Xafiiska wax-barashada Deg/Baarey

Xafiiska wax-barashada Deg/Baarey Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska wax-barashada Deg/Baarey, Education, Jijiga.

WAR DEGDEG AH: Waxaa la shaaciyay dhibcaha lagu xarroonayo Remedial-ka ardayda 12aad sannadkan dhameeyay.Deegaannadda so...
08/10/2024

WAR DEGDEG AH: Waxaa la shaaciyay dhibcaha lagu xarroonayo Remedial-ka ardayda 12aad sannadkan dhameeyay.Deegaannadda soo koraya iyo xoolla dhaqatada oo Deegaankeenu ku jiro siddan hoose ayaa Natural iyo Social lagu gali doona.

Wiilasha 192.

Gabdhaha 186.

Fariintan saaxibkaa la waddaag.

W/q Macalinka Soomaaliyed
Voss Tv

Baadhashada Natiijada ArdaygaLaga bilaabo caawa 12:00 am (Saq-dhexe) waxay ardayda 12aad ka baadhan karaan natiijadooda ...
09/09/2024

Baadhashada Natiijada Ardayga

Laga bilaabo caawa 12:00 am (Saq-dhexe) waxay ardayda 12aad ka baadhan karaan natiijadooda iyaga oo isticmaalaya qaababkan:

1. Website: https://result.eaes.et
2. Telegram Bot: https://t.me/EAESbot
3. Fariin gaaban (SMS): 6284 adiga oo diraya Registration Number kaada oo aad ka h**eysiisay R sidan oo kale R1234567, markii aad fariin dirtana Ethio Telecom waxay kaa jaran kharashkii yara ee fariimaha lagu dirayay.

09/09/2024

Natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad ee Sanad-Dugsiyeedkii 2016 TI

Heer Dal
674,823 arday ayaa imtixaanka ufadhiisatay, waxaa ka gudbay (50% & wixii ka sareeya keenay): 36,409 arday oo ka dhigan 5.4% halka sanadkii h**e ay ka ahayd 3.1%. Dal ahaan 1,363 dugsi ayuusan hal arday ah ka gudbin.

Deegaanka Soomaalida:
21,225 arday ayaa Imtixaanka qaadatay, 261 arday oo udhiganta 1.2% ayaa gudubtay oo keentay 50% iyo wixii ka sareeya. 158 Dugsi ayuunan hal arday ah ugudbin. Halka sanadkii h**e (2015) ay gudbeen 74 arday. Ardayda gudbaysa ayaa korodhay 250%. Hal dugsi ayay ardaydiisa oo dhan (100%) gudbeen. Sadex arday oo deegaanka ah ayaa kamid noqday ardayda ugu dhibcaha sareysa dalka. Ardayda 50% ka hoosaysa kabis ayaa la siin doona laakiin dhibcaha laga qaban-doono dib ayaa laga soo sheegi IA.
Xafiiska Waxbarashada DDS

28/03/2023



Waxaan ogaysiinaynaa dhamaan ardayda fasalka 12aad ee imtixaanka ufadhiisanaysa sanadkan 2015 T.I in ay diwaangalinta bilaabmayso 20/07/2015 ilaa 15/08/2015 T.I, waxaana lagu diwaangalin qaab Digital ah (Online) dhamaan dugsiyada deegaanka.

Hadaba waxaa ardayga lagaraba:
1. In uu xaadir ku ahaado dugsiga uu waxkabarto.
2. In ardaygu haysto aqoonsigiisa.

Waxaa kale oo aan ogaysiinaynaa ardayda ku celinaysa imtixaanka inay iska diwaangalin doonaan xafiisyada waxbarashada Degmooyinka iyo Maamul Magaalooyinka marka ay diwaangalintu bilaabato.

29/08/2022

Buugga qaadoo
Qalinka qabsoo
Waxaad qorayso
Qumman u toosi
Qalqallooca daayoo
Baddal qoraalka

Abwaan Af-guun

Address

Jijiga
091518

Telephone

+251915188907

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska wax-barashada Deg/Baarey posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Xafiiska wax-barashada Deg/Baarey:

Shortcuts

Share

Category