Shaykosh Boarding School for pastoralist

Shaykosh Boarding School for pastoralist

Share

The more that you read, the more things you will know. The more that you learn, the more places you’ll go.”

― Dr. Seuss

22/11/2025
Photos from Shaykosh Boarding School for pastoralist's post 15/10/2025

Waa Qaybka mid ah Dhirbeeris lagu samaynayo dugsiga Si kor loogu qaado Bilicda Dugsiga

23/06/2025

Ogeysiis Muhiim ah oo ku Socda Dhamaan Jaaliyadda DDS, Gaar ahaan Reer Qoraxeey

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

Waxaa sharaf noo ah inaan la wadaagno dhammaan Jaaliyadda DDS ee Qurbaha, gaar ahaan Reer Qoraxeey, wargelin muhiim ah oo ku saabsan barnaamijka Taakulaynta iyo Garab Istaagga Dugsiga Shaygoosh Boarding School.

Dugsigan muhiimka ah waxa uu ka faa’iideeyaa arday ka kala yimaada todobo gobol oo ka tirsan Dawlad Deegaanka, balse waxa uu si gaar ah ugu yaal gobolka Qoraxeey. Sidaa darteed, waxa la gudboon dhammaan Dhalinyarada iyo Jaaliyadda Reer Qoraxeey in ay garab istaagaan dadaallada lagu horumarinayo dugsigan.

Waxaa toddobaadkan si gaar ah idiin marti ah Eng. Khaliifa Mooge, oo ah shaqsi daacad ah, karti leh, kana go’an horumarinta waxbarashada. Fadlan la kulma, dhegaysta, oo garab istaaga; dadaalkiisu waxa uu u baahan yahay taageeradiinna buuxda.

Dhalinyarada Reer Qoraxeey ee Qurbaha, waxaan idinku boorrinayaa in aad si hagar la’aan ah u taakulaysaan mashruucan, kuna deeqdaan, kuna faafisaan fariintan si loo gaaro himilo wadaag ah oo lagu horumarinayo ubadka deegaanka.

Waxqabadka maanta waa iftiinka berri.

Photos from Shaykosh Boarding School for pastoralist's post 23/06/2025

Maanta oo ah maalin isniin ah taariikhduna ay tahay 16/10/2017EC waxaa si habsami leh noogu bilowday imtixaanka teeramka 2aad

Photos from Shaykosh Boarding School for pastoralist's post 19/06/2025

Hanbalyo hanbayo Waxan Halkan Oga Hanbalyaynaynaa CAbdulaahi Qaran Oo Soo Jeediyay Buugii Qalin Jabinta master ta

Photos from Shaykosh Boarding School for pastoralist's post 10/06/2025

ASC ….. akhyaarta Qaaliga ah

*Imtaxaanka shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo si rasmi ah u bilaabmay.*

waxaa si rasmi ah u furmay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad, Waa maalin xusuus mudan oo muujinaysa dadaalka, dulqaadka, iyo juhdiga ay ardaydu u galeen safarkii waxbarashada ee dhowrka sano qaatay.

Ardayda waxay wajahayaan marxalad muhiim ah oo ka mid ah noloshooda waxbarasho, taas oo ay ka muuqato rajo, hammuun iyo hibo ay ku gaadhi karaan guulo waa weyn. Imtixaankan waxa uu fure u yahay albaab cusub oo u horseedi kara waxbarasho sare iyo mustaqbal ifaya.

Dhammaan ardayda waxaan u rajeynaynaa guul iyo nasiib wacan. Waxaa la rajaynayaa in dadaalkii ay galeen uu midho dhali doono.

Waxbarashadu waa furaha nolosha, halka uu imtixaanku ka yahay dariiqa lagu ogaado heerka guusha.

Photos from Shaykosh Boarding School for pastoralist's post 05/06/2025
Want your school to be the top-listed School/college in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Kali Street
Jijiga