04/03/2014
Waxaa laga weriyey Abuu Cabdullaah an Nucmaan Ibn Bashiir(AKR), inuu yiri waxaan maqlay Rasuulkii Illaahay (SCW) oo leh: xalaashu waa caddahay, xaaraantuna waa caddahay, waxaana jira arrimo murugsan oo aan xalaal iyo xaaraan midna ku caddeyn; dadka badankiisuna ka warqabin. Marka ninka ka dhowrsada arrimahaa shakigu ku jira waxaa u badbaaday diintiisa iyo sharaftiisa, ninkii arrimaha shakiga ku dhacaana waa nin ku dhacay xaaraan oo kale sidii xoolo u foofiyey meel seero agteed ah, waxaa looga baqaa in xooluhu seerahaa u dhacaan ooo ay daqaan. Hooyaay! Ogaada in Boqo kasta leeyahay seero ama xirmooyin, seeraha Illaahayna waa wax uu xaaraantimeeyey. Hooyaay ogaada in jirka ay ku jirto waslad hilib ah oo haddii ay hagaagto jirkoo dhan baa hagaagaya, hadii ay xumaato jirkoo dhan baa xumaanaya. Ogaada taasi waa qalbiga.
Waxaa weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
عَنْ أَبِي عَبْدِ اللَّهِ النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ صلي الله عليه وسلم يَقُولُ: "إنَّ الْحَلَالَ بَيِّنٌ، وَإِنَّ الْحَرَامَ بَيِّنٌ، وَبَيْنَهُمَا أُمُورٌ مُشْتَبِهَاتٌ لَا يَعْلَمُهُنَّ كَثِيرٌ مِنْ النَّاسِ، فَمَنْ اتَّقَى الشُّبُهَاتِ فَقْد اسْتَبْرَأَ لِدِينِهِ وَعِرْضِهِ، وَمَنْ وَقَعَ فِي الشُّبُهَاتِ وَقَعَ فِي الْحَرَامِ، كَالرَّاعِي يَرْعَى حَوْلَ الْحِمَى يُوشِكُ أَنْ يَرْتَعَ فِيهِ، أَلَا وَإِنَّ لِكُلِّ مَلِكٍ حِمًى، أَلَّا وَإِنَّ حِمَى اللَّهِ مَحَارِمُهُ، أَلَّا وَإِنَّ فِي الْجَسَدِ مُضْغَةً إذَا صَلَحَتْ صَلَحَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، وَإذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، أَلَا وَهِيَ الْقَلْبُ".
رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ، وَمُسْلِمٌ.