12/06/2025
Xafiiska Waxbarashada ee DDS, oo dadaal xooggan ku bixinaya tayeynta waxbarashada iyo gaadhsiinta ardayda waxbarasho tayo leh, ayaa hirgeliyay nidaamka casriga ah ee Hyper Platform, kaasoo ka dhigay telefishinka Bare TV mid Satellite iyo digital ba lagu daawan karo. Nidaamkani wuxuu suurto gelinayaa in TV-ga caadiga ah laga daawado mobile, laptop, iwm.
Tani waa markii ugu horreysay ee deegaanka laga hirgaliyo Hyper Platform — waana tallaabo horumarineed oo uu Xafiiska Waxbarashada qaaday, gaar ahaan Telefishinka BARE TV.
Waxaa xusid mudan in BARE TV uu yahay telefishin jiray wax ka yar 2 sano, haddana qaaday tallaabo horumarineed oo cusub.
________________________________________
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda fasalka 12aad ee ku xiran boggan in Telefishinka Bare TV uu hirgeliyay casharro tabin toos ah (live) oo loogu talagalay ardayda fasalka 12aad ee maalmaha kooban uga dhimmanyihiin imtixaanka heer qaran. Iyado ay cashirada mudo socdaan misan ku dhawyihin gabo goabo.
Casharradan waxaa laga daawan karaa bogga Facebook-ga ee Bare TV, waxaana lagu baahiyaa sacadu markay tahay 2:00 duhurnimo ilaa 6:00 fiidnimo, maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha.
Waxaan ardayda ugu baaqaynaa in ay ka faa’iideystaan fursaddan dahabiga ah ee la siiyay muddada gaaban ee ka hadhay imtixaanka.
________________________________________
Dhinaca kale, waxaan waalidiinta ugu baaqaynaa in ay ubadkooda ku dhiirrigeliyaan qaadashada casharrada kabista ah ee uu Xafiiska Waxbarashada u soo diyaariyay muddada kooban ee ka hadhay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad.
DDS xafiska waxbarashada degmada mooyale ee gobolka dawa
Xafiiska waxbarashada degmada hudet
Xafiiska Waxbarashada Degmada Qadaduma ee Gobolka Daawa
Xafiiska Waxbarashada DDS