07/03/2026
Musuulinin uu hogaaminayo komishineerka Booliska qaranka General Demelash Gebremichael; madexwaynaha Jaamacadda Booliska qaranka Mudane. Tamrat Mulugeta (PhD) komishenerka Booliska DDS sareeye guud cabdi cali siyaad, maareeyaha kuliyada tababarka Booliska DDS sareeye guud C/raxman Axmed nuur ayaa soo kormeeray dufcada 26aad ee ciidanka federaal Booliska oo tababar uga socdo kuliyada Booliska DDS .
Taliyaha Guud ayaa xaqiijiyay in tababarku si wanaagsan u socdo, isla markaana saraakiisha tababarka ku jirta ay ku sugan yihiin heer diyaargarow oo wanaagsan. Wuxuuna sheegay in maalmo yar gudahood ay qalin-jabayaan, isla markaana ay diyaar u noqon doonaan hawlaha boolisnimo ee ay ka qabanayaan doorashada.
17/02/2026
Kuliyada Booliska DDS ayaa raashinka noocyadiisa kala duwan u qaybisay 52 qoys oo iskugu jira shaqaale hoosaadka xafiiska iyo qoysas danyar ah oo lagasoo kala xulay bulshada dariska la ah kuliyada Booliska DDS iyada oo laga duulayo barnaamijka afuri walaalkaa iyo udiyaar garawga bisha barakaysan ee ramadaan
23/01/2026
Hambalyo xuska sanad guurada 33aad ee aas aaska Deegaanka Soomaalida
Bagaan Nabad ku gaadhnay.
14/01/2026
Waxaa maanta Waxbarashada Degree ga labaad ( postgraduate master) takha-suska danbi kahortaga (crime prevention) uga furantay kuliyada booliska DDS saraakiil kakala socotay deegaanka Hararida, ismaamulka Diridhaba iyo kuwa deegaanka soomaalida.
Sharaashiishan ayaa ah kuwii ku guulaystay imtixaankii (entrance exam ka) jaamacada qaranka ee boolisku ka qaaday sharaakiisha dalka horaantii bishii h**e ee Tehsas.
Waxbarashadan oo ah mid ay bixinayso jaamacada qaranka ee booliska (sendafa university) ayaa noqonaysa wareegii labaad eey ku bixinayso kuliyada Booliska DDS iyada oo wareegii koobaad ee waxbarashu si habsami leh uga socdo kuliyada booliska dds ayay marlabaad ka faa,iidaysan doonaan wareegan labaad sharaakiisha dalka ooy ugu h**eeyaan kuwa deegaanku
06/09/2025
Saraakiisha sare ee Booliska DDS ee tababarku uga socday Jaamacadda Booliska qaranka ee Sendafa ayaa booqday xarumo kala duwan oo Booliska Federaalka ah
Goobaha ay booqdeen waxaa kamida Xarunta Guud Komishinka Booliska Federaalka, Xarunta Geesiyada Qaranka iyo xarumo kale oo muhiim ah.Waxaana si gaar ah loogu soo bandhigay, Nidaamyada casriga ah ee sugida amniga iyo ka hortagga dambiyada, Barnaamijyada (applications) lagu soo gudbiyo xogaha dhacdooyinka, Kamaradaha amniga, Waaxda saadka iyo saanada, Warshadaha dharka iyo agabka ciidanka iyo Gaadiidka casriga ah ee Booliska Federaalka.
Komishineer ku xigeenka Booliska Federaalka, General Mesfin Abebe, ayaa saraakiisha DDS sharaxaad ka siiyay shaqooyinka xafiiska guud ee Booliska Federaalka, isaga oo ku boorriyay in ay aqoontan cusub si wax ku ool ah ugu adeegsadaan shaqadooda.
28/08/2025
Tababar Ku Saabsan Kobcinta Awoodda, Dhismaha Kartida iyo Kor u Qaadidda Garaadka Aqooneed ee Saraakiisha Istaraatiijiga ah iyo saraakiisha Sare ee Booliska DDS ayaa maanta uga furmay Jaamacadda Booliska Dalka ee Sandhaafa
Tababarkan oo diiradda lagu saarayo nabadgelyada iyo amniga, ayaa ujeeddadiisu tahay, in kor loogu qaado awoodda hoggaamineed iyo fulineed ee saraakiisha, Si ay waajibaadkooda shaqo ugu gutaan si xirfad, iyo aqooni ku dheehantay.
Waxaana tababarka furay Madaxwaynaha Jaamacada Booliska dalka ahna komishineer kuxigeenka guud ee ciidanka boolis fadaraalka Mesfin Abebe iyo taliyaha Guud ee Booliska DDS Sareeye -guud Cabdi Cali Siyaad oo sheegay ahmiyadda ballaadhan ee tababarkani u leeyahay Saraakiisha Booliska DDS, wuxuuna ku boorriyay saraakiisha in ay si dhab ah uga faa’iidaystaan tababarka si firfircoona uga qayb qaataan.
Waxaana Tababarkan laga filayaa inuu wax badan ku soo kordhin doono saraakiisha sare ee Booliska DDS gaar ahaan kor u qaadidda garaadka aqooneed, kobcinta awoodda go’aan qaadashada iyo dhismaha kartida hoggaamineed, taas oo horseedi doonta boolis leh awood, kalsooni iyo hufnaan shaqo.
15/05/2025
Tacsi
Taliska Sare ee Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, oo uu ugu horreeyo Taliyaha Guud Booliska DDS Gen. Cabdi Cali Siyaad, waxa ay tacsi u dirayaan ehelka, qaraabada, asxaabta, iyo dhammaan ciidanka Booliska ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee G/sare Qureesh Maxamuud Axmed, oo ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay tuulada Sasabane ee u dhaxaysa Birqod iyo Dhagaxbuur.
Marxuumku wuxuu noloshiisa usoo hurey dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo muddo 25 sano ah kasoo tirsanaa ciidamada kala duwan ee dalka iyo deegaanka. Wuxuu ku biiray Ciidanka Difaaca Qaranka sanadkii 1990-kii,T.I 1992-dii wuxuu kamid noqday ciidankii fadnooga ee deegaanka, 1997-diina wuxuu ku biiray Ciidanka Booliska Federaalka. Intaas kadibna, wuxuu ka mid noqday Booliska DDS, isagoo muddo dheer ahaa tababare, islamarkaana markii dambe noqday Madaxa Tababarka Kuliyadaha Booliska DDS, halkaas oo uu kusoo tababaray dufcado badan oo ciidanka deegaanka ah.
Wuxuu ahaa geesi lagu xasuusan doono hawlkarnimadiisii, daacadnimadiisii iyo waddaniyadiisa. Alle ha u naxariisto G/sare Qureesh Maxamuud Axmed, naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyo. Aamiin.
Waxaa sidoo kale shilkaasi waxaa ku dhaawacmay askartii baabuurka la saarayd, kuwaasoo aan Ilaahay uga baryeyno inuu u booga dhayo.
27/01/2025
Xubno taraafiko iyo dambi-baadhiyaal cusub ah oo muddo laba bilood ah tababar uga socday Kuliyadda Booliska DDS, ayaa si rasmi ah loogu soo gebogabeeyey.
Waxaana tababarka u soo xidhay Maareeyaha Kuliyadda Booliska DDS, Sarreeye Guud C/raxmaan Axmed Nuur, iyo Komishineer Kuxigeenka Komishinka Booliska DDS, Sarreeye Guuto Cali Cabdi Jabaar. Mas’uuliyiinta ayaa ciidanka kula dardaarmay inay waajibaadkooda uga soo baxaan si hufan oo daacad ah, iyagoo ilaalinaya sharciga iyo hab-dhaqanka bulshada.
Madaxda taraafikada iyo ciidanka ka faa’iideystay tababarka ayaa bogaadiyey xirfadaha iyo aqoonta tababarka ay ku barteen. Xubnahii iyo macallimiinta tababarka sida firfircoon uga qayb qaatay ayaa lagu maamuusay abaalmarinno kala duwan.