27/05/2026
Eid Mubarak to all Muslims around the world
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from الجامعة الإسلامية في جكجكا - islamic University of Jigjiga, College & University, jijiga, Jijiga.
Jaamacadda islaamiga ah ee Jigjiga Waxaa Ku Bahoobay #Aqoonyahaano u Dhashay Deegaanka oo Kasoo Baxay Jaamacadaha #Caalamiga ah.
🏢 Goobta : Xaafada Garabcase - Dhabarka Dambe ee Hotelka Garabcase - Jigjiga
☎️ 0966007733 / 0915534620
27/05/2026
Eid Mubarak to all Muslims around the world
26/05/2026
Ciid Mubarak dhamaan dad-waynaha Muslimiinta
Booqashadii ay ku yimaadeen jaamacadda islaamiga ah ee jigjiga
Waftigii Kasoo kicitamay Dalka Somalia
Wacxaana kalimo baaq ah ka jeediyay jaamacadda
Dr.cali dheere
26/05/2026
24/05/2026
Wafti culus oo ka socday dalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho sharaf leh ku yimid Jaamacadda Islaamiga ah ee magaalada Jigjiga. Waftigan oo ay kamid ahaayeen
Wasiir Faarax,
Dr. Calidheere iyo
Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow
ayaa kulan dhiirina gelin ah la qaatay Ardayda jaamacadda.
Masuuliyiintan ayaa Ardayda ku booriyay inay ka faa’iidaystaan fursadda waxbarasho ee ay haystaan, iyagoo sheegay in furaha mustaqbalkoodu uu maanta gacantooda ku jiro.
Dhanka kale, waftiga waxaa xafiiska madaxwaynaha ku soo dhaweeyay qaar kamid ah madaxda sare ee Jaamacadda Islaamiga ah ee Jigjiga, iyagoo si diiran u qaabilay martida.
Jaamacaddu waxay noqotay hoyga riyada iyo rajada dhalinyarada, iyadoo u furtay waddooyin guul iyo horumar leh.
Waa meel uu ka bilowdo iftiinka aqoontu, kana hanaqaado mustaqbal ifaya.
الجامعة الإسلامية في جكجكا - islamic University of Jigjiga
Jaamacad islaami ah oo Dadku wada ma hadiyeen
الجامعة الإسلامية في جكجكا - islamic University of Jigjiga
Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayay Ardaydii Cusbayd ee Jaamacadda Islaamiga ah ee Jigjiga
Masraxa waxaa kahadlay qaar kamid ah maamulka iyo macalimiinta jaamacadda, kuwaas oo si diiran usoo dhaweeyay Ardayda Cusub kuna dhiirigeliyay dadaal, anshax iyo horumar waxbarasho.
Xafladdu waxay kusoo dhammaatay jawi farxad iyo isbarasho leh.
Sayid Wali oo kamid ah masuuliyiinta Jaamacadda Islaamiga ah ee Jigjiga ayaa duco iyo mahadnaq udiray dhammaan bulshada muxsiniinta ah ee garab istaagan jaamacadda.
Wuxuuna si gaar ah ugu duceeyay qurba joogta ku nool Gobolka Scotland, gaar ahaan Casimaddiisa Glasgow.
Sayidku wuxuu Allah uga baryay inuu ka abaalmariyo taageerada iyo dadaalka ay la garab taagan yihiin jaamacadda.
Waa Kulankii ka qabsoomay Nairobi - Kenya, oo lagu Taageerayay Jamacadda Islamiga ah ee Caasimadda Dawlad Deegaanka ee Jigjiga
Waxaa xafiiskiisa si diiran ugu soo dhaweeyay madax-waynaha Jaamacadda Islaamiga ah ee Jigjiga iyo qaar kamid ah masuuliyiinta ugu sarreeya jaamacadda, wafti uu hoggaaminayo Suldaan Mustafe Suldaan Biixi oo kasoo kicitimay dalka Ingiriiska.
Waftigan ayaa kormeer guud ku sameeyay goobaha ay waxbarashadu ka socoto iyo mashruuca ballaadhan ee dhismaha jaamacadda, iyagoo bogaadiyay horumarka iyo dadaalka muuqda ee halkaasi ka socda.
Masuuliyiinta jaamacadda iyo waftiguba waxay si wadajir ah uga hadleen muhiimadda ay leedahay taageerada waxbarashada iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Waana kan hadalkoodii