Abwaan mohamoud mohamed fidin iyo Gabaygii hasha
A Dayib Ali Ahmed
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from A Dayib Ali Ahmed, Kabridahare, Jijiga.
22/01/2024
Maalinta afka hooyo 21-janaayo.
Waxaa laga joogaa 52 sano markii la qoray farta afkeena hooyo, wixii 1972 ka horeeyay waxaa lagu wada xidhiidhi jiray oo wax laysugu qori jiray afaf qalaad ama sugaan, waloow ay jireen rag somaaliyeed oo isku dayay inay qoraan farta soomali si loogu wada xidhiidho ragaas waxaa kamid ahaa AHUN Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo xukumayay hobyo.
Waxaan idinla wadaagayaa sooyaalka qoraalka farta soomaaliga oo aan kasoo xigtay meelo kala duwan, xaga danbe ee qoraalkana waxaan idinkula wadaagayaa xaalada uu maanta ku suganyahay afkeenu iyo sida ugu haboon ee aynu ubadbaadin karo maadaama ay meesha ka baxday dawladii daryeelkiisa lahayd.
Sooyaalka Qoraalka Farta Soomaaliga:
-1920-kii ayey ahayd markii la soo bilaabay hindisaha qorista rasmiga ah ee afka Soomaaliga, ilaa xilligaasna waxaa lagu taamayey in si rasmi ah loo qoro, Cusmaan Yusuf Keendiid oo ka mid ahaa dadkii xukumayey beelaha Soomaalida qaarkood, fadhigiisuna ahaa magaalada Hobyo ayaa waxa uu soo saaray far lagu magacaabi jirey Cusmaaniya sanadii 1922-kii, fartaasi meelo kooban ayay ka shaqaysay, mana ahayn mid dalka ku wada baahday.
-1950-1960-kii, waxaa socdey dood ah sidee loo qori lahaa af-Soomaaliga, waxaa jiray loona badan, rag badan ayaa dadaal sameeyay, waxaa lagu muran sanaa Ma Carabi mise laatiin?
Ragga dadaalka sameeyay waxaa ka mid ahaa Ibaahim Xaashi Maxamud iyo Xuseen Sheekh Axmed Kadare, dhamaan raggaasi waxaa ay soo saareen qoraalo farta ah intii u dhaxeysay sanadihii 1950-1961-dii.
-July 1, 1961-dii, markii dalka xuriyadda qaatay, Waxaa lasoo bandhigay dhowr qoraal waxaa ka mid ahaa farta Shire Jamaac Axmed oo Laatinahayd iyo faro kale, tanina waxa ay ka dambeysey kadib markii dowladdii xiligaasi jirtey ee madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan ay saartey guddi kasoo baaran dega qoraalka farta Soomaaliga.
Gudiga ayaa waxaa xubno ka ahaa dadka kala ah
1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, Guddoomiye,
2. Yaasiin Cusmaan Yuusuf – xubin
3. Maxamuud Saalex (Ladane)- Xubin
4. Ibraahim Xaashi Maxamuud – xubin
5. Khaliif Suudi- Xubin
6. Mustaf Sheekh Xasan- xubin
7. Shire Jaamac Axmed- Xubin
8. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare)- Xubin
9. Yuusuf Maygaag Samatar- Xoghayn
Guddigaasi hawshooda waxa ay ka socon weysey isqabqabsi dhexdooda ah maadaamaa rag iyaga ka mid ah ay doonayeen in iyaga fartii ay soo jindiseen la qaato sida Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal oo isaga soo saaray far ku qoran alifbeetaha Carabiga sanaddii 1951-dii
Waxaa kaloo gudiga xubin ka ahaa Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo far uu leeyahay soo saaray 1952-dii, waxay gudiga ku taliyeen in farta Laatiinka la qaato, taasi oo uu soo hindisey Shire Jaamac Axmed sanaddii 1961-dii .
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa keensatay khubaro ka socdey UNESCO, si arintan wax uga qabtaan, taasina ma dhicin in laga miro dhaliyo oo weli waa sii socday is qabqabsi.
Markii ay soo ifbaxday in Farta Laatin lagu qorayo Soomaliga Waxaa mudaharaadyo ka dhaceen Soomaaliya oo lagaga soo horjeedey in lagu qoro Laatiinka, waxaana dadka laga dhaadhiciyey in ay ka soo hor jeestaan in lagu qoro laatiinka, taas oo masaajidda laga iclaamiyey in shacabku ka soo hor jeestaan waayo, ayey yiraahdeen, “Laatiin waa Laa-diin” oo micnaheedu yahay “Farta Laatiinta waa Diin La’aan” iyada oo loo tiirinayay in farta Laatiinku tahay tan wadamada islaamka aan ahayd ay wax ku qortaan.
October 21, 1969: Markii uu dalka la wareegay Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa uu dib usoo nooleeyay fikradii qoraalka farta Soomaaliga.
-21 January 1971: Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qoraayo Soomaaliga.
Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 oo ah xeeldheerayaal Afafka ah iyo labo lataliye, Xubnaha Guddiga ayaa kala ahaa
1. Sharif Salah Mohamed Ali, Gudoomiye
2. Yaasin Cismaan Keenadiid
3. Mustaf Sheekh Xasan
4. Axmed Cali Abokar
5. Yuusuf Xirsi Axmed
6. Msuse Xaaji Ismaaciil Galaal
7. Cabdidaahir Affey,
8. Aw Jaamac Cumar Ciise
9. Dahabo Faarax Xasan
10. Cabdulaahi Xaaji Abuubakar
11. Cabdullaahi Ardeeye
12. Xasan Sheekh Muumin
13. Maxamed Nuur Caalin
14. Maxamed Xasan Aaden (Gaheyr)
15. Xirsi Magan Ciise
16. Cumar Aw Nuux
17. Cabdullaahi Xaaji Maxamuud (Insaaniya)
18. Iikar Bannaa Xadaad
19. Aaqib Cabdullaahi
20. Xuseen Sheekh Axmed Kadare
21. Axmed Cartan Xaange
22. Maxamed Xaaji Xuseen Sheeko Xariir
23. Cabdiraxmaan Nuur Xirsi
Guddigan waxaa uu lahaa guddi hoosaadyo sida mid qaabilsan qorista Qaamuuska, kan Taariikhda , Juqiraafiga, Sayniska, diyaarinta kutubta dugsiyada iyo naxwaha.
Guddiga Afka Soomaaliga ayaa farta Roman-ka ama Laatiinka in lagu qoro Afka Soomaaliga, sababtun waxay ahayd maadaamaa makiinadihii xafiisyada yiiley ee teebka ay ku qornaayeen fartaasi ltiinka,
Muddo 22 Bilood gudahood ah ayaa waxaa lagu diyaariyey Buugaagta Dugsiga dhexe, xarfaha higgaadda Af-Soomaaligu oo ka kooban 5 Shaqal iyo 21 Shibbane.
Si ka duwan sidii 1961-dii, Ma dhicin wax mudaaharaadyo ah ama cadaadis ku yimid guddigan si farihii tartamayey midkood loo sooco, sababtuna waxay ahayd xukunkii adkaa ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre.
Markii la sameeyey dhamaan waxyaabihii loogu diyaargaroobayay qorista Afka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah loo shaaciyey qoraalka farta sanadii 1972-kii.
Hawlaha la qabtay waxaa ka mid ah dajinta naxwaha Afka sida Magac, fal, Fal-kaab, Magac u yaal, Sifo, laakiin sidaasi oo ay tahay wali naxwaha iyo ebyidda afka waa mid qabyo ah, una baahan hawl badan.
-Abwaan cabdulle raage taraawil ayaa gabaygan kusoo koobaya qaabdhismeedka farta somaliga,
"-Labaatan iyo laba aamustiyo, shaqal irmaaneeya
-Amraniyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge
-Isku-dare, xiriiriye falkaab, ereyadeenii ah
-Ebyaniyo haddaan magac-u-yaal, ku arkay joornaalka
-Mar haddii afkaygii la qoray, aabbe iyo hooyo
-Mar haddaan ammaahsigi ka baxay, lagu agoontoobay
-Abaal waxa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye
-Amiirnimo sin iyo garab jirtay, nagu abuureene
-Afafkaa qalaad iyo maxaa, eregta ii dhiibtey
-Anaa macallinoo raba dad loo, furo iskuulaade"
Cabdulle Raage Taraawiil, 1972
Waxaa iyana la qorey qaamuus, hase yeeshee markii uu ku dhamaan waayay xiligii loogu talogalay ayaa wasiirkii hidaha iyo tacliinta sare waxaa uu sii wadistiisa hawsha dhamaystirka qaamuuska u xilsaaray Cabdiqaadir Farax Bootaan oo ahaa nin ka tirsan Akaadeemiyada Fanka iyo Dhaqanka , hase yeeshee waxaa si weyn u caan baxay oo fidey Qaamuuskii uu qorey Yaasiin Cusmaan oo lasoo saaray sanadkii 1976-dii.
Qaraar dowladda Soomaaliya kasoo baxay taariikhdu markii ay ahayd Jaanyi 21 1972-di in afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya uu yahay Afka Soomaaliga ee “Maxaa Tiri”
Markii fartii la dhamaystirey, lana diyaariyey dhamaan agabkii loo baahnaa haddii ay buugaag ahaan lahayd iyo haddii naxwe ahaan lahayd, ayaa waxaa loo baahday in dalka iyo dadka lagu baahiyo, waxaana sidaasi ku biloowdey ololihii Farta sanaddii 1972-dii , Ololahaas oo ay Dawladdii Siyaad Barre markii dambe ku baahisay dhammaan deegaamada dalka, dadka reer miyiga ah ama reer guuraagu aad ayey wax u barteen.
Warbixino ay hay’ado diyaariyeen waxaa lagu sheegay in Ololahan uu kor u qaaday aqoonta dadka min 2% ilaa 55%.
Xiligii ay jirtay dowladdii kacaanka waxaa dugsiga lagu baran jiray farta Soomaaliya dhamaan maadooyinka manhajka ku jirey sida seyniska, xisaabta iyo wax kasta oo kale.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the school
Telephone
Website
Address
Jijiga