15/05/2026
Shaacinta cinwaanka ay ardayda fasalka 12aad ee sanad-dugsiyeedka 2018 E.C ku gali doonaan tababarka imtixaanka Qaran.
Dhammaan ardayda imtixaanka ku galaysa nidaamka waxay tababarka qaadan karaan iyagoo;
• USER Name ahaan u isticmaalaya lambarka Admission-ka ee ku qoran kaarka galintaanka imtixaanka
• Password-kana ku gelinaya: 1234
Tababarka waxaa lagu samayn karaa:
• Desktop computer
• Laptop
• Tablet
• Mobile phone
• Ama qalab kasta oo internet leh
Tababarku wuxuu bilaabanayaa 07 Ginbot, 2018 E.C, saacadda marka ay tahay 9:00am (3-da subaxnimo), wuxuuna socon doonaa illaa maalinta imtixaanka.
Ardaydu waxay ka heli karaan kaarka Admission-ka dugsiyadooda, waxaana si joogto ah loo soo gudbin doonaa imtixaano kala duwan oo lagu tababarto.
Macallimiinta, maamulka dugsiyada iyo waalidiinta waxaa laga codsanayaa inay ardayda siiyaan taageerada lagama maarmaanka u ah, si ay ugu diyaar garoobaan imtixaanka.
“Aynu si wadajir ah uga hortagno qishka iyo xatooyada imtixaanka.”
Adeegga Qiimaynta iyo Imtixaanaadka Waxbarashada
Addis Ababa – Itoobiya