A/raqiib Abdullaahi
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from A/raqiib Abdullaahi, College & University, Sheikh nuur ciise, Jijiga.
15/10/2022
FT: Somalia 3-1 South Sudan 🇸🇴🇸🇸
Alxamdulilah. Allahu Akbar. Xulka qaranka Somaliya ayaa ku guuleysatay Koobka Bariga iyo Bartamaha Africa 2022
Ugu dambeyn Somalia hadii la dhihi jiray 5-0 ayaa looga badinaa, maanta waa kuwaan 3-1 Koob ku qaaday.
Qof kasto oo Soomaaliyeed Hambalyada iyo farxada hasoo bandhigo. Yeeeeeeeeeeeeeees
13/10/2022
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana, ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee Addis Ababa si diirran ugu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafa Cumar iyo masuuliyiin kale.
13/10/2022
Madaxwayneha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustaf Muhumed Omer ayaa qado sharaf usameyey Xulka 17-jirda Somalia ee Addis Ababa ku sugan.
Dhiga somalinimo cidna k**a dheero
12/10/2022
Raysalwasaraha Somaliya Xamse Abdi Bare Ayaa Safar ku iman Doona magalada jigjiga Sida Ay Sheegayan Xogo Hordhaca
Maxaad kula thy imaan shaha Raysal wasaraha somalia 🇸🇴 iyo imaan shihiisa DDS🤔
12/10/2022
JIGJIGA Ma Axmaaro Ayaa leh Mise Soomaali😭⁉️
Halkani waa garoonka jigjiga , islaantaa axmaarta ee idin muuqata waa kuwa alaabaha udira adisababa* shaar shaari) nooca loo yaqaano, sida sawirka idinka muuqda axmaartan guduha ayaa loo fasaxey kadibna ay ka dhex shaqeysanaysaa oo ay udhiibanaysaa alaaabta dadka diyaarada raacaya.
Sawirada kale ee hoose waa hooyooyin soomaliyeed oo iyaga looba ogalayn in ay gudaha galaan fiiri ul ayuu la hortaagan yahay.
Markaa halkaa waxaa ka cad in aynu inagu meesha ka nahay second citizen, hada waa deegaankeenii bal maxad umalayni markaad joogto, deegaanada kale ama caaasimada,
Maalin dhaweydna waxan daawaday wiil bajaj la ah oo godey garoonkeeda albaabka lagu celinayo halka loo fasaxey bajaj layaal kale oo axmaaro ah.
Inbadan ayan maqlay mustafe omar, wuu dhageystaa cabashada axmaarada ballse ma dhageysto cabashada shacabkisa, wallee taas waa dhab hada ayan xaqiiq sadey.
1. Garoomada deegaanka
2. Bank yada deeganka
3. isgaadhsiinta deegaanka
4. Korontada, deegaanka
5 . Jibriyada deegaanka.
Intaas iyo kuwa kaleba somalidu daawadayaal ayey ka yihiin. Xukuumada mustafe, in uu wax ka qabto iska daaye, hadad howlahan lala soo hadal qaado, wuxuu ku dhihi waa qoomiyad naceyb iyo wax aan loo joogin.
10/10/2022
10/10/2022
Arrinta jaamacada jigjiga ee maanta‼
Waxaa isku dhacay ardeydii soomalida ahayd ee imtixaanka ku galayay jaamacada jigjiga iyo ardeydii buuralayda ee jaamacada jigjiga dhiganayay.
Arrinka isku dhaca keenay ayaa ahaa inay ardeyda axmaaradu galeen qaybta ardeyda gabadhaha somalida ah islamarkaana faraxumeeyeen qaar kamid ah gabdhihii soomaaliyeed ee jaamacada u yimid inay ku qaataan imtixaanka fasalka 12aad.
Kadib markii ay labada ardey isku dhaceen waxaa meesha soo galay federal boolis ku sheegii oo udhex raaciyay ardeydii soomalida ahayd islamarkaana xabad la dhacay. Wuxuuna dhaawacmay yaalaa hospitalka referralka iyo Karamara hospital.
Runtii waa wax aad iyo aad looga xumaado dhacdadan oo kale.
Aminiga iyo Amaanku wuxuu dan u yahay qofkasta oo itoobiyana waxNA wanagsan inaan dhawrno oo la ilaaliyo
D sh. H. Dh.
Hadad ka mid thy dadka igu xidhan pegkan like saar fallow na dhah wax yabo badan baan zo galin doona I.a
👏🙋
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Jijiga