Fahan-Suugaanta

Fahan-Suugaanta Halkani waa bog loogu talo galay horumarinta,lafo-gurka iyo tixraaca, Suugaanta, Afka iyo Dhaqanka.

03/09/2026

Gorfaynta Qaybtii danbe ee maansadii "Gurmad" ee abwaan Gaarriye.
Barnaamijka Fahanka Suugaanta

Soo koobid dulucda gabayga "Xiin finiin" ee abwaan Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. si guud gabaygani waa warcelin ku saabs...
27/08/2026

Soo koobid dulucda gabayga "Xiin finiin" ee abwaan Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

si guud gabaygani waa warcelin ku saabsan nin abwaanka waydiistay faras uu aad u jeclaa isla jeerkaana aanu rabin inuu bixiyo kaasi oo calmaday faraskaas Xiin finiin la odhan jiray ka dib markii rag ay Sayidka is hayeen kusoo direen iyagoo raba inay isku diraan sayidka iyo ninkaa faraska waydiistay oo uu inan ka qabay.

Haddaba abwaanku waxa uu ninkii isu raaciyay gabaygan iyo faraskii uu rabay. Abwaanku waxa uu u sheegayaa ninkaa xushmadda iyo qaddarinta uu u hayo isagoo Sayidku isku tilmaamay marka h**eba inuu ahaa nin gobonimo badan balse uu isaga si gaara u xurmayn jiray wax walbana uu la jeclaa inuu u dhammaystiro haddii ay tahay yarad, haddii ay tahay waxsiin xigaal, mid xididnimo iyo mid kaleba. Balse waxa uu tilmaamayaa inaanu ka filayn halkaa uu taabtay oo ah inuu waydiisto faraskaa uu aadka u jeclaa Sayidku ee Xiin finiin, isagoo hoosta ka xarriiqay inaanu cid dunida korsaaran siiyeen haddii wax waliba dhacaan maadaama neefkani uu ahaa mid uu jacayl gaara u qabay hawlo badan oo ay ka mid yihiin dagaalo, safarro, sahamin, in wixii laga dhaco uu kusoo ceshto iyo qaar kaloo badana uu ku qaban lahaa.

Waxa uu tilmaamayaa in faraskan diinta Alle mooyee wixii kaloo dhan uu ka dooran lahaa tanoo muujinaysa heerka uu faraskaasi u joogay. Waxaana uu ku darayaa in uu dareensan yahay in dhabarka laga soo daabtay oo gacan kale ay dhexdooda ku jirto taasina ay keentay inuu faraskaa xusho.

Ugu danbayn waxa uu gudagalayaa guddoonsiin iyo inuu faraskii soo wareejiyay sidaana uu ku haysto faraskii uu calmaday ciddii uu usoo dirayna ay u keeni doonto isagoo iska fogaynaya in haddii faraskaa uu quudhi waayo in lagu canaanto ama lagu caayo. Waxaana uu kula dardaarmayaa inuu faraskaasi yahay mid noolaha kale uga duwan cid aan isaga ahayna aanu siin lahayn haddii wax waliba dhacaan, balse mar haddii isaga oo ah suldaan ay xididnimo iyo xigaalnimo isku leeyihiin uu sidaa awgeed kusiiyay maanta laga bilaabona uu isagu xoolaystay.

Gabayguna waa kan:

Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye
Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyahayne
Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye
Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye
Xaddigii adduunyada haddaad, xoolo iga dooni
Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye
Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane
Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye
Markaad Xiin Finiin damacday baan, kaa xanuunsadaye
Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye
Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye
Nin kalaan xafiilaba adaan, xayda kaa rogaye
Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto
Xayow iyo qayuumeey haddii, la igu xoodaansho
Xubigayga kuma hayn inaan, xiisow bixiyaaye
Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone
Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag
Xaggii loo eryaba waa gammaan, xulashadiisiye
Xubna toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e
Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabanne
Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere
Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule
Isagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge
Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe
Xayskaa da’aayaan lahaa, Xallin ka dooyeeye
Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye
Meesha iyo xeebtaan lahaa, xiito ka eryoode
Xujey-reebta Reer Hagar anoon, xabashyadii ruubin
Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan
Xaaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf laga yeelin
Xiddaysane ma dhiibeen anoon, xaaladday bogane
Xaaraami unbaa arlada, xula abidkiise
Wax unbay xushleeyaan sidii, Xabashi Iidoore
Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane
Xaashaa Lillaahiye nin gob ah, xamasho waw ceebe
Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne
Intii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye
Aduu galabta kuu xoolo yahay, Xamarkii dheeraaye
Waa Xiin Finiin neefka aad, xadhigga haysaaye
Xayawaanka oo idil naftey, kala xaroodaane
Mar hadduu suldaan igu xil lihi, igaga xayddaabtay
Xadhiggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.

25/08/2026

Falanqaynta maansada "Gurmad" ee abwaan Gaarriye.
Qaybtii 1aad.
Barnaamijka Fahanka Suugaanta.

19/08/2026

Falanqaynta gabayga "Xiin-finiin" ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Barnaamijka Fahanka Suugaanta.

Soo koobid dulucda gabayga "Waano" ee abwaan Salaan Carrabey.Si guud abwaanku waxa uu gabayga kaga warramayaa geerida iy...
15/08/2026

Soo koobid dulucda gabayga "Waano" ee abwaan Salaan Carrabey.

Si guud abwaanku waxa uu gabayga kaga warramayaa geerida iyo waxyaabaha ay u baahan tahay in lagaga gaashaanto si loo liibaano, isaga oo ka tiriyay sida la sheegay markii uu Allaystay mid kamida inamadiisii.

Ugu horrayn abwaanku waxa uu ka hadlayaa inuu adduunku iska yahay mid dhibaato usaaxiiba isla markaana ay murugo soo wajahday geeridaa wiilkiisa dartii isagoo sheegaya in uu isba naftiisa u baqayo maadaama oo laftigiisuba dhimanayo waxaana uu u gudo galayaa dad soo jireen ahaa oo iyaba malakul-mawdku gabawaray waxa uuna tusaale usoo qaadanayaa Fircoon oo jeclaa inuu waligii waaro laakiin la qarqiyay. Waxa kale oo uu soo qaadanayaa qaybo kamida nabiyadii sida nabi Aadan iyo suubbanaheenii Muxammad (NNKH) taasoo uu sarbeebayo in haddii cid la dayn lahaa ay yagu mudnaan lahaayeen in la baajiyo geeridooda.

Abwaanku waxa uu ina xasuusinayaa wax walba oo arrinka geerida ku saabsan taasoo ay ehlu-diinku intaa inoo sheegayaan balse uu shaydaan ina rartay oo aynaa dhag-jalaq usiinayn.

Intaa ka dib waxa uu ku dheeraanayaa waxa uu rajaynayo isagoo dhanna cabsi qaba dhanna rajaynaya inuu Alle u fudeedeeyo hawlaha aakhiro tuugayana rabbigii, waxaana uu dul istaagayaa waxyaabaha qiyaamaha la arki doono iyo hawlaha xisaab qaadka ee Alle.

Ugu danban waxa uu kusoo gabagabaynaya mar haddii xaal uu sidaa yahay inuu ku dadaalo aakhiro iyo cibaado uu Waynaha la hortago inta u hadhay ammaanada.

Waa kan gabaygii oo qoraal ahina:-

"
1. Cabdiyow wadeeciyo adduun way ka bixi waaye
2. walbahaarka waan kula qabaa wahanna ii dheere
3. aniguba wax badan baan laqwiyay waalli iyo qooqe
4. Fircoonkii wasiilada janada waadiyada jeexday
5. waarsiino abaduu jeclaa waase noloshiiye
6. rag kalaa waraytada ugu hadhay waxaddii xoolaade.

7. Wedku k**a ajoon Nabiyadii inaga weynaaye
8. nafle Aadan k**a wiil badnayn waana kii dilay
9. waxyi looma soo rogin Jibriil waagii dabadeede.
10. Hal la wariyo shiikh iyo wadaad waracadii diinta
11. culimadu warkay sheegtay iyo waanadaa dhabahe
12. wacdi nooma laabnee naftaa walaftay shaydaane.

13. Wajaq cudur warraaq meleg haddaan wilif idhaah caawa
14. isaguba khalqiga waw wakiil aan waqiis nixine
15. waji qadab leh weedh kulul hadduu xaqa I waydiiyo
16. Eebbow walaacaan qabiyo waali-nimadaada
17. waayaha I haystiyo dambiga weelasha I buuxshay
18. wannakiirka geerida godakaan weyd ka khoof ahaye.
19. Horay werenweryadu noogu timi waaqladuu yahaye
20. waxshigii qubuuraha intaad nooga wehel yeesho
21. Eebow waclada haygu gubin waaqidka cadaabta.

22. Maantaan waxuushtuna maqnayn waxad intaad uuntay
23. ee uunku wada waaqif yahay wacadka meecaadka
24. gaalada wabiinka ah haddii loo waddiyo naarta
25. Muslim inuu ku wiirsado adaa wacay dharaartaase
26. wastina ma laha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaaye
27. miisaanka inaan waafi iman waazinka xisaabta
28. aan waladul-khayr noqon haddii weyne iga yeelo
29. iyo inaan wallaabida ku dhici wayluntiyo hooga
30. weecaanta Khaatumo waxay noqon waraaqdaydu
31. waafaqada jeer aan hubsado waan warwarayaaye
32. warna ma hayo gees ay arrini ii wacaal bixine.

33. marka inaan naftayda u walgamo aakhiraa wacane
34. waslad maniya baan ahay asaan woofin cahadkiiye
35. waanwaanta nololeed intaan sido waxoogaaga
36. wadadii xajkii iyo intaan Wadan ka gaadhaayo
37. weysaysi baa ila gudboon wuduu' salaadeede
38. Wakhtigaa maan tukado geeridaa wajiboo xigiye"

13/08/2026

Qaybtii danbe falanqaynta gabayga "Waano" ee abwaan Salaan Carrabey.
Barnaamijka Fahanka Suugaanta.

11/08/2026

Falanqaynta gabayga "Waano" ee abwaan Salaan Carrabey.
Qaybtii 1aad.
Barnaamijka Fahanka Suugaanta.

Soo koobid dulucda gabayga "Likaaco" ee abwaan Qaryaan Dhoodaan.Ugu horrayn abwaanku waxa uu gabaygan si guud kaga hadla...
04/08/2026

Soo koobid dulucda gabayga "Likaaco" ee abwaan Qaryaan Dhoodaan.

Ugu horrayn abwaanku waxa uu gabaygan si guud kaga hadlayaa wax yaabo uu saluugsanaa oo ahaa jabahadihii xornimo udagaalanka NFD iyo Soomaali galbeed oo aan siday ahayd loo garab galin xilligii toddobaatameeyadii se isla iyagii la isku dayayay in la boqmo gooyo.

Gabaygan oo ka kooban saddex qaybood ayaa kala ah:

1. waxa uu gabaygiisa ku ibo-furayaa lafo-gurka dabeeacadaha aadmiga isagoo qeexaya sida ay dadku kibirka uga qaadaan marka ay in nolosha adduun ah hantaan. Waxaana uu tilmaamayaa sida xaaladaha adduunku u tahay mid maalinba qof laga hirqiyo halka mid kalena uu haawanayo isagoo ku daray inay tahay mid is baddalo badan oo marba dhinac laga dhargo. Intaa ka dib waxa uu u dhaadhacayaa falsafad aad u culus oo isku dahaadhan taasi oo ah labo isku ladhan iskuna hoos jira, waxaana uu biniixinayaa sida uu dareemayo, sida oo kale uu dareemo qof kasta oo ciishooda awood uu ku ciil baxona waaya waxaana ka mid ah: in qofku yahay mid laxaadkiisu dhan yahay haddan la moodo inuu kala dhantaalan yahay cadho daraardeed, in qofku garaad ahaan uu dhammaystiran yahay haddana se aanu go'aano culculus gaadhin karin tan oo aynu badankeenu aragnay in qofku marku cadhaysan yahay go'aanadiisu aanay hirgalin ama wax kasoo noqdaan, cunto xumo cadho daraadeed aanu wax nafle quudanayn, itaal darro ka dhalatay cadhada ku gadhoodhay iyo madluunimo. Sidoo kale falsafadda kale ee ku dhex jirta waxa weeye: in dawladdii soomaaliya ay lahayd awood ay ku xorayso dadkii Soomaali galbeed iyo NFD balse hagrasho jirtay, awood ahaan inay buuxday waxna aanay kusoo kordhinayn.

2. Intaa ka dib waxa uu u dhaadhacayaa soomaalidu sida ay u hagaasiso qofkeeda wax ku oolka ah, waxaana uu gudo galayaa in hadba qofka dadka majaraha u haya uu noqdo mid kaligii duul ah oo dharag iyo dheefba isku kooba dadka kalena uu cawri gaf uun kusoo taago xilliyo kooban.

3. Waxaana uu kusoo gabagabaynaa wixii uu tirsanaayay oo markaa ahaa in loo garab gorayaynaayay in Itoobiya loo gacan galiyo loona soo maro heshiisyo jabhadahaas NFD isagoo sheegaya inuu waxaas oo dhan dhaaddan yahay ee laga daayo.

Waana kan gabaygii oo dhammaystiran:-

Aadmiga hawaa lagu larbee, waxa u laacaaya
× Kolba libinta qaar Eebahay, waa u liilgaline
× Qofna lurkiyo ciilkaa bartoo, luun afkaw mariye
× Ragse laqan fariiduu noqdaa, amase waa liide
× Ana labada cayn kuma jiree, laan badhaan ahaye

× Nimaan luggi jabnayn baan ahiyo, xoogga lawyadu e
× Hayeeshee laxaad kuma socdee, laangadhaan ahaye

× Madaxiyo laabtay fayow, oo xiskay ladane
× Waxse kuma lilloobaane, waan garasho liitaaye

× Loog k**a qadoo dheefta, ways kaga ladaabtaaye
× Waxaanse luumanayaa majiro, amaan liqaayaaye

× Anoon lag iyo darib quudanayn, subagna leefaynin
× Nin ladaadyo qabataan ahoo, laqanyo haysaaye

× Ma laafaalugdo xoolohoo, waan lexejeclaystaaye
× Anunbaa kuwaygana lunshoo, loofar baan ahaye

× Dadka sidii libaax dhiidhiyaan, wadar u laayaaye
× Hadbase kaanu wada looltanaa, way lagdahayaaye

× Soomaaliyaay liciif baad ka dhigi, laqan ahaantiiye
× Lac midka u yidhaa ceelashee, laaska dhurayaaba
× Ligligiyo wadaamaha kaluu, gadawga laacaaye
× Oo maax lo'yowga u dhurraa, ama laxdiisiiye
× Oo ladaabsi dhaankana xareed, ligica siiyaaye
× Taydana ma liibaanahaa, laayacaa helaye

× Waxba liiga tagay yuu sarmaan, ii ladqabatayne
× Amase yayna lii-liijin say, noo lingaxayeene
× Loolida qarsoon tuug rasaas, nagaga liishaanye
× Waxba liigii tagay yuu sarmaan, noo ladqabatayne
× Likaacadan horteed baan ogaa, leebbabkay mudaye

Fahan-Suugaanta

03/08/2026

Falanqaynta gabayga "Likaaco" ee abwaan Dhoodaan.
Barnaamijka Fahanka Suugaanta

Soo koobid dulucda gabayga "Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane". Ee abwaan Cabdilaahi suldaan TimacaddeGabaygan...
30/07/2026

Soo koobid dulucda gabayga "Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane". Ee abwaan Cabdilaahi suldaan Timacadde

Gabaygan abwaanku waxa uu si qumman ugaga hadlayaa dhibaatada iyo dhabar-jabinta ay qabyaaladu ku hayso soomaalida.

Ugu horrayn hogatusaalaynta araarta abwaanku waxa uu ina tusinayaa qofka aan gabayga aqoon inuu yahay sida qofka aan faraska aqoon oo kale isagoo aanay gacantu u fadhiyin inuu is dhibayo isla markaana uu faraska la baqo cagagariir iyo karkayridna uu sameeyo, isla markaana si aan habboonayn u wado faraska sidaa si le'eg ayuu sheegayaa inuu yahay qofka aan maansa curintiisu tisqaadin isaguna.

Abwaanku waxa uu u galayaa hagardaamada iyo haydaarta ay ku halligtay qabyaaladdu iyo isduudsigu dadkeena isagoo inoo bidhaaminaya sida aynu gacanteena isugu xaraynayno inagoo aan waxba isu reebayn waxaana . Sidoo kalena in cadawgu kansho inaga helayo maadaama aynu isku foogganahay haldoorkeenana liciifinayno

Waxa uu ina xasuusinayaa in darajada Alle bixiyo isla jeerkaana haddaad rabtid magac sare iyo Mawle oo ku sarraysiiya ama ku mariya meel wacan inay ku xidhan tahay Alle ka cabsi sida uu Eebbe quraankiisa inoogu tilmaamay. Waxa intaa raaca in laynta dadkan islaamka ah ee aan waxba galabsan ay inugu aroorinayso naarta xaabo ahaana laynoogu shididoono.

Ugu danbayn waxa uu kusoo gabagabeeyey in haddii aynaan joojin dilka iyo dooxidda aynu isku wadno aynaan waligeen kob-caleen leh kasoo durdurinayn murug iyo mashaqona ina hurran tahay. Taana waxa marag ka ah maanta oo aynu joogno ilaa xilligaa abwaanku gabayga tiriyay waynagaa ka dhaqaaqi la' ee sidii ah.

Cabdullahi Suldaan Tima-cadde

gabay dugsi ma leh qabyaaladi Waxay Dumiso Mooye

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye

Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede

Inkastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso

Dibnahaagu shaygay bartaan waad ku dayataaye

Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin

Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo

Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo

Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo

Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa

Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye

Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin

Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade

Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago

Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiray

Waxaan gabayga deelkiyo laftiyo diirka uga qaaday

Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye

Soomaaliyey dayaya wanaag idinka doorsoonye

Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda

Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa

Degmadeena oo idil haddaan dayey abwaankeeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waayo

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix dhagaxeede

Anuunbaa danqanayee dhaguhu uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dafoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii h**e usoo daashaday bay degashanaysaay

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheed

Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiis

Dadka k**a yaraateene ways dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa dadaye

Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e

Ninka duday distoorkiyo waxyiga diinta ka carrowy

Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaantiyo dilkiyo daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe

Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey

Dabac-yaa lahaayay intaynu isu dooxayno

Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna

Kollaba doogsan maysaan intaad dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

Adresse

17'Rue De Chemin De Fer
Lampertheim
67450

Site Web

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Fahan-Suugaanta publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Raccourcis

Partager

Catégorie