13/05/2026
Maanta oo ay taariikhdu tahay 05/09/2018 T.I Ururka Macallimiinta Deegaanka Soomaalida oo ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah (Civil Society Associations), isla markaana leh masuuliyad muwaadinnimo iyo mid bulsho, ayaa magaalada Dhagbuur ku qabtay kulan ballaadhan oo ku saabsan wacyigelin la xidhiidha doorashooyinka iyo muhiimadda ay leedahay ka qaybgalka codbixintu.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray baridda bulshada hanaanka doorashada (Voter Education), kor u qaadidda fahamka muwaadiniinta ee xuquuqdooda iyo waajibaadkooda doorasho, iyo sidii loo xoojin lahaa ka qaybgalka bulshada ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda.
Xubnaha Ururka Macallimiinta Gobolka Jarar ee ka soo qaybgalay kulankan ayaa door muhiim ah ka qaadan doona gaarsiinta fariimaha wacyigelinta bulshada ee degmooyinka gobolka, si bulshada loo gaadhsiiyo faham sax ah oo ku saabsan codbixinta iyo qiimaha ay leedahay.
Ururka Macallimiinta Deegaanku waxa uu aaminsan yahay in bulsho xog ogaal ahi ay tahay saldhigga doorasho hufan, caddaalad ah, isla markaana horseeda ka qaybgal bulsho oo xooggan. Sidaa darteed, ururku waxa uu bilaabay olole wacyigelin, waxbarid iyo baraarujin bulshada lagu fahamsiinayo muhiimadda codbixinta iyo doorka muwaadinka ee horumarinta dimuqraadiyadda.
Sidoo kale, Ururku waxa uu ballanqaadayaa in muddada ka hadhay doorashada uu sii xoojin doono dadaallada wacyigelinta bulshada, si loo helo bulsho si firfircoon uga qaybqaadata doorashooyinka, ugana shaqaysa horumarka, nabadda iyo dimuqraadiyadda deegaanka.
"MUWAADIN CODKAAGU WAA MUHIIM"!