Jigjiga Polytechnic College

Jigjiga Polytechnic College JPTC

16/05/2026
15/05/2026

Kuliyada JPTC, oo kaashanaysa Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDS, ayaa soo Qabanqaabisay Munaasabad Lagu Dhiiri Galinayo Gabdhaga Ardyda ah ee Wax ka barta Kuliyada. Waxaay Fursad u Heleen inay dhagaystaan Hayaanka Nolosha/Taariikhda ama Geediga Gabdho Soomaaliyeed oo ku guulaystay Ganacsiga, Siyaasada iyo Xirfadaha. Muhiimada Mashuucan waa inay Mustaqbalkooda, kalsoonidooda iyo waxsoosaarkoda kor uqaado.

15/05/2026

Maareeyaha Kuliyada Tababarka Xirfadaha kaladuwan ee Jigjiga Mudane, NASRI AMED JAMA. Munaasabada Dhiirigelinta iyo Tusaalaynta ee Gabdhaha Ardayda ah ee Waxkabarta Kuliyada.

15/05/2026

Dadaalkaaga kaagama Horayso, Sharaf, Kalsooni iyo Barwaaqo. RAXMA WALI MUXUMED

Kuliyadda Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta ee Jigjiga ayaa qabatay kulanweyne ballaadhan oo loo sameeyay gabdhaha baranay...
15/05/2026

Kuliyadda Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta ee Jigjiga ayaa qabatay kulanweyne ballaadhan oo loo sameeyay gabdhaha baranaya xirfadaha kala duwan, kulankaas oo diiradda lagu saaray dhiirrigelinta gabdhaha iyo horumarinta kaalintooda bulshada.

Kulankan waxaa kasoo qaybgalay haween ku guulaystay dhinacyada ganacsiga, siyaasadda iyo xirfadaha kala duwan, kuwaas oo la wadaagay gabdhaha ardayda ah waayo-aragnimadooda nololeed iyo dariiqii ay ku gaadheen guusha. Waxay si qiiro leh ugu booriyeen gabdhaha inay naftooda aaminaan, waxbarashada iyo xirfadahana u adeegsadaan sidii ay mustaqbalkooda iyo noloshoodaba horumar uga samayn lahaayeen.

Gabdhaha martida ahaa ayaa xusay in gabadhu awood u leedahay inay noqoto hoggaamiye, ganacsato iyo xirfadle bulshada wax ku biirisa, haddii ay hesho dadaal, aqoon iyo kalsooni. Kulankan ayaa noqday mid kor u qaaday hamiga iyo dhiirrigelinta gabdhaha ardayda ah.

waxaa meel fiican maraya tababarka 50 xubnood oo la barayo xirfadaha Alxanka, Biro laabista, laydhka iyo Dhismaha kaas o...
30/04/2026

waxaa meel fiican maraya tababarka 50 xubnood oo la barayo xirfadaha Alxanka, Biro laabista, laydhka iyo Dhismaha kaas oo ka socda xarunta tababarada kebribayah .

Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-Abuurka DDS ayaa waxa uu maanta soo agaasimay kullanka bahwadaagta kala duwan ee sector ka ...
30/04/2026

Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-Abuurka DDS ayaa waxa uu maanta soo agaasimay kullanka bahwadaagta kala duwan ee sector ka kullan ayaa lagaga wada tashanayay kobcinta xirfada iyo xirfadlayaasha ka soo baxa kulliyada xirfadaha sare ee jigjjga iyo iskaashiga tababarka warshadaha dhexdooda

Kullankan ayaa waxaa furay mareyaha kulliyada xirfadaha sare ee jigjiga Mudane Nasri Ahmed Jamaoo uu wahelinayo agaasinka waaxda fidinta warshadaha iyo gudbinta farsamooyinka casriga ah ee xafiiska xirfadaha iyo shaqo abuurka Mudane Mahamed Ahmed.

waxaa maanta kulan isugu yimid shirkadaha waawayn ee gaarka loo leeyahay , bahwadaagta dawlada iyo kulliyada barashada x...
16/04/2026

waxaa maanta kulan isugu yimid shirkadaha waawayn ee gaarka loo leeyahay , bahwadaagta dawlada iyo kulliyada barashada xirfadaha jigjiga kulankaas oo daarnaa qiimaynta geedi socodka industry Advisory Board dhawaan laga aasaasay magalada jigjiga si loo sii xoojiyo shaqooyinka ay wada qabtaan kulliyada iyo shirkadaha, waxaa xusid mudan in shirkadaha kala ah Shaahid Metal, Inginering, suways motors, royal real state ay kulliyada ka wada shaqeeyaan sidii ardayda kulliyadu tababarada iskashiga ugu qaadan lahayeen gudaha shirkadaha.

Jigjiga: Waxaa xadhiga laga jaray guryo wadareedyo loo dhisay danyarta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool mag...
01/04/2026

Jigjiga: Waxaa xadhiga laga jaray guryo wadareedyo loo dhisay danyarta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool magaalada Jigjiga.

Munaasabadda xadhigjarka ayaa waxaa goobjoog ahaa madax heer dal iyo heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin Madaxa Waaxda Maamulka iyo Hantida Xisbiga Barwaaqo ee heer Dal Mudane Birhaanu Fayisa, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laanta Deegaanka Soomaalida, Eng. Maxamed Shaale Isaaq, Duqa Caasimadda Jigjiga, Eng. Shaafi Axmed iyo marti sharaf kale.

Guryahan oo ah kuwo loo dhamaystiray adeegyadii aasaasiga ahaa laguna wareejiyay 15 qoys oo isugu jira danyar iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ah mashruuc uu fuliyay Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee heer dal, kuwaas oo qayb ka ah halbeegyada xisbiga ee lagu hagaajinayo nolosha dadka tabaalaysan iyo xaqiijinta horumar loo siman yahay.

Masuuliyiintii ka hadashay munaasabadda ayaa xusay in tallaabadani ay tahay dhiirigelin ku aaddan iscaawinta bulshada iyo fulinta himilooyinka fog ee xisbiga iyada oo laga duulayo aragtida ah in horumarka la wada gaadhsiiyo bulshada qaybaheeda kale.

Intii ay socotay munaasabadu, waxaa abaalmarinno kala duwan la guddoonsiiyay kulliyada dhistay, xafiisyadii iyo wakaaladihii doorka ka qaatay dhismaha iyo dhamaystirka mashruucan.

Ciid Mubarak dhamaan Muslimiinta dunida gaar ahaan shacabwaynaha DDS.Ciidan ciideeda alle Caafimaad qab Cimridherer iyo ...
19/03/2026

Ciid Mubarak dhamaan Muslimiinta dunida gaar ahaan shacabwaynaha DDS.

Ciidan ciideeda alle Caafimaad qab Cimridherer iyo Cibaado Suuban alle ha inagu Gaadhsiiyo.

Mudane Nasri Ahmed Jama
mareyaha kulliyada barashada xirfadaha jigjiga

07/03/2026

warbixin kooban oo kusaabsan waxqabadka kulliyada barashada xirfadaha jigjiga waxaa soo jeedinaya mareyaha kulliyada mudane Nasri Ahmed

Address

Jigjiga
Jigjiga

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00

Telephone

+251257756422

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jigjiga Polytechnic College posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category