "Ab-o...
15/07/2026

Waa maxay Af haddii la dhaho waxa ay warcelintu kusoo ururaysaa intan Yuusuf Shaacir ka yidhi ee ku jira maansadii "Ab-ogaa/Ay-garad" ee abwaan Yuusuf Shaacir .
Marka u horraysa abwaanku waxa uu ku qeexay in afku yahay mid adduunka isu oggolaada isla markaana isu fura si ay uwada xidhiidhaan, in uu yahay kan xambaarsan aqoonta iyo cilmiga bulshada sidoo kalena uu yahay kan u oggolaada in qalinku uu wax ka qoro aqoonta, in uu yahay afku kan sida dhaqanka, caadooyinka iyo soo jireenada ay umadi leedahay.
Waxaana uu yidhi:
"Adduunyada af baa fura
Aqoontana af baa qora
Dhaqankana af baa sida".

Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii la rabo in wax laga ogaado wax tagay in la badho taariikh h**e in afku yahay laf-dhabarta iyo tiirka ay ku taagan tahay arrinkaasi, si loo ogaado umado in afkoodu yahay aqalka laga helayo wax walba umaddaa ku saabsan .
Waxaana uu yidhi:
"Aasaarta duuggiyo
Taariikhda aadmiga
Afku udub-dhexaadiyo
Aqalkooda weeyaan".

Waxa kale oo uu inoogu daray in dadyawga laga eego hankooda halka uu afkoodu yaallo taas oo u dhigan in haddii ummad afkoodu silicsan yahay inaanay ummaddaasi aanay ahayn ummad leh han iyo himilo sare, ilbaxnimadooduna aanay sii waarayn walibana ubadkana ay u tahay asluub, anshax iyo door dhaqan isla jeerkaasna raandhiis iyo raasamaal ay ku intifaacaan uu u yahay.
Waxa uu yidhi:
"Ummaddana hankeediyo
Ilbaxeeda weeyaan
Ubadkana asluubtiyo
Aayahooda weeyaan".

Aan kusoo gunaanadee waxa uu inoo sheegay oo ay tahayba wax dad laga dhaxlo in afku uu yahay waxa ugu sarreeya, uguna korreeya maadaama ay ku duugan yahay
Anshaxii, kartidii, aqoontii iyo wacyigii ay umaddaasi lahaan jirtay iyo dardaarankii ay uga tageen dhallaankooda.
Waxaana uu yidhi:
"Dhaxalkii awoowgiyo
Isirkana af baw mudan".

Bal idin kaan idiin dhiibee qeexitaan ka wacan oo Af lagu qeexi lahaa miyuu jiraa?

Fg: labada tuduc ee uddanbeeya iminka anaa uddanbaysiiyay laakiin meelaha dhexay kaga jiraan maansada.

15/07/2026

Maahmaah saddexley ah oo aan idin soo waydiiyay oo aanay cidina ka soo warcelin bal aan furfuro.

Adhigu saddex buu kugu dilaa
Xayn ha ahaado
Xaas aad noqotid
Xigaalna hakugu martiyo

Yacnii adhigu waxa uu ugu daran yahay oo xaaladduu aanay ku wacnayn inay saddexdan arrini isu kaa raacaan ama mar kugu kulmaan.

1. Xayn ha ahaado Xaynta waxa la dhahaa 50 adhiga ka yar markaa ad buu u yar yahay ayaa looga jeedaa xaaladdaa

2. Xaas aad noqotid : reerka carruurta badan ayaa la dhahaa xaas oo halkana looga jeedaa oo carruur badan aad haystaan maxa yeelay dhiiqdiisa iyo dhashiisuba idinkuma filna

3. Xigaalna hakugu martiyo : xigaalka waxa la dhahaa wixii kasoo hadha xididka ee aad wax isku tihiin ama isku hayb tihiin

Fg: xaaska : gabadha la qabona waa la dhahaa laakiin halkan loogama jeedo

Adresse

17'Rue De Chemin De Fer
Lampertheim
67450

Site Web

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Fahan-Suugaanta publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Raccourcis

Partager