10/10/2025
Waxaa maanta si rasmi ah u soo gabagaboobay Shirweynihii Waxbarashada, kaas oo socday muddo laba maalmood /, laguna qabtay [magalada jig jiga ]. Shirweynahan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday wasaaradda waxbarashada, hay’adaha waxbarasho,, waalidiin, arday, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.
Intii uu shirku socday waxaa si qoto dheer looga dooday arrimo muhiim u ah horumarinta tayada waxbarashada, sida:
• Kor u qaadidda tayada manhajka waxbarashada
• Tababarada macallimiinta iyo horumarinta xirfadooda
• Kaalinta waalidiinta iyo bulshada guud ahaan
• Isticmaalka tiknoolajiyada casriga ah ee waxbarashada
• Arrimaha ardayda baahiyaha gaarka ah qaba iyo sinnaanta waxbarasho
Waxaa sidoo kale la soo bandhigay warbixino qiimo leh, khudbado dhiirigelin ah, iyo talooyin wax ku ool ah oo laga soo jeediyay doodaha iyo aqoon is-weydaarsiyada shirweynaha.
Ugu dambayn, shirweynuhu wuxuu kusoo xirmay jawi is-afgarad iyo isku duubni leh, iyadoo laga soo saaray qodobo iyo talooyin lagu hagayo mustaqbalka waxbarashada ee dalka.
Waxaa la rajeynayaa in natiijooyinka kasoo baxay shirweynahan ay horseedi doonaan isbedel muuqda oo dhanka waxbarashada ah.