28/06/2026
🎓 HAMBALYO QALINJABIYAYAASHA HARAMAYA UNIVERSITY 2026
Shalay waxay ahayd maalin taariikhi ah oo ay Jaamacadda Haramaya u dabbaaldegaysay qalinjabinta 3,324 arday oo ka qalinjabiyay heerarka kala duwan ee Degree, Master, iyo PhD.
Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan ardayda qalinjabisay ee maanta garabka saartay miro-dhalka dadaalkoodii sannadaha badan. Gaar ahaan, waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa ardayda reer Somaliland ee ka qalinjabiyay jaamacaddan. Waxaad muujiseen karti, dulqaad, iyo dedaal aad kaga midho-dhaliseen himiladiinnii.
Ilaahay ha idinka dhigo kuwo aqoontooda uga faa'iideeya dalkooda, dadkooda, iyo diintooda.
Dhanka kale, ardayda weli jaamacadda ku jira ee waxbarashadoodii wada, waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu u sahlo, una dhammaystiro si khayr qabta, ayna iyaguna gaadhaan heerkan oo kale.
Hambalyo qalinjabinayaasha, guul ayaan idiin rajaynayaa tallaabadiinna xigta!