09/10/2022
Arrimaha kala duwan ee ka qayb qaata kor u qaadida tayada waxbarashada ee Dugsiga.
Hordhaca
Waxbarashadu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan nolosha, waxay qaabaysaa mustaqbalkeena waxayna naga caawisaa inaan helno rabitaankeena.
Dugsigu waa in aanu noqon meel laga barto sida wax loo akhriyo ama loo qoro oo kaliya,balse waa in uu noqdaa meel ina baraysa sida loo fikiro, dhibaatooyinka loo xaliyo loona abuuro xal cusub. Waxbarashadu waxay noqotay mid muhiim u ah guusha sababtoo ah waxay u oggolaanaysaa dadka inay si dhakhso ah ula qabsadaan horumarka Adduunka.
Waxbarashada Dugsigu waxay caawisaa dhimista faqriga, kordhinta wax soo saarka, iyo horumarinta dhaqaalaheena iyo sidoo kale heerka nolosheenna.
Kor u qaadida Tayada waxbarashadu Dugsigu waxay si toos ah ugu xidhan tahay tirada arrimo dhawra oo ka qayb qaata. Qaar ka mid ah arrimahan waxaa ka mid ah,
1. La-talinta Ardayda.
2.Tababarka Macalimiinta.
3. Hawlaha Waxqabadka
1. La-talinta ardayda
Ma jiraan laba arday oo isku mid ah, mana la wada qabsan karaan baahida dugsiga si isku mid ah. Waxaa muhiim ah in la diyaariyo kulamo joogto ( regular meeting) ah oo la-talin maskaxeed ah si loo dejiyo cadaadiska maskaxeed ee caruurta haysta.
2. Tababarka Macalimiinta
Macallimiintu waa dadka ugu muhiimsan dugsiga. Waxay mas'uul ka yihiin horumarinta ardayda iyo qaabaynta dabeecadooda. Tababarka macalimiintu waxa uu ka muhiimsan yahay wax kasta. Marka Maamulka Dugsigu waa in ay abaabulaan barnaamij hanuunin ah fasax kasta. Ujeedada Tababarku waa in lagu dhiirigeliyo macalimiinta inay bartaan technology-da cusub si ay wax ugu dhigaan ardaydooda si wax ku ool ah.
3. Hawlaha Wax qabadka ( Activities)
Dugsiga waxa uu ku guulaysan doonaa kor u qaadida tayada waxbarashada haddii iyo haddii habka bixinta xiisadaha lagu dhex daro qaar ka mid ah nashaadaadka manhajka wax dheeraad ka ah sida hawlaha bulshada Ololaha nadaafada