01/03/2022
Ciyaartoyga Turkiga ah ee la yiraahdo Aykut Demir ayaa diiday inuu xirto funaanadda ay ku qoran yihiin Halku-kudhigyo lagu cambaareynayo duullaanka Ruushka ee Yukreyn ,iyadoo Funaanadahaas lagu amary inay xirtaan Ciyaaryahanada ka Ciyaara dhamaan Horyaalada Yurub .
Aykut Demir ayaa diidmadiisa sabab uga dhigay in marka dhibaatooyinku iyo Dagaaladu ka socdaan Dunida Muslimka aan wax Daqnasho ah loo samayn.
Go'aanka uu qaatay Ciyaaryahankani ayaa Dhaliilo badan kala Kulmay Bulshada reer yurub iyo Warbaahinta Reer Galbeedka isagoo arintan ka hadlaya wuxuu yiri sidan.
"Kumanaan kun oo aan waxba galabsan ayaa maalin walba ku dhinta bariga dhexe, oo macne la,aan loogu dilaa, iyagu Bini'aadam ma aha miyaa ,Dhiigoodu qiime malaha miyaa .
Marka Dagaalada Dulmiga ku dhisan ka scodaan Dunida Muslimka ,Horyaalada yurub masoo hadalqaadaan oo way iska indhatiraan, oo lama ogola in lasoo hadalqaado iyagoo oranaya Sportska arimo Siyaasadeed waa ka Mamnuuc .
Lknse marka Yurub Dagaalo ka dhacaan Sportsku aad buu uga hadlayaa hal-kudhigyo dagaalka yukreyn lagu cambaaraynayo ayaa Ciyaaraha lagu muujinayaa ,muxuu yahay farqiga u dhexeeya labadaas Ummadood ,majirto wax ay ku kala duwan yihiin ,aniguba waan ka xumahay Dagaalka Yukreyn lknse waxaan diidanahay Sinaan la'aan iyo Cadaalad darada.
Sababta aan u diiday inaan xirto Funaanadaas,waxaan ugu tala galay inaan Muujiyo in Bini'aadamka oo dhan dhiigiisu qiime leeyahay oo isku mid yahay ,yurub haka soo jeedo ama meel kale haka soo jeedo ,haduu Muslim yahay iyo haduu Masiixi yahay "
Aljerizra som news