Fikir wadaag

Fikir wadaag

Share

welcome

30/11/2020

Faaiidooyinka Quraanka oo la akhriyo laga helo in kastoo ay badan yihiin hadana maanta shan faaiido ayaan soo qaadanayaa Quraan Akhrinta laga helo
5 Faaiido Ayaad Quraan Akhrinta Ka Helaysaa
1. Waxaa xasilaya oo dagaya qalbigaaga. Allah ayaa
quraankiisa noogu sheegay
ﺍﻻ ﺑﺬﻛﺮ ﺍﻟﻠﻪ ﺗﻄﻤﻯﻦ ﺍﻟﻘﻠﻮﺏ
Allah ayaana ugu dhawaanaysaa
2. Halkii xaraf waxaad ku helaysaa 10 ajar, tisaale ﺍﻟﻢ ama
ﻋﺴﻖ waa 30 ajar ﻉ ﺱ ﻕ، ﺍ ﻝ ﻡ xaraf kasta waxaa ku
helaysaa 10 ajar qofka aqriya juz ka waran. Nabiga ﺻﻠﻲ
ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ayaana noo sheegay
ﻣَﻦ ﻗﺮﺃ ﺣﺮﻓًﺎ ﻣﻦ ﻛﺘﺎﺏ ﺍﻟﻠﻪ ﻓﻠﻪ ﺑﻪ ﺣﺴﻨﺔ، ﻭﺍﻟﺤﺴﻨﺔ ﺑﻌﺸﺮ ﺃﻣﺜﺎﻟﻬﺎ، ﻻ ﺃﻗﻮﻝ :
ﺃﻟﻒ ﻻﻡ ﻣﻴﻢ ﺣﺮﻑ، ﺃﻟﻒٌ ﺣﺮﻑٌ، ﻭﻻﻡٌ ﺣﺮﻑٌ، ﻭﻣﻴﻢٌ ﺣﺮﻑٌ
3. Quraanku wuxuu u shafeeca qaadi doonaa maalinta Qiyaamaha kuwa Akhrin jiray oo kaliya sida Axaadiith
badan kusoi arooortay
ﺇﻗﺮﺅﺍ ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ ﻓﺈﻧﻪ ﻳﺄﺗﻲ ﻳﻮﻡ ﺍﻟﻘﻴﺎﻣﺔ ﺷﻔﻴﻌﺎً ﻷﺻﺤﺎﺑﻪ
4. Dadka quraanka akhriya waxay janada ka galaan
darajoooyinka sarsare, waxaana dadka la dhihi doonaa
akhriya quraanka sidaa u akhrin jirteen markaa aduunka joogteen.
Qof walba meesha uu uga istaago quraanka ayuu
booskiisa janada noqon doonaa, sidaa darteed ku dadaala
xifdinta quraanka iyo tartiib inaad u aqrisaan sida Rasuulku
ﺻﻠﻲ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ noo sheegay
ﻳﻘﺎﻝ ﻟﻘﺎﺭﺉ ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ : ﺍﻗﺮﺃ ﻭﺭﺗﻞ ﻭﺍﺭﺗﻖ ﻛﻤﺎ ﻛﻨﺖ ﺗﺮﺗﻞ ﻓﻲ ﺍﻟﺪﻧﻴﺎ ﻓﺈﻥ ﻣﻨﺰﻟﺘﻚ
ﻋﻨﺪ ﺁﺧﺮ ﺁﻳﺔ ﻛﻨﺖ ﺗﻘﺮﺅﻫﺎ
5. Quraanka qofka aan si fican u aqoon ee gaja'laynaya
ama kickicinaya marka uu akhrinaayo laba mar ayuu ka ajir badan yahay qofka si fiican u yaqaan ee xifdisan
ﺍﻟْﻤَﺎﻫِﺮُ ﺑِﺎﻟْﻘُﺮْﺁﻥِ ﻣَﻊَ ﺍﻟﺴَّﻔَﺮَﺓِ ﺍﻟْﻜِﺮَﺍﻡِ ﺍﻟْﺒَﺮَﺭَﺓِ، ﻭَﺍﻟَّﺬِﻱ ﻳَﻘْﺮَﺃُ ﺍﻟْﻘُﺮْﺁﻥَ ﻭَﻳَﺘَﺘَﻌْﺘَﻊُ ﻓِﻴﻪِ
ﻭَﻫُﻮَ ﻋَﻠَﻴْﻪِ ﺷَﺎﻕٌّ ﻟَﻪُ ﺃَﺟْﺮَﺍﻥِ
Walaalaha Kale In Aad Gaarsiiso Ajar Ayaaad Ku Helayaaaa
Insha Allah # Share . Mahadsanid

18/10/2020

Xeerarka ugu layaabka badan wadamada caalamka.
1. Ardayga 15 sano ka weyn ee imtixaan qisha waa la
xidhayaa.
- Bangladesh.
2. Cabitaanka Pepsi gu waa ka mamnuuc18 sano wixii ka
yar.
- Norway
3. 15 sano waa da'da uu sharcigu ogol yahay in sigaarka
lagu bilaabi karo.
- Mexico
4. Iibsashada gaadhi Maraykan ahi waa mamnuuc waana
lagugu xidhayaa.
- North Korea
5. Ka baxsashada jeelku waa dambi aan lagugu
ciqaabeyn.
- Germany iyo Denmark
6. Oohintu waa ka mamnuuc goobaha dadweynuhu isugu
yimaadaan.
- Columbia
7. Waa in aad ogolaansho ka haysato wasaaradda arimaha
gudaha haddii aad doonayso in aad timahaaga midabayso.
- North Korea
8. Miisaankaaga oo kordhaa waa dembi lagugu ciqaabi
karo.
- Japan
9. Waa lagu xidhayaa haddii aad u dhoollo cadeyso
gabadh aanan garaneynin.
- Venezuela
10. Isticmaalka internetku waa mamnuuc haddii aanan
ogolaansho ka haysan dhamaan wasaaradaha.
- North Korea
11. Daawashada TV gu waa mamnuuc wixii ka dambeeya
12 ka habeenimo.
- Cameroon
12. Waa mamnuuc in aad inankaaga u bixiso "Maxamed,
Axmed, C/laahi".
- Burma
13. Qasab kuguma aha in aad lacagta bixiso haddii aanan
dhergin, haddii aad cuntadaada dhameysato oo aanan
dheragsaneyn waad iska bixi kartaa adiga oo aan lacag
bixin.
- hoteelada Denmark
14. Cabitaanku nooca uu doono ha ahaadee waa
mamnuuc inta aad gaadhiga wado xataa haddii uu biyo
yahay.
- Greece
15. Xaaskaagu awood bay u leedahay in ay magacaaga
bedesho mana diidi kartid.
- Holland
16. Gabadhu awood bay u leedahay in ay maxkamada ka
dalbato in ay ogaato meesha uu ninkeedu joogo xilli walba
oo ay lugta kaga xidho aaladda casriga ah ee GPS ka.
- South Africa.
Xeerkee baa aad kuu soo jiitay?
Fikirkaaga waa inoo muhiim

15/10/2020

Qiso aad u u xiiso badan oo Ka hadleyso Qof Walba oo
Mas'uul ah ,Waxaan Filayaa Hadaad Aqriso in aad Wax
badan aad Ka faa'iididoonto walaaal
Cumar Binu Qadhaaab (Rc ) Xilligii Uu Qilaafada Islaamka
hayay Xilli Mudeedkiisa Waxaa Dhacday maalin Maalmaha
kamid ah,Wuxuu Uyeeraray muslimiintii Dagnaa ( ﺣﻤﺺ )
Wuxuu Ku amray in Ay Soo Qoraan Dadkooda faqiirada ah
in Ay Soo Qoraan Si Wax Loogasiiyo Maalka Muslimiinta,
Cumar rc Markuu aqriyay Magacyadii Muslimiintii
Fuqarada ahaa Wuxuu Ku arkay mid Kamid ahaa Madaxdii
Muslimiinta Lana Oran jiray Saciid Binu Caamir, cumar
Waa uu Fajacay/yaabay markuu ku arkay Magacaa ninkaas
Maadaama uu Ahaa mid kamid ah xaakimada islaamka,
islmarkaana Wuxuu Xaakim ka ahaa Meesha Layirahdo
(xms).
Cumar dadkii ahlu xms ayuu Weydiiyay Suaal oo uu Kuyiri
iiga Warama Gudoomiyihiina xaaladiisa,Wuxuu Kalajooday
Saciid binu Caamir?
Waxey Kuyirahdeen amiirkeena Saciid mishaarkiisa Wuxuu
Siiyaa Dadka fuqurada ah,Waana ninkii Faqiirka ahaa
Cajiib!
cumar Markale ayuu weydiiyay Suaal Dadkii ree ahlu Xms
Wuxuuna Kuyiri waxaad iiga Warantaan Wax Kale ee aad
Ku aragteen?
Waaxay dhaheen Waxaan Ku aragnay sadax Waxyaabood
oo kala ah
1.habeenkii nooma yimaado
2.subixii Wuu nagasoo Daahaa
3.isbuucii maalin ayuu noo imaanin
Cumar Wuxuu amray in Looyeero saciid binu caamir Si
Wax Loogaweydiiyo Waxyaabihii Lagasheegay?
Saciid ayaa yimid,Cumar ayaa Kuyiri Saciidow Maxaa
Kajiro Waxaas Lagugusoo eedeeyay?
Haa amiirul Mu'miniinow Waa Sax arintaas Balse sifiican
ban udhageyso
1.maalintii oodhan Waxaan Ushaqeeyaa ayaga Waana
ucadaalad Falaa Waqtigeyga oodhan Waxaan uhuraa iyaga
Blse habeenkii Waxaan u istaagaa Cibaado,Waxaan Xariir
Layeeshaa Rabigey
2.Subixii Wuxuu yiri Waxaan u Qidhmeeyaa ehelkeyga
Manaheysto Cid Wax Noqabato oo aniga aan heyn
3.isbuucii halmaalin ayaan Shaqada Kanastaa
maalintaasna Waxaan dhaqdaa dharka,Wàayo maheysto
dhar aan Ka aheyn Midka aan Xiranahay
cumar binu Qadhaab Marka uu Dhageystay hadaladii
Saciid binu Caamir Waa uu ooyay
Ilaahow Qofkii aqriyo Qisaan Macaan Oo xaqiiqda
xasanaadkiisa usiyaadi amiin
# Share dheh Si ay u arkaan Walaaha Muslimiinta ah kuna invite garee Asxaaptada kale.

15/10/2020

Shaydaan ayaa lawaydiiyay su'aalahan nacalad haku
dhacdee..
1) Yaa kula fariista?
Wuxuu yiri qofka ribada cuna.
2 ) Yaa kula sxb ah?
Wuxuu yiri qofka sinaysta.
3 ) Yaa kula seexda?
Wuxu yiri qofka maan dooriyaha caba.
4 ) Yaa weeye martidaadu ?
Wuxuu yiri waa tuuga.
5) Yaa weeye rasuulkaagu ?
Wuxuu yiri waa sixiroolaha.
6 ) Yaa weeye kay indhahaagu ku qaboowsadaan ?
wuxuu yiri kan ku dhaar fura xaaskiisa
(Xila furaha)
7) Yaa weeye xabiibkaaga aad jeceshahay ?
wuxu yiri waa taariku salaadka jimcaha.
8) Maxaa dhabarka kaa jabiya ?
wuxuu yiri dananka fardaha markay jihaadka ku jiraan
9) maxa jirkaaga tubaxiya ?
wuxu yiri ruuxa towbad keena
10) Maxa beerkaaga bisleeya?
Wuxu yiri astaqfaarta badan ee habeenkii iyo maalintii
11) Maxaa wajigaaga daboola (madoobeeya) ?
Wuxu yiri sadaqada sirta ah.
12) Maxa indhahaaga daboola?
wuxuu yiri salaada fajariga (salaad subaxa)
Walaal hakala bakhaylin inaad faafiso waayo qof ubaahan
xogtan ayaad u fududeyneysaa insha Allah
qofkii faafiya alle danbigiisa ha dhaafo.
aamiin aaamiiin aaamiiin

14/10/2020

Siraha Qalbiga Wax Ka Baro..
Caawa qalbiyada ka wada hadlaynaa ruux walbo
qodobadan dareenkiisa midka qeexayo ha ila wadaago
anna reply ga iga daya dhammantin waan idim sugayaa
Habeen gaar ah bay noo noqon doontaa
1-Go Aanada Qaar Waxaay u Baahan Yihiin In Caqliga Ka
Raali Noqdo Qalbigana u Xanuunsado Qaadashadooda.
2-Haddaad Gasho Qalbi uu Leyahay Qof Kale, u Naxariis
Maxaa Yeeelay Waxaad Ka Dagan Tahay Halka ugu Adag
Ee Qof Laga D**o.
3-Dadka Degan Ee Aan Sameyn Wax Xariir Ah Waa Dadka
ugu Badane Dhibanaha u Ah Xariirada.
4-Ubaxa Waa Qurux Badan Yahay Markaad Adiga
Dooranayso, Balse Inta Badan Ma u.Qurux Badan Marka
laguu Dooro.⚘
5-Intooda Badan Waxaan u Furna Qalbiyadeena Iyago
Faraxsan, Waxayna Naga Tagaan Inago Murugaysan.
6-Degananta oo Idil Ma.Ahan Raaxo, Mararka Qaar Waxaa
Degananta Qofka Ka Keeno Qalbi Jab Iyo Murugo.
7-Aad Ayaan u Dhibtoona Markay Dhibaato Na Gaarto
Mana Ka Sheekeyn Karno Dhibatada, Hadana Waaan Jaceyl
Nahay Ina Dhageysano Sheekooyinka Nuucaas Ah.
8-Markaan u Xiisno Iyaga Lama Hadli Karno, Balse Waa u
Dhibtoona Murugtooda.
9-Waxaa Ka ooHin Karo, Ruuxa Maalin Ka Farxiyay
Xagiisana Raaxo Ka Dareentay..
10-Aad Ayay u Xanuun Badan Tahay Markuu Kaa ooHiyo
Ruux Ka Cabsan Jiray Inaad ooYso..!!
11-Waxaa ugu Culus Ee Qof Insaan Ah Sameeyo Waa Inuu
Farxad Muujiyo Isla Markana uu Qalbiga Ka Ilmeeyo.. ..
Qodobo Xanuun Iyo Dareen Badan, Qodobkee Si Gaar Ah
Kuu Taabtay Adiga ?
Ma jiraa qodob aad is leedahay yaa prem u sheegay
dhaawacaaga
Haddu ku Soo Gaaro Pagekeena una Aragto Inuu u Qalmo
Inaad Like Saarta Saaxiib No Saar MahadSanid.. # Share .
Haddii aad ka heshay like saar

13/10/2020

Mucjisooyinka carruurnimada waxa ka mid ah in ilmaha
yari daqiiqad keli ah ooyi karo haddana qosli karo,
wejigiisana ay ku kulmaan astaamaha farxadda iyo
calaamadaha cadhadu.
Inta badan haddii qof weyni cadhoodo, ama ooyo, muddo
ayay ku qaadataa in uu cadhadii ka soo kabto oo dib u
farxaa, xataa haddii uu wax ka farxiya arko wuu soo cadho
jabaaa kolka h**e, dabadeedna tartiib tartiib jawi farxadeed
iyo qosol ugu soo noqdaa. Waa in uu xaaladdii h**e ka
baxaa si uu ta dambe u la qabsado.
Carruurtu se waxay awoodaan in ay oohin iyo qosol aan
waqti u dhexayn isku xigsiiyaan. Ilmihii yaraa ee imika
ooyay ayuun baad arkaysaa isaga oo qosol la dhacay inta
uu wax farxad geliya arkay. Taa malaha waxa sababay
saafinnimada qalbiga carruurta iyo hufnaanta laabtooda
curdinka iyo nadiifta ah. Si kale, ilmuhu wuu ka cadho iyo
farxad dhow yahay ruuxa weyn; cadaadiska ama culayska
maskaxeed ee haystaana kala duwanaanta wuu keeni
karaa. Mooyi.
Ilmahan yari sida muuqata wuu ooyay haddana isaga oo
aan oohintii dhammaysan buu qoslayaa. Indhihiisa waxa
ka qubaynaysa illin, isla indhihiisa iyo dibnihiisana waxa ku
soo taagan qosol.
"Dhallaannimo hufnaydaa!" -

11/10/2020

Cumar binu khatab RC ayaa habeen asagoo kormeeraya
axwaasha islaamka ayuu maqlay, hooyo gabarteeda
dheheeysa" gabar yaheey ka kac oo caanaha aan iibin
doono biyo ku dar".
Iyo gabadhii yareed oo dhaheeysa " hooyo hadii aan
caanaha biyo ku daro cumar binu khatab RC ayaa na
ogaanaya ee hooyo naga dhaaf"
Iyo Hooyadii oo dhaheeysa " saacan cumar wuu hurdayaa
ee caanaha biyo ku shub war keeygana maqal gabar
yaheey"
Iyo oo dhaheeysa " hooyo hadii uusan cumar binu thatab
kuu jeedin waxaa noo jeeda allahii abuuray cumar RC"
Cumar RC ayaa iska baxay kolkii uu warkaas dhageeystay,
cumar wuxuu tagay gurigiisa, wiilashiisa ayuuna u
bandhigay guurka gabadhaas, maadaama eey gabadhaas
eey tahay gabar fiican,
Ugu danbeentii gabadhi waxa eey ka mid noqotay amiirka
muslimiinta qooskiisa waxaana guursaday wiillashiisa wiil
kamid ah oo layiraa Caasin, waxeeyna udhashay gabar
layiraa LEYLA, leeylana waxa eey dhashay Imaankii
Caadilka ahaa ee umawayiinta CUMAR BINU CABDI AZIIZ.
FADLAN HADJAAFIN ADIGOON SOO QORIM
# MASHA_ALLAH
- SHARE DHEH OO ASXBTA GAARSII ALLE AJAR HAKAA
SIIYE.

05/10/2020

Faa’iidooyinka Garka:
1. Garku waa Sunne.
2. Garku wuxuu muujiyaa qaangaarnimo
3. Garku wuxuu muujiyaa Awood iyo mas’uuliyad in uu qofku leeyahay
4. Garku wuxuu kaa dhigaa in Ragga kale ku xushmeeyaan gaar ahaan kuwa aan Garka lahayn
5. Garku wuxuu muujiyaa Caaqilnimo, maskax furnaan. Ragga Garka leh faraha gacantooda ayay gacanta ku kala
bixiyaan marka ay aad u fakirayaan ama arrin adag ka baaraan-degayaan, taasoo ka dhigeysa in ay aad u caqli
badan yihiin una maskax furan yihiin. Kuwa aan garka lahayn dhabanka aday gacanta saaraan taasoo ka dhigeysa
in ay yaaban yihiin.
6. Garku wuxuu muujiyaa dulqaad. Koriimada garka ma sahlana. Waa in aad sabur badan u yeelataa cun-cunka
h**e iyo xiirida badan si uu si fiican kuugu soo baxo, waana tan iminka aan aniguba sameeyo maadaama aan
Gar weyn la baxayo!
7. Garku wuxuu kaa diiriyaa dhaxanta iyo barafka,BSaynisyahaniin baa sheegay In ragga Garka leh ay qabowga badan u adkeysi badan yihiin
8. Garku wuxuu qariyaa cillado badan sida weji dhuuban hadaa leedahay, nabro yar yar, xagtin, finan, iwm
9. Garku waa caafimaad. Tani waa Xaqiiq, waana wax daraasado badan isku raaceen halkana aan lagu soo koobi
karin
10. Garku wuxuu leeyahay soo jiidasho. Haddii aad rabto in aad guursato ama Xaas xiriir raaga idin dhex maro, waa
in aad Gar weyn la baxdaa! Sida laga soo xigtay Saynisyahano. Daraasad ay sameeyeen Cilmi baarayaal ka
tirsan Jaamacada Queensland, Australia ayaa waxay ku sheegeen in Xaasku ay soo jiidasho badan ka hesho ninka
Garka leh. Sidoo kale in ninku leeyahay Gar waxay inta badan dhaxalsiisaa xiriir raaga oo xaga guurkiisa ah.
Soomaalina horay ayay u tiri, “Gabari Kun bay Shawrisaa, kan Garka lehna way kala baxdaa”.

05/10/2020

Waxaa buuxsamay Tareenkii ka baxayay Faransiiska, kuna
socday Ingiriiska, waxaa Laba kursi oo isku xiga
Fadhiistay Haweeney Faransiis ah iyo nin Ingiriis ah.
Murugo ayaa ka Muuqaneysay wajiga Gabadha Faransiiska
ah, ninkii Ingiriiska ahaa ayaa yidhi "Maxaad la
murugeysan tahay?! wax ay tiri "$10,000 oo dollar ayaan
boorsada ku Sitaa (wataa) ".
(Lacag aan tan dalka aheyn Lalama geli karo wadamada
ay Dawladaha ka jiraan), Markaa ninkii Ingiriiska ahaa
wuxuu ku yiri "aan kala qeybsanno si hadii qofkeen la
qabtaa ay kala bar lacagta u badbaaddo, hagaag ayey tiri
naagtii, ciwaanka guriga ay ku socoto ayeyna kala qoreen.
Markii la gaaray xuduudka Ingiriiska iyo Faransiiska ayey
askartii bilaabeen baaritaan, gabadhii wax ay gudubtay
iyada oo aan la arkin lacagtii ay wadatay, markaasaa ninkii
Ingiriiska ahaa ku qeyliyay "Askari naagtaa aad sii deysay
$10,000 oo dollar oo kontorobaan ah ayay wadatay $5,000
aniga ayey igu qarsatay $5,000 oo kalena iyadaa heysata,
wax aan iska dhigay sidii qof caawinaya balse anigu ma
khiyaanayo dalkeyga" Naagtii ayaana baaritaankii lagu
celiyay lacagtiina waa laga helay waana lagala wareegay.
Askartii ayaa ka hadashay qiimaha wadaniyadda iyo dhibta
ay dhaqaalaha ku leedahay lacagaha kontorobaanka ah ee
sida tahriibka ah wadamada loogu kala gudbiyo, waana
loo mahad celiyay ninkii Ingiriiska ahaa Tareenkiina waa la
fasaxay.
Laba maalmood kadib naagtii Faransiiska aheyd waxaa
guriga ugu yimid ninkii Ingiriiska ahaa, markii ay ilinka ka
furtay ayey ku tiri "Alla doqonsanidaa oo haddana maxaad
iga dooneysaa!.... markaas ayuu u dhiibay $15,000 oo
doolar . Wuxuuna ku yidhi waatan Lacagtaadii oo ay la
socoto Abaalmarintaadii, Naagtii ayaa yaabtay, Markaasuu
ku yidhi:- waxba ha ila yaabin, waxa aan rabay in aan
Askarta ka Mashquuliyo Boorasadeyda oo ay ku jirtay
Lacag $300,000 waana ku qasbanaa in aan Xeeladdaa
Sameeyo.
Marar badan qofka sheeganaya (Ku doodaya)
Wadaniyadda (Mulkiilaha) iyo Sharafta ayaa ah Tuugga
Dhabta ah, Tira badanaa Dadka Ingiriis

05/10/2020

Sheekadan adiga magac u sameey
Dad meel Tuulo ah deganaa ayaa ceel biyo ka cabi jiray,
laakiin in muddo ah waxay ku arkeen in wedaanta ceelka
ay ku ridaan la jarayo oo xarig kaliya soo laabanayo, way
garan waayeen sababta,dadka qaar waxay dhaheen ceelka
jin ayaa ku jira oo jarayo wedaanta,waxay iska raadiyeen
qof ceelka gudihiisa gala oo soo firiya waxa meesha ku
jiro,laakiin qof walba wuu diiday asagoo baqayo,hal nin
ayaa ogolaaday laakiin shardi wuxuu ka dhigay walaalkiisa
oo tuulo kale daganaa in la keeno oo uu noqdo dadka
xariga wax ka qabta markuu ceelka galaayo,dadkii way
yaabeen waxayna dhaheen waxaan nahay dad xoog badan
oo howshana ku filan ee maxaad ugu yeeraysa walaalkaa?
Ninkii wuxuu yiri haddii walaalkay la keeni waayo ceelka
ma galayo!
Walaalkiisa ayaa la keenay,ninkii sidi ayuu ceelka ku
galay,markuu gudaha gaaray wuxuu arkay daanyeer
meesha ku jira oo wedaanta ceelka jarayo ama ka
furayo,daanyeerkii ayuu madaxa soo saartay kadibna
dadkii banaanka joogay ayuu ku yiri i jiida oo banaanka ii
saara asagoon u sheegin waxba,markay jiideen xarigii oo
uu ninkii soo bixi rabay waxay arkeen wax ninkii ka duwan
oo meesha kasoo baxayo,markii h**ena shaki ayaa ku jiray
ayagoo naxsan ayay xarigii daayeen ninkii ceelka asagoo
ku sii dhici raba ayaa walaalkiisa lugta wuxuu saarta meel
uu ku tiirsado markaas ayuu soo jiiday banaanka ayuu u
soo saaray ,inuu bad baaado waxaa sabab u noqday
walaalkiisa hadii kale meesha ayu ku dhiman lahaa
Xikmada meesha ku jirta waxay tahay quraanka wuxuu
dhahayaa ﺳﻨﺸﺪ ﻋﻀﺪﻙ ﺑﺄﺧﻴﻚ cududaada walaalkaaga ayaan
ku adkeynaynaa markii nabi muuse lala hadlayay,
qaraabadii oo dhan waxaa laga doortay walaalka keliya ee
ka fogoow wax walboo xumeynayo xiriirka walaalkaaga.
Walaashiisana waxay ahayd qofka daba ordayay markii
webiga lagu tuuray, ma jiro qof ka daba ordayo oo
arimahaga daneynayo sida walashada oo kale,haku sirmin
dadka badan ee hareerahaaga joogo, xiliga dhibaatada
waxaa garabkaaga soo istaagayo walaashada iyo
walaalkaa keliya

05/10/2020

Asc waxaan meshaan idin kula wadaagi doonaa waxyaabo aad uxiiso badan

Want your school to be the top-listed School/college in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Jijiga