Amiir saab

Amiir saab Hal abur Amiir saab

Maanso: Dadaal• Ma tihid dogob taagan meel• Ma tihid dhaandhaan la duray• Dubaaqaaguna ma dhiban• Waxaad tahay dirac jir...
31/05/2022

Maanso: Dadaal

• Ma tihid dogob taagan meel
• Ma tihid dhaandhaan la duray
• Dubaaqaaguna ma dhiban
• Waxaad tahay dirac jiree
• Dabbaal adigoon ahayn
• Adigu hays dooradsiin

• Da'daadu intay jirtiyo
• Dorraato intaad ahayd
• Diraac adigoon ka tegin
• Haddaanad dareemahayn
• Allow dawadaada curi

• Ogow dukhsigaa yarbaa
• Nijaas ku dabbaasha oo
• Dantiisa ka raadiyee
• Ahow ruux dahaba oo
• Hawshiisa u daacadoo
• Dulsaar aan loo malayn

• Dabuub h**e waata tidhi
• Dantaa bani aadamow
• Darteed baa loo dhaxaa

• Dadaalbaa lagadhaxlaa
• Diktoor iyo ruux jiroo
• Qofaan soo daalinbaa
• Hadhowto dullaysma oo
• Yaraan waxad daabacdeed
• Garaadka ku duubtaybaa
• Waynida rays lagu dagaa

• Ragbaa dayaxaa jiroo
• Aqoomaha soo darsee
• Filkaagu intuu darsado
• Adigu waad dayi kartaa

• Wakhtigu wuu duulayaa
• Malaha ruux darawaloo
• Ka daala dabeed hakiya
• Dareen ama mooganow
• Daqiiqadda ka tagtaa
• Dib kuuma haleelaysee
• Doqoni qiiq k**a kacdee
• Hadmaad duni gaadhaysaa

• Haddaad dafirtood nacdiyo
• Haddaad runta daysataba
• Dunida saddexaad gashee
• Hadmaad tolow diiraysaa

• Dunidu waa galab carrow
• Dadkii h**e uu ka tegay
• Dariiq weeyaan nafluhu
• Dhammaanays daba socdaan
• Deegaanbaa jira kaloo
• Mar uu nooluhu degee
• Wedkii aabahaa dilee
• Xabaalaha shalay ku daray
• Adiga kuma deynayee
• Digtoonida hoy ogoow!

• Dayaca iska dhowr ninow
• Duliiga iska tuur maruun
• Dadaal qayrkaana gaadh
• Guulaystuhu waa damcaha
• Dirays gaarana malee
• Adiga dabar kuma hayee
• Ducada eebbena ogow .

12/05/2022

Cidaan ahaa shalay
Caawana waan ahaye
Caashaqii an abuuray
Cindiga k**a suulne
Carfooney ila daadih

30/12/2021
Adigoo qamuumiyooda Qaska kugu abuurmaaKuu qorsheeyn aar gudo Baro tamartaada qaaligaOo ruux lagu qasaarshaaHadii uu qof...
26/11/2021

Adigoo qamuumiyooda
Qaska kugu abuurmaa
Kuu qorsheeyn aar gudo
Baro tamartaada qaaliga
Oo ruux lagu qasaarshaa

Hadii uu qof nabarada
Kugu jiido qoon adaga
Adigoon u qoosheeyn
Sunta qeybo fara badan
Qaaradaada nolashiyo
Haka baxo qalbiga weyn

Dhaxaa qof been badan
Runtu qorrax ku noqotee
Ku qabeeyso hadal saxa
Oo dhaaf qiyaaliga
Dadka qaar jacleystaan

Kuwa qubay kalsoonidu
Kuma qanac sanaadaan
Kuwa qaba kalsoonida

Waanay qiiro badantahay
Fikrad uu nin xuni qoray
Ood qadan weeydaa
Kolka aay kuu qeexdee
Qarda jeex ku moodee
Baro qaabka aadmiga
Qosol looga socon karo

Cida qaran jabkaagiyo
Guuldaradaada ku qanacdaa
Waxay toos u qireeysaa
Inaad qiimo dheertahay

Ha yeeshe qiyaastii
Qoto dhaawacooduna
Hadba waa quweyntiyo
Quruxdaada guushee
Ku qas boodhka ruux nacay
Inaad qaayo leedahay

By

-
s@

31/08/2021

NIMO

=Haduu jiro ruux isheeyda
Araga cajabiya xageyga
Intaan ku asteeyo laabta
Ayaan ooftiyo jidhkeeyga
Adhaxda sugilaha dhankeeyga

Majiro ruux ayahayga
An doortoon hayin karaayo
Inaan arko rux goglaaya
Galgacal wada uruurinaaya
Anaaban jacleyn jacaylka
Inaan ku ilbaxo godkiisa

Ilduufka waxan ka baantay
Nafteyda markaan u eegay
Iney kali nimo ahaato
Ma doonayo oohintiisa
Qof an geysanin dhib oogan
Inaan sii yara nuglaado
Waxan ka dardaarmay uurka
Inaan ruxdeeyda ciilo
Barana caashaqa warkiisa
Waxan uga digay kal aayar

Ilayska an daarto waa mid
Midkana ma iftiimin karo

Ubaxa aan beerto waa mid
midkana anigaa xanbaarta
Intaan ruux kale u geeyo
Ma siiyo naftiisa exsan
Albaabada waan xanibay
Qofnaba inuu soo galiyo
Wandiiday iinsaanka badi


-s@

11/08/2021

Nama khaayoof okkolu
Gawaan naafa Saha!

Qof hadafloo dhuttiya
Doqonbaa curryaan mooda

27/06/2021

Dirqama jiruutii
Siraa na fageyse

Silaa nàaf hubatee
Hangaan dararamee
Na dhiifte hindeemtu
Guyaa tokoofilee

Samaalif dagatee
Wan gaafas naan jatte
Nu adaan hinbaanu
Dutii dhuftu malee

San hundaahu gante
Diree na darbitee

Sa maalin si godhe
An tanaa na dhube

Mee maaf hin yadane
Kan dagachun taanee
Namnii hundi laale
Kan seenaan galmeyse

Erga wal arganee
Kan waliif kakanee
Kobaa walin dhiifnuu
Jannee ballamanee

An gaafan si dhabee
Amanuun dadhabee
Baaye na dhukuubuus
An humna niin dhabe

Si deebisuu yaaluus
Kobaakoo meeradhee
Halkaniifii guyaas
Bayeen tattaafadhe
Siitu naan hubannee

Markaan socodka so galayQaladaan mar un falayNolasheyda muxuu laaqayQofkaan miciinka ka doonayMuxuu cidlo iigu tuurayQof...
23/05/2021

Markaan socodka so galay
Qaladaan mar un falay
Nolasheyda muxuu laaqay

Qofkaan miciinka ka doonay
Muxuu cidlo iigu tuuray
Qofkaan abid ku taamayay
Miyuu Sahaydeeydii ba'shay

Murugtu markeey badnaatay
Miciin la 'an weey cuslaatay
Xusuusta maxaa masaxay
Wanaagi nacayb muquurshay

Waxan haystay markan waayay
Waxan ku mashquulay wax tagay
Meel walbaan farxad ka waayay
Rabbigeeyse wan tala saartay

05/03/2021

Maal taate namakoo
Maaltu si boochisa
Guyaa jimataatin
Maltu si jabaate

Obsaantu furmaata
Harka hin kaniin nabs
ni dabartii rooroon

Address

Teji

Telephone

+251939625803

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Amiir saab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share