19/05/2026
Kulmiye Institute of English and Technology.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Dugsiga Kulmiye ee toddobaadkan ka qalin-badalanaysa waxbarashadooda, iyo sidoo kale waalidiintii dadaalka, sabirka, iyo garab istaagga joogtada ah la garab taagnaa ubadkooda.
Munaasabaddan qiimaha badan waxay astaan u tahay dadaal, adkaysi, iyo guul la gaaray.
Waxaan rajaynaynaa in ardaydeennu mustaqbal ifaya yeeshaan, aqoontoodana uga faaโiideeyaan bulshada iyo dalkooda.
Hambalyo gaar ah dhammaan qalin-jabiyeyaasha iyo waalidiintooda. Alle ha idiin barakeeyo guushan, hana idiin fududeeyo heerarka xiga ee nolosha iyo waxbarashada.
Maamulka iyo Macaliminta Mac'hadka kulmiye.