23/05/2026
𝐆𝐀𝐁𝐀𝐘𝐆𝐈𝐈 𝗔𝗡𝗦𝗛𝗔𝗫 𝗗𝗛𝗔𝗪𝗥 {{12}}
curiyaha gabaygu waa al ustaad sheekh mahad xaaji shugri
حفظه الله ورعاه في الدارين وغفر الله لنا وله ول جميع المسلمين والمسلمات
𝐊𝐚𝐛𝐨𝐠𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐰𝐚𝐜𝐚𝐧
Qaybtii 43aad
48)Buugbaa lagaa qori ilaa bixida ruuxdiiye
49)Barqiyaamo goortaan tagnee lays bandhigi doono
50)Labadii bohood maalintay qolaba baal aado
51)Cadaab aan bakhtiyin buu kuridi kii bardoo damaye
52)Bishaarana wuxuu siinayaa baari caabuda,e
53)Balaayada uwayee baryahan la isku baaweeyay
54)Waa banqigeena diintiyo rasuul birimadii qaaday
55)Iyo boqorkii na uumooy af xumo ugu bagaayaane
56)Canka dooga laga buuxin iyo buurigiyo qiiqa
57)Eegaan bilownaye ma jirin bari samaadkiiye
58)Caqligii badbaad sani xumaan uma badheedheene
59)Abqo boobka ma ahayn wixii uunka loobilaye
60)Balagii ibliis iyo jinbaa baal idiin lulaye
61)Fahan aniga iibaxay hadaan baaqa ku cadeeyo
62)Baxthi aan ufiir saday hadaan badhaha soo saaro
63)Bishintiyo lisaankii hadaan kaga bayan siiyo
64)Sharci iibaneeyaa jiradu waa bar kuma taale
65)Baqalkii xaraanaa dugsada geed bahgooya ahe
66)Nin waliba wixii uubartaa baaskii lagayeelye
67)Rasuulkii boqnuhu ay qarxeen baari nimad kiisa
68)Baashaalka nabigii kadigay barako waybaaye
69)Ma banaynin geed balo qabiyo beeb tubaako ehe
70)Xaqii buurka waynaa cabdoow baadil laga raacye
71)Biyihii qaboobaa baryahan oonka bixin waaye
72)Bahashii higliyo deeraday bilic ku faansheene
73)Sidoo kalana beentiyo rubtay baratan siiyeene
74)Barqinkii dharaartiyo habeen doodii lala buuqye
75)Bidhaantiyo midkoodee ifkiyo baraha dheeraadle
✍️Qore Daahir Abdi Pege