Dugsiga Dhexe ee Qabaley suftu 01 cadileey

Dugsiga Dhexe ee Qabaley suftu 01 cadileey

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dugsiga Dhexe ee Qabaley suftu 01 cadileey, School, Dollo addo, Jijiga.

ቼክ ሪፐብሊክ በትምህርቱ ዘርፍ ከኢትዮጵያ ጋር ያላትን ትብብር ለማጠናከር እንደምትፈልግ ተገለጸ።

የትምህርት ሚኒስትሩ ፕሮፌሰር ብርሃኑ ነጋ በቼክ ሪፐብሊክ አምባሳደር ሚሮስላቭ ኮሴክ የተመራ ልዑካን ቡድን በጽ/ቤታቸው ተቀብለው አነጋግረዋል።
-------------------------//----------------------------

(የካቲት 10/2017 ዓ.ም) በውይይታቸው የትምህርት ሚኒስትሩ

15/11/2025
Photos from Dugsiga Dhexe ee Qabaley suftu 01 cadileey's post 12/11/2025

Doorka Waalidka ilmaha wax baranaya.
==========================================

1: Dhiirrigelin

__Waalidka ilmihiisu heerka gaadho, waa midka, ka war haya ilmihiisa iyo waxbarashadiisa.
__ Sidoo kale waa midka ku abaalmariya, ku amaana oo uga mahadceliya guusha ilmaha.

Haddii uu arko ilmihiisa oo wax akhrinaya ama wax qoraya wuxuu u muujiyaa farxad, dhoollacadayn iyo ugu mahadcelinta dadaalkiisa.

2. Caawin

__Waalidka hormarka la jecel ilmihiisa, haddii uu caawin karo wuu caawiyaa haddii uusan casharrada ka caawin karina wuxuu la kaashadaa macalin gaar ah oo ilmaha wax ka dhaadhicin kara.

3. Kormeere

__Goobaha waxbarashada waalidkii ka dhex muuqda oo inta badan macalimiinta ku dhex jira kalana tashada ilmaha arrimihiisa. Ilmahaas wuxuu xambaaranayaa mas'uuliyad aan khayaali ahayn oo dadaal ah.

4. Talo iyo tusaale

__Dardaaranka joogtada ah, waanada kal iyo laabta ah, ducada hagar la'aanta ah, sagootinta iyo soo dhaweynta ilmaha waa shidaalka mooraalkiisa. Waaya-aragnimadiisa waalidkii uga faa'ideeya ilmihiisa isagaa ka maali doona guushiisa.

5. Ixtiraamka

__Waalidka horu socodka jecel ee ilmihiisa ka dhur sugayaa waa midka sida aan xadka lahayn u qaddariya macalinka ilmihiisa.

Gunaanad

Waalidku laba gooraba waa geed hadhweyn, waa guriga seeskiisa. La'aantii ma guul gaadhno.

Photos from Dugsiga Dhexe ee Qabaley suftu 01 cadileey's post 18/09/2025
Photos from Dugsiga Dhexe ee Qabaley suftu 01 cadileey's post 16/09/2025

🎙 Muhiimada Ardayga waxaan halkan uga hadlayaa mowduuc aad muhiim u ah, kaas oo ah muhiimada ardayga iyo macalinka.
Waxbarashadu waa furaha guusha iyo horumarka bulshada. Haddaba, ardayga iyo macalinku waa labada tiir ee waxbarashadu ku taagan tahay.
Ardayga, waa xarunta waxbarashada. Waa qofka aqoonta loo hibeeyo, kaas oo ka shaqeeya sidii uu mustaqbalkiisa iyo kan bulshada ugu noqon lahaa mid ifaya. Arday dadaal badan ayaa noqda hogaamiye wanaagsan oo bulshada u horseeda horumar iyo barwaaqo.
Dhanka kale, macalinku waa hagaha aqoonta. Waa qofka casharka barta, fahamka sahla, kuna hanuuniya ardayga dariiqa toosan. Macalinku wuxuu kaalin weyn ka qaataa kobcinta maskaxda iyo anshaxa ardayga, waana tusaale nololeed oo wanaagsan.
Ugu dambeyntii, ardayga iyo macalinku waa labo isku xidhan. Midba midka kale ayuu dhammaystiraa. Arday la’aan macalinku shaqadiisu ma hirgasho, macalin la’aanna ardaygu aqoon ma helo. Sidaa darteed waa in la dhowraa xiriirka iyo is-qadarin ta ka dhexeysa ardayga iyo macalinka.
Mahadsanidiin.
Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Photos from Dugsiga Dhexe ee Qabaley suftu 01 cadileey's post 12/09/2025

“Qorshaha Furitaanka Sanad Dugsiyeedka Cusub”ee 2/2/2018da

Dugsiga Hoose Dhexe Cadiley Suftu

Hordhac kooban

“Waxaan diyaar u nahay inaan si rasmi ah u bilowno sanad dugsiyeedka cusub ee 2018 iyadoo diiradda la saarayo waxbarasho tayo leh, nadaafad, akhlaaq iyo nabad gelyada guud ahaan dugsiga.”

Qodobada Muhiimka ah

📅 Taariikhda casharada la bilaabaaya 5/1/2018

👩‍🏫 Macallimiin iyo manhaj ku diyaarsan dugsiga cadiley

📚 Qalabka waxbarashada iyo casharrada dugsiga cadiley

🧼 Nadaafad iyo caafimaadka ardayda oo la ilaaliya

🛡 Amniga iyo ilaalinta dugsiga

⚽ Isboortiga iyo hawlo dheeraad ah oo aan sii xoojineyna sanadkaan

Himilo & Yool

Himilo: “Inaan soo saarno arday aqoon iyo anshax leh.”

Yool: “Waxbarasho tayo leh oo aan u diyaarinay mustaqbalka jiilka soo koraaya
//AQOON LA,AAN WAA IFTIIN LA,AAN//

👉DUGSIGA HOOSE DHEXE CADILEY SUFTU

Photos from Dugsiga Dhexe ee Qabaley suftu 01 cadileey's post 11/09/2025

Happy new year Ethiopia! Ethiopia has been celebrating Enkutatash, its new year celebration.

The East African country uses its own calendar, which has 13 months. It’s also around seven years and eight months behind the Gregorian calendar, meaning the country has only just entered 2018.

But what’s that?

Photos from Dugsiga Dhexe ee Qabaley suftu 01 cadileey's post 10/09/2025

Sanad wanaagsan!
መልካም አዲስ አመት።
Hambalyo Sanadka Cusub 1/1/2018E.

Dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee DDS iyo gaar ahaan ardayda Dugsiga Hoose Dhexe Cadiley Suftu waxaan leenahay:
Sanad cusub oo barwaaqo, caafimaad, horumar iyo guulo badan Allaha idinku manaysto.
Sanadkan cusub ha noqdo mid aad ku gaartaan himilooyinkiina, aad ku heshaan guul waxbarasho, isla markaana aad ku horumarisaaan noloshiina iyo deegaanka aad ku noshihiin .
Dardaaran Ku Socda Ardayda Dugsiga Hoose Dhexe Cadiley Suftu

Waxbarashada ku dadaala – Waxbarashadu waa furaha guusha, waana hantida ugu qiimaha badan ee aad mustaqbalka ku gaari kartaan horumar iyo nolol wanaagsan.

Anshaxa ilaaliya – Anshax wanaagsan iyo ixtiraam macallimiinta iyo waalidka waa waxa idin gaarsiinaya karaamo iyo guul.

Midnimo iyo walaaltinimo ku dadaala – Ardaydu haddii ay isjecel yihiin oo ay iskaashadaan, waxay noqdaan xoog iyo iftiin bulshada u horseeda horumar.

Himilo weyn sameeya – Ha ku ekaanin yool yar, balse ku dadaala inaad noqotaan mustaqbalka aqoonyahanno, hormuud iyo hogaamiyeyaal bulshada wax u tara.

Iimaanka iyo akhlaaqda ha dayicin – Aqoon la’aan waa iftiin la’aan, laakiin aqoon akhlaaq la’aan ah weligeed guul ma keento.

Mar labaad, Sanad Cusub oo Wacan!
Allaha idiin barakeeyo waxbarashadiina iyo dadaalkiina.
Waxaan rajeynaynaa sanad waxbarasho oo barwaaqo leh insha ALAH

Photos from Dugsiga Dhexe ee Qabaley suftu 01 cadileey's post 06/09/2025

DUGSIGA HOOSE DHEXE CADILEY 01 SUFTU
OGEYSIIS MUHIIM AH
Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan bulshada, gaar ahaan waalidiinta iyo ardayda, in Dugsiga Hoose Dhexe Cadiley 01 Suftu si rasmi ah loo furay sanad dugsiyeedka 2018.
Diwaangelinta ardayda h**e iyo kuwa cusub waa ay bilaabatay, waxaana la farayaa dhammaan ardayda iney si degdeg ah isu diiwaangeliyaan.
Sidoo kale, waxaa lagu wargelinayaa dhammaan macalimiinta dugsiga Cadiley iney si rasmi ah usoo shaqa bilaabaan.maalinta isniinta ah
Waxaan rajeyneynaa sanad waxbarasho oo barwaaqo leh.
Dugsiga Hoose Dhexe Cadiley 01 Suftu

Photos from Dugsiga Dhexe ee Qabaley suftu 01 cadileey's post 06/09/2025

Wasaaradda Waxbarashada dalka itoobiya ayaa mamnuucday in ardayda aay la tagaan dugsiyada telefoonka gacanta (mobile), ama tablet iyo qalabyada kale ee elektarooniga ah laga bilaawo sanadkan 2018ka ee tirsiga itoobiya.

Photos from Dugsiga Dhexe ee Qabaley suftu 01 cadileey's post 20/08/2025

DUGSIGA H/DH/ 01 SUFTU CADILEY

Want your school to be the top-listed School/college in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address

Dollo Addo
Jijiga