Misan Tube

Misan Tube

Share

"Ku soo dhawoow Misantube, kanaal lagu wacyi galiyo bulshada..

08/04/2025

SAADAASHA DAGAALKA LAGA CABSI QABO EE IRAN 🇮🇷 IYO USA🇺🇸

Nidaamkii Assad ee Suuriya wuu dhacay, Xisbullaahi-na way uga dhammaatay Lubanan, waxaana soo bilaabmatay xilligii la baabi,in lahaa xulafada Iran ee ku hadhay gobolka – mid mid ayaa gacmihii "caarada " ee Iran loo goynayaa, Iran-na waxay si tartiib tartiib ah u luminaysaa awooddeedii gobolka. Waxaana la sawirayaa bariga dhexee cusub oo aanay iran kamid ahayn

Laakiin, si fudud ugama tanaasuli doonto Iran doorkeeda, waxayna adeegsan doontaa dhammaan awooddeeda iyo dadaalkeeda si ay u ilaaliso wixii ay weli ka haysato gobolka. Hase yeeshee, dhibaato weyn ayaa soo food saartay Iran: waana Madaxweynaha Maraykanka ee hadda jooga Aqalka Cad ma aha madaxweyne caadi ah – waa Donald Trump.

Trump sabar ma leh, dublamaasiyadna ma yaqaan, mana oggolaan doono in Iran dib u hanato awooddeedii h**e.

Wuxuu si cad ugu hanjabay inuu Iran duqeyn doono, oo uu baabi'in doono barnaamijkeeda nukliyeerka – kaas oo ah warqaddeeda ugu weyn ee ay ku qabsan karto gobolka. Haddaba, muuqaalkan waxaynu ku saadaalin doonnaa qorshaha Trump ee lagu burburinayo awoodda Iran iyo barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadoo la adeegsanayo xambaaraha ugu xooggan dunida ee qaada qaraxyada – waxaynu ka hadlaynaa waa diyaaradda B-2

Markii uu Trump la kulmay saraakiisha sare ee milatariga Maraykanka, waxaa la gaaray go’aan ah in si toos ah loo weeraro dhulka Iran. Waxaa la doortay goobo istaraatiiji ah oo ay ugu weyn ay yihiin warshadaha nukliyeerka, si loo jebiyo xoogga Iran loogana saaro "warqaddeeda guusha". Waxaa sidoo kale la bartilmaameedsaday saldhigyo ciidan iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Halkaas ayuuna howlgalku ka bilaaban doonaa.

Intuu howlgalkani socdo
- Waxaa si weyn loogu tiirsanaan doonaa diyaaradaha dagaalka, gaar ahaan diyaaradda qaadda qaraxyada ee B-2 iyo diyaaradaha jiilka 5aad iyo 6aad ee Maraykanka.
- Diyaaradaha B-2 waxay ka duuli doonaan saldhig milatari oo ku yaal gobolka "Missouri" ee Maraykanka.

Inkasta oo Maraykanku saldhigyo ku leeyahay gobolka sida Qatar, haddana duulimaadka lagama bilaabi doono halkaas sababtoo ah iran waxay leedahay nidaamyo difaac haweed oo aad u horumarsan, sida "Bavar 373" iyo "S-300" ee Ruushka, kuwaas oo awood u leh in ay ogaadaan dhaq-dhaqaaqa diyaaradaha.
- Sidaas darteed, diyaaradahani waxay ka kici doonaan saldhigga "Diego Garcia" oo ah jasiirad ku taalla Badweynta Hindiya.

Waxaa sidoo kale hawada ku jiri doona diyaarado taakulaynaya B-2-da, kuwaas oo jawiga ka dhigaya mid ammaan ah oo ay B-2 ku dhex duuli karto.

- B-2 waxay ku duuli doontaa dherer aad u sareeya si ay uga fogaato raadaarrada Iran.
- Diyaaradaha kale ee dagaalka waxay hoos ka sii marayaan B-2 iyaga oo khalkhal galinaya raadaarrada Iran.

Markii ay B-2-da ku dhowaato bartilmaameedyada:

- Iran waxay bilaabaysaa inay hawada ku rido gantaallo difaac ah si ay u qarxiyaan haddii uu jiro weerar.
Waxaana hawada kusoo biiri doona
- Diyaarado dagaal oo Iran leedahay, sida "MiG-29" iyo F-14", si ay u raadiyaan B-2.

- daawade B-2 ma ahan nooca diyaarad ee lagu dagaallamo, mana la tartami karto diyaarad dagaal sidaas darteed, diyaaradaha casriga ah ee Maraykanka ayaa weerarka soo fara galin doona
Maadaamoo iran ay diyaaradaheedu yihii kuwo h**ena uma babac dhigi jiilka 5aad iyo 6aad sidaa darteed waxaa muddo kooban sidaa kusoo afmeermi doona diyaaradaha iran

Marka ay b2 gaadho bartilmaameedyada
- Waxay ku duqeyn doontaa bambaanooyin culus oo lagu magacaabo “bunker busters”, kuwaas oo culays ahaan gaara "14 tan, awoodna ule bartilmaameedsiga 60 mitir oo dhulka hoostiisa ah
- Waxa ay adeegsanayaan "GPS gaar ah oo ah noocyada khaaska ah ee milatariga maraykanku isticmaalo si loo saxo beegsashada bartilmaameedyada.

Dagaalkaasi wuxuu socon doonaa saacado, waxaana la burburin doonaa dhammaan goobaha istaraatiijiga ah iyo kaabayaasha milatari ee Iran. Ugu dambeyn, Maraykanka wuxuu ku dhawaaqi doonaa guul dhammeystiran, iyadoo Iran laga xayuubin doono warqaddeedii ugu weynayd – barnaamijkeedii nukliyeerka.

Markaas ayaa la odhan doonaa: Iran waa laga guuleystay, awooddeedii milatarina waa ay dhammaatay. Bariga Dhexe cusub ayayna qoraxdu usoo bixi doontaa oo aan iran lahayn‼️

Bal adiguna akhriste nala wadaag aragtidaada!
- Ma u malaynaysaa in qorshahan dhici karo?
- Sidee buuse uekaan karaa Bariga Dhexe oo aanay Iran ka mid ahayn?
-

Qoraalkeenna halkan ayuu ku dhamaaday — waad kumahadsan tahay akhriskaaga...🖐💫

08/10/2024

Gantaalka Iran ee Israel qaban wayday waa noocee..

01/10/2024

Xaqiiq miyaa inay Dadku soo taabteen dayaxa..?🤔

21/09/2024

Tarikhda Sayidka oo kooban filo mar dhow inshallah 👀

11/09/2024

2011kii markii ay Ethiopia ku dhawaaqday inay dhisayso biyo xidheenka 'GERD' Waxaa ficilkaas ka shidmay dab tan iyo maanta socda kuna fidaya maalinba maalinta ka danbeeysa Gobolka geeska afrika.

Waxaa bilowday dagaal aan la garanayn goorta uu dhamaanayo iyo sida uu u dami doono dabkan ka shidmay mashruucan noqday kan ugu wayn qaarada afrika..

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sidoo kale laga soo xigtay in Masar ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u difaacato biyaha Nile.

Khartuum ayaa dhankeeda ku jirta xaalad jaah wareer ah una dhaxaysa rajo iyo cabsi maa daamoo aysan awoodin inay ku biirto loollanka u dhaxeeya labdan dal sababo laxidhiidha dagaalladan sokeeye ee ka socda gudaha sudan ee uu imaratka carabtu hurinayo , khartuum oo dhinac ka taageeraysa dooda Ethiopia miiska usaaran ee ah in ay GERD u adeegsan doonto ka dhalinta koronto tirtirta baahida ay qabaan 120milyan oo qof una gudbin doonto wadamada deriska la ah .

Dhinacna kalena taageersan masar walaacna ka qabta biyo xidheenkan kana cabsanaysa in GERD uu yareeyo qululka biyaha, Ethiopiana ay u adeegsato Hub ahaan si ay u xak**ayso Dalka suudaan oo ay dhibane unoqoto labadan dal.

Is eryadkan diblomasiyadeed iyo kan sirdoon ee masar iyo Ethiopia ayey ugu danbeyntii somalia kusoo biirtay

Kadib markii horaantii sanadkan ay Ethiopia la saxiixatay mou 20km oo dhanka bada ah gaar ahaan lughaya in laga kireeyo saldhig milatari mudo 50 sano ah gobolka somali land oo 1991dii ku dhawaaqay inay ka go,een somalia una madax banaanyihiin danahooda siyaasadeed oo aysan cidna udaba fadhiisan doonin

Muqdisho ayaa ka biyodiiday arinkan samaysayna talaabooyin diblomaasiyadeed
Oo ay ku xak**aynayso Mou,gan iyadoona Ethiopia kusoo jeedisay inadhaha caalamka lkn ma aysan noqon natiijadu mid si dhamaystiran u xak**aysa Ethiopia... walina Ethiopia k**a aysan laaban Mou,gaas lidka ku ah madax banaanida dalka somalia

Somalia oo aan quusan oo wali isticmaalaysa kaararka u harsan ayaa heshiisyo saxiixday oo uu kow ka yahay heshiiskii turkiga ee ilaalinta aminga iyo soo saaritaanka khayraadka ku jira bada somalia ee dhan 3,000 oo kilo mitir heshiiskaasoo soconaya mudo 10 sanoo xidhiidha

Sidoo kalena dhanka barriga ayey ku soo dhawaysay 2 diyaaradood oo laga leeyahay dalka masar oo ay saaranyihiin ciidamadooda kadib markii ay somalia iyo masar dhowaan un kala saxiixdeen heshiis loogu ogalaanayo masar in ciidamdeedu ay ka howlgalaan gudaha iyo xuduudaha somalia

somalia oo umuuqata inay isticmaalayso qaacidadii ahayd cadawgaaga cadawgiisu waa saaxiibkaa ayaa ka dhigtay dalkeeda garoonkii kubada lagu ciyaari lahaa waji ka wajina Ethiopia u horkeentay Dalka masar oo la,aa meel uu usoo maro iskuna dayayey mar walba inuu hor istaago biyo xidheenka GERD ..

Xaaladan oo ku soo aadeysa xilli Ethiopia gabo gabo yahay heshiiskii nabad ilaalinta atmis ee somalia lana rajaynayo in uu dhamaan doono dhamaadka sanadkan 2024 laguna badali doono ciidamada dalka masar lana geeyn doono goobihii atmis ay kaga jirtay Gaadhka..
Ethiopiana arinkan waxay ka muujisay walaac...

Hadaba waa maxay sababta masar ay uga walaacsantahay biyo xidheenkan iyo muhiimada uu agteeda ku leeyihiin Biyaha qulqula niilka

maxayse Ethiopia ugu adkaysanayasaa
maxayna tahay faaidada uu uleeyahay dalkeeda Dhamaystirka biyo xidheenkan iyadoona iska indha tiraysa wax kasta oo carqaladayn kara ama hor istaagi kara dhamaystirka mashruucan... ?

03/09/2024

Damiinkii Sharaxay Qaabka Koonku Ushaqeeyo | Lbert Einstein..

30/08/2024

Yaa badali doona dollarka maraykanka hadii uu booska ka baxo...🤔

Want your school to be the top-listed School/college in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Jijiga
Jijiga
2519