16/03/2021
Sheeko Murti Badan Xambaarsan war Raggoow ka faa’ideeyso
tee baa taadi ah, Nala Daawo Heesta Sahro Dawo iyo
Caashaqa maxay baray maba aan barbaarine : Oday-
dhaqameed Soomaaliyeed oo waayo h**e jiray, waaya-
aragnimo ballaaran u lahaa arrimaha bulshada, xagga
dhaqankana looga dambeeyay , ayaa waxaa uu damcay in uu
Cashar la xiriira Haweenka u gudbiyo Wiil uu isagu dhalay oo
markaas guur-doon ahaa.
Odaygii ayaa waxaa uu ku yiri Wiilkiisa:-“Maandhow, inta
aadan guursan, oo aadan dhex-dabbaalan badweynta
Haweenka, bal marka h**e si fiican isaga eeg oo hubso
gabadha ama Haweeneyda aad la aqal-galayso; Ogowna in ay
Haweenku u kala baxaan toddoba nooc”.
Wuxuu tibaaxay Odaygu:”Iga dhegeyso aan kuu bidhaamiyee
sida ay kala yihiin toddobadaas,waana kuwan”:-
(1) Il-dheer:- Waa gabadha Indhaha un wareejiso,la-raacda oo
ku maqan wixii cusub ee dhar,alaab-guri iyo qalab lagu
xarragooda ah ee Suuqa ku soo kordha ama ku aragto
Gabdhaha kale, dabadeedna ku kurbaysa Ninkeeda soo iibinta
waxaas cusub.
Waa tan ku tiraahda Ninka qaba:-” Haddaadan ii iibinayn
waxaas , ima jeclide iska-key fur”. Waa tan aanan tixgelin
awoodda dhaqaale ee reerka iyo gaar ahaan tan Ninkeeda.
(2) Dheg-dheer:- Waa tan reerkeeda ku burburisa, ninkeedana
ku colaadisa waxa ay soo maqashay oo kaliya,aanna hubsan
xaqiiqada. Waxay ku tiraahdaa Seygeeda:-“Waan maqlay in
aad Naag kale la socoto”,”Waa la ii sheegay in aad xiriir la
leedahay Heblaayo”,”Waan la socdaa meelaha aad beryahan
ka daba-wareegto”iwm..
Waa tan ay Soomaalidu ku magacaabaan”Ma-hubsato meher-
laay”..!!. Waxay dhegta u raaricisaa “ku-tiri ku-teenta
Xaawalayda” iyo waxa loo yaqaan “Warka Shaashka”. Waa mid
dabin ugu dhici karaysa Cadowgeeda iyo Cadowga
Ninkeeda,xilli uu isaguna kaba fog-yahay,Allahiisna uu ka Allah
yahay waxa laga sheegayo.
(3) Carrab-dheer:- Waa qaylo badan,joogto ugu taagan
derisyadeeda, ninkeeda,caruur iyo cirroolaba uusan qofna ka
baxsanayn. Waxay ninkeeda ku gaaddaa Gogosha iyo xilliyada
nasashada,dabadeedna waxay ku furtaa dood,dacwad iyo
dalabaad aan dhammaaneyn. Waxay macallimad ku tahay Af-
lagaaddada iyo jaa’ifeynta.
(4) Gacan-dheer:- Waa tan dagaalka un u taagan,mar kastana
ay dhexdu u xiran tahay;Garruunka wadata oo gaadmada
badan. In ay dadka ku duufto un bay u tafa-xeydan tahay.
Wejigeeda waxaa ka muuqanaya raadadka ciddiyo lala
beegsaday iyo daqarro h**e oo lagu hubsaday.
Xafiisyada Dacwooyinka dadweynaha ee Xaafadaha iyo
Saldhigyada Booliska waa laga wada yaqaan, oo waxaa ka yaal
raadad h**e iyo feylal qabya ah oo colaadeed.
(5) Lug-dheer:- Waa war-wareegtooy,waaba tiris,oo ay dhif
tahay in laga helo aqalkeeda. Markii uu ninkeedu yimaado
guriga waxaa ka soo hor-baxa Quful weyn oo maar ah.
Caruurteeda ayaa Odayga u sheega in ay hooyadood ku maqan
tahay:-Aroos, Nikaax,Dhaloow, Furoow,Qaraaba-salaan,Tacsi
loo fadhiyo maalintii 14-aad, Maalin-joog, Meel ay ku
kulmayaan Habro Ayuuto(Shaloongo) isku darsaday,madax-
shub(abaay-abaay) iwm.
(6) Joog-dheer :-Waa mid Jamaal badan ah, waa gabadha
dhammeysay Quruxda muuqata ee xagga jirka ah(jiroos),
indha-deeraley ay raggu ka daba-dhacaan, ishana la wada
raacaan, laafyada iyo is-lulidda badan(i arkaay).
Laakin,markii la tago gurigeeda,waxaa lala kulmaa
dhiiqo,dhusuq iyo dharaq is-dhex-yaal. Ma jirto gogol kaliya oo
u goglan iyada. Halka ay ku karinayso cuntada waxaa bar-bar
yaalla Tuunji ay saxaradii Caruurtu ka buuxdo oo shalay ahaa.
Iyadaa Sanka baloolisa oo “Uf” kala hor-marta dadka kale.Waa
mid aan lagu gaareyn Areebanimada,markii gadaal loogu
noqdo.
(7) Garaad-dheer:-Waa “Marwo-dumar”. Waa tan ugu qiimaha
badan haweenka; laga yaabo in ayan muuqaal ahaan qurux
badnayn,amaba iska fool-xun,laakinse, waxay leedahay
quruxda dahsoon ee Edeb,Akhlaaq, Sarriig,Xishood,Af-
gaabni,Dulqaad, Qaddarinta dadka mudan iwm. Aqalkeedu
waa udgoon badan yahay,waa wada goglan yahay,waxaa u
sugnaaday nadaafad buuxda oo xagga hoyga, huga iyo
hungurigaba ah.
Mooral iyo Macnawi ahaanba waa ay u dhistaa ninkeeda,
waana uu ku farxaa oo u soo xiisaa. waxay ka ilaalisaa erayada
xun. Waxay ugu yeertaa ninkeeda:-gacaliye, macaane(macow),
walaal,ina-adeer iwm. oo ka kal iyo laab ah,dano khaas ah iyo
xilli goonni ahna aanan ku xirnayn.
Haddii uu Ninkeedu wax-beelo(sabool noqdo), gacantiisuna ay
Eber noqoto, kuma ay kurbayso wax ka baxsan awooddiisa,
waxayna u guntataa daboolidda baahida iyo adeegsiga xikmad
iyo Iimaan. Noocan toddobaad ayaa ah “Raalliyo” uu ninkii hela
uu nasiib leeyahay. Tan ayuuna guursigeeda Odaygu kula
dardaarmay Wiilkiisa,wallow uu “Guurku yahay God Gacanta
loo ritay”.