Jigjiga Polytechnic College

Call Website

Jigjiga Polytechnic College JPTC

Diredawa. Maalinkii 2aad ee Booqashada Xubnaha Gudiga Shirkadaha Jigjiga Polytechnic. Booqashada Shirkada Tareenaka Ethi...
09/09/2026

Diredawa. Maalinkii 2aad ee Booqashada Xubnaha Gudiga Shirkadaha Jigjiga Polytechnic. Booqashada Shirkada Tareenaka Ethio-Djibouti Railway

Gudiga Latalinta Shirkadaha ee Kuliyada Jigjiga Polytechnic ayaa waxay Booqasho Khibrad wadaag ah u tageen Magaalada Dir...
08/09/2026

Gudiga Latalinta Shirkadaha ee Kuliyada Jigjiga Polytechnic ayaa waxay Booqasho Khibrad wadaag ah u tageen Magaalada Diredawa. Gudigan oo ka kooban Shirkadaha Waawayn ee kuyaala Magaalada Jigjiga iyo Nawaaxigeeda.

Wasiirka Xafiiska  Xirdaha iyo Shaqo-Abuurka DDS Mudane Xuseen Gaydh Axmed ayaa maanta soo xidhay kullankii qorsha midey...
29/08/2026

Wasiirka Xafiiska Xirdaha iyo Shaqo-Abuurka DDS Mudane Xuseen Gaydh Axmed ayaa maanta soo xidhay kullankii qorsha mideynta ee bahda xirfadaha iyo shaqo abuurka DDS oo maalmahan ka socday magaalada jigjiga.

Wasiirka xafiiska ayaana masuuliyiinta kulliyadaha iyo wakaladaha shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cunada maamul magaalooyinka degaanka kula dardaarmay in ay fuliyaan qorshooyinka u yaala sanad misaaniyeedka 2019 T.I

Gabo gabadii ayaa waxaa xafiiska, kulliyadaha iyo wakaladaha shaqo-abuurka iyo damaanad qaadka cunoyinka maamul magaalooyinka ay kala saxiixdeen qorshaha lagu shaqaynayo sanadka 2019 T.I

Kulanka labaad ee caadiga ah ee Guddiga Latalinta Warshadaha ee Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Jigjiga ayaa lagu qab...
22/08/2026

Kulanka labaad ee caadiga ah ee Guddiga Latalinta Warshadaha ee Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Jigjiga ayaa lagu qabtay Xarunta Dalxiiska Shabeelley.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii kulliyadda iyo bahwadaagta warshaduhu si wadajir ah uga shaqayn lahaayeen soo saarista iyo shaqogelinta dhallinyarada baratay xirfadaha kala duwan, iyadoo la waafajinayo xirfadaha ay ardaydu bartaan iyo baahiyaha shaqo ee suuqa ka jira.

Wakiillada shirkadaha iyo warshadaha deegaanka ee kulanka soo qaybgalay ayaa soo dhaweeyay ka mid noqoshada madashan, iyagoo soo bandhigay fursadaha shaqo ee ay u diyaariyeen dhallinyarada xirfadaha leh, isla markaana sheegay inay diyaar u yihiin inay qayb ka noqdaan horumarinta fursadaha shaqo ee ka jira magaalada Jigjiga.

Kulankan ayaa muhiimad gaar ah u leh xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya barashada farsamada iyo suuqyada shaqada, si loo helo dhallinyaro leh xirfad tayo leh, khibrad iyo shahaado caddaynaysa aqoontooda.

22/08/2026
03/07/2026
Xafiiska xirfadaha iyo Shaqo-Abuurka DDS ayaa waxa uu munaasabad casho sharaf ah uu ku gudoonsinayay abaal marino uqabta...
03/07/2026

Xafiiska xirfadaha iyo Shaqo-Abuurka DDS ayaa waxa uu munaasabad casho sharaf ah uu ku gudoonsinayay abaal marino uqabtay sectorka Xirfadaha iyo Shaq-Abuurka oo maamahan qiimeyn uga socotay magaalada jigjiga.

Abaalmarinadan ayaa waxaa lasinayay kulliyada Xirfadaha sare,Kulliyadaha Caafimaadka,Wakaaladaha Shaqo-Abuurka iyo Damaanad Qaadka Maamul Magaalooyinka Degaanka,Kulliyadaha Xirfadaha iyo Farsamada iyo kulliyadaha gaarka loo leeyahay ee shaqooyinkii loo igmaday guulo ka soo hooyay.

Kaalinta kobaada ee kulliyadaha Xirfadaha Sare waxaa galay Kulliyada Jigjiga Polytechnic college.

Kaalinta kobaad ee Kulliyadaha caafimaadka Waxaa gashay Kulliyada Xaaji Garaad Guuliye( Gode Health scien College).

Kaalinta kobaad ee Wakalaadaha Shaqo-Abuurka iyo Damaanad Qaadka Cunada lixda Maamul Magaalo waxaa gashay Dhagax-Buur.

Kaalinta kobaad ee Kulliyadaha Xirfadaha iyo Farsamada waxaa gashay kulliyada Wardheer Tvet kaalinta labaad ee kulliyadaha Xirfadaha iyo Farsamada waxaa gashay Kulliyada FiiqTvet.

Kaalinta kobaad ee Kulliyadaha gaarka looleeyahay waxaa gashay Kulliyada Horn International.

Soo jeedinta warbixinta waxqabadka 12ka bilood sanad misaniyadeedka 2018T.I ee kulliyada barashada xirfadaha jigjiga aya...
01/07/2026

Soo jeedinta warbixinta waxqabadka 12ka bilood sanad misaniyadeedka 2018T.I ee kulliyada barashada xirfadaha jigjiga ayaa waxaa soo jeediyay mareyaha kulliyada Mudane Nasri Ahmed Jama .

June 29/2026 Waxaa kuliyada JPTC ka bilaabmay Tababarka INNOVATIVE PEDAGOGY ga oo la siinayao 20 macalin oo lagasoo kala...
29/06/2026

June 29/2026 Waxaa kuliyada JPTC ka bilaabmay Tababarka INNOVATIVE PEDAGOGY ga oo la siinayao 20 macalin oo lagasoo kala xulay Kuliyaaha CLUSTER ka JIGJIGA. FIK TVET, HADIGALA TVET, ERER TVET, DH.BOUR PTC IYO AYSHA TVET

waxaa lasoo gabagabeeyay tababar ay ka qayb qaadaneyeen 50 macalin oo kulliyada barashada xirfadaha jigjiga, islamarkaas...
28/06/2026

waxaa lasoo gabagabeeyay tababar ay ka qayb qaadaneyeen 50 macalin oo kulliyada barashada xirfadaha jigjiga, islamarkaasna ku saabsanaaTababarka xirfadaha aasaasiga ah , waxaana tababarka usoo xidhay mareyaha kulliyada barashada xirfadaha jigjiga Mudane Nasri Ahmed iyo mixiyadin xusen oo ah Agaasinka waaxda tababarada ee xafiska xirfdaha iyo shaqo Abiluurka deeganka .

Address

Jigjiga
Jigjiga

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00

Telephone

+251257756422

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jigjiga Polytechnic College posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category